Home
Q-Ramadaanta

   Barashada Quraanka

  Maxamed Sidiiq Al-Mashaawi
1.Jus Qadsamic
2.Jus Qadsamic
3.Jus Tabaarik
4.Jus Tabaarik
5.Jus Camma
6.Jus Camma
Maxamuud Khaliil Xusari
1.Jus Daariyaat
2.Jus Daariyaat
3.Jus Daariyaat
4.Jus Qadsamic
5.Jus Qadsamic
6.Jus Qadsamic
7.Jus Tabaarik
8.Jus Tabaarik
9.Jus Tabaarik
10.Jus Camma
11.Jus Camma
12.Jus Camma

   Su'aalo iyo Jawaabo

   Sh. Maxamed Cumar Dirir
1. Su'aalo iyo Jawaabo
2. Su'aalo iyo Jawaabo
3. Su'aalo iyo Jawaabo
4. Su'aalo iyo Jawaabo
5. Su'aalo iyo Jawaabo
6. Su'aalo iyo Jawaabo
7. Su'aalo iyo Jawaabo
8. Su'aalo iyo Jawaabo
9. Su'aalo iyo Jawaabo
10. Su'aalo iyo Jawaabo

Codayn

Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

   Islamic Links

Altaqwaa
Aflax.Net
Anasheed
Waaniye
Muslim Kids Tajweed
Sh. Abdirashiid
Daarul Xadiith
Duruus
Golaha Imamyada
Tawfiiq Masjid
Masjid Shaafici
Boqolsoon
Khalid Masjid
Somalisunah
Qardhaawi

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
Sidee Baynu u Qaabilnaa Bisha Ramadaan ee Barakaysan Print E-mail
Monday, 01 September 2008

Ilaahay ayaa mahadle Calamiinta oo dhan Rabigooga, waxa qirayaa in illaahay mooyaane alle kale jirin cibaadadana cid kale ku lamaanay mayno, waxa kaloo aan qirayaa in maxamed yahay adoon alle iyo Rasuul alle soo dirayba (N.N.K.H).

Waxaynu Halkan kaga warami doonaa sidee bay tahay in aynu u qaabilno Bisha Ramadaan ama qaabkii iyo dariiqii aynu u soo dhowayn lahayn Ramadaanta, Muxuuse yahay Micnaheedu, Muxuuse illaahay uga fadilay bishan dhammaan bilaha kale?

Waxaanu kaloo kaga warami doona arimo badan oo la xidhiidha Bishan Barakadaysan iyo sidii ay asxaabtii ay u gudan jireen.

Waxay ahaayeed dadkii hore ee muslimiinta ahaa ee ka mid ahaayeen Asxaabtii Rasuulka (CSW) kuwo garanaayeen qiimaha ay leedahay bisha ramadaan, inagana ku dayasho ayaa inooga sugan, si aynu u raacno dhaqankii wanaagsanaa ee ay ka dhexleen Rasuulka (CSW).

Hadaba waxay ay ku hamiyi jireen bisha ramadaan, waxayna ku farxi jireen bisha ramadaan, markay ay bilaabmato waxayna illaahay ay ka beryi jireen in uu gaadhsiiyo bisha ramadaan, marka ay gaadhaan waxay illaahay ay waydiisan jireen inuu ka aqbalo soonka iyo cibaadoonyinka kale, waxayna soomi jireen ramadaanta maalin kastoo ka mid ah iyagoo aad iskaga ilaalinaya waxyaaba soonka daciifiya sida laqwiga, dheel dheelka, xanta, isku dirka dadka iyo beenta. Asxaabtu waxay habeenkooga ay ku noolayn jireen Salaatu layl iyo Qur'aanka akhriskiisa, waxayna u sama fali jireen ama ay u naxariisan jireen dadka masaakiinta ah iyo faqarada, iyagoo siinayay cunto iyo waxyaabo ay ku soomaan. Waxay nafahooda ay kula jihaadi jireen adeecida illaahay, cadowga islaamkana waxay kaga jihaadayeen siday kalmada illaahay ay u sarayso.

Hadaba Bisha Ramadaan maaha bil dheel dheel, hurdo iyo caajisnimo sida dadka qaar u haystaan, laakiin bisha ramadaan waa bishii jihaadka iyo cibaadada iyo camalka fiican. Sidaa darteed ayay waajib inagu tahay in aynu u qaabilno si farxad iyo karaamayn leh.

Bishan Ramadaan Illaahay (SW) ayaa u doortay oo nagu waajibiyay in aynu soono, waana bishii la soo dajiyay Quraanka Kariimka ah si dadka looga saaro mugdiga iyo dulmiga looguna yeedho xaqa iyo nuurka. Hadaba sidee baynu ugu farxeen bisha ramadaan? Waa bisha la furo albaabada janada, kuwa naartana la xidho, Shayaadiintana la xidho. Waa bil xasanaadka la laban laabo, muumiintana darajooyinkooga la dalacsiiyo dhinaca illaahay gafafka iyo danbiyadana laga dhaafo.

Waxa inala gudboon in aynu ka faa’iidaysano fursada nolosha ee caafimaadka iyo shabaabnimada ay ka mid yihiin, inagoo uga faa’iidaysanayna illaahay adeecidiisa iyo wanaajinta cibaadada illaahay, kana faa’iidaysanayna farsada bisha ramadaan ee barakaysan.

Waa in aynu cusboonaysiina balankaynu illaahay la galnay, inagoo la imanayna toobad dhab ah oo aynu  markasta ka toobad keeno dunuubteena inagoo ku sugnaanayna adeecida illaahay, u hogaansanaata amaradiisa iyo ka fogaanshaha waxyabaha la inaga reebay si aynu uga mid noqono kuwa liibanay.

Maalinta aynan ina anfaceen maalka iyo ubadku mid la yimaada qalbi wanaagsan mooyane” Ilaahay run ayuu sheegay koreeye markuu yidhi “ninka adeeca illaahay iyo rasuulkiisa ayaa liibanay liibaan wayn

Hadaba waa in aynu ku dadaalno waxyaabaha illaahay inagu waajibiyay iyo waxyaaba laga jecel yahay illaahay agtiisa oo aynu ka dheerano waxyaaba la inaga xaarantimeeyay bisha ramadaan ee barakaysan iyo wakhtiyada kaleba, inagoo raacayna oo hadalka illaahay “Rabigaaga caabud ilaa inta ay yaqiintu kuu imanayso” ilaa aad dhimanayso “waxa aad tidhaahdaa salaadayda wax gawricidayda, noloshayda iyo dhimashadaydaba illaahaybay u sugnatay rabiga caalamiinta, cidna shariig yeeli maayo sidaas baana la i amray, waxaana ahaanayaa kuwa ugu horeeya muslimiinta”.

Waxa inala gudboon in aynu ku qaabilno Bisha Barakaysan go’aan dhab ah soomideeda iyo soo jeedkeedaba, inagoo rumaysan illaahay oo isaga agtiisa naxariis iyo danbi dhaaf ka rajaynayna, waa in aynu ka soonnaa hadalka kiisa xun, indhaha iyo araggooga, dhegaha iyo maqalkooga, cuntada iyo cabida la inaga xaarantimeeyay si aynu illaahay agtiisa uga helno danbi dhaaf oo aynu uga mid noqono kuwa naarta laga xoreeyay, waxa inala gudboon in aynu xafidno eedaabta soonka ee ay ka mid tahay suxuurta oo dib loo dhigo iyo afurka oo la soo dedejiyo marka aynu ogaano in ay cadceedu ay dhacday, camalada wanaagsan iyo khayrka oo la siyaadiyo.

Qofka sooman oo haddii cidi aflagaadaysay ku yidhaa “anigu waan soomanahay” iskana ilaaliya in uu isaguna caayo cidii cayday, waa in aanu qofka soomani qofka xumaan kala horyimaada xumaan kale ka hor geeyn ee ha ugu jawaabo kalmad wanaagsan, si uu u dhamaystirmo soonkiisu camalkiisana loo aqbalo. Waxa inala gudboon in aynu hawl kasta oo aynu qabanayno u qabano illaahay dartii, soonkeena, salaadeena iyo dhammaan camaladeena. Waayo Illaahay (SW) camalna ma aqbalo wixii aan ahayn mid ilaahay wiji laga doonayo, camalka wanaagsan ee illaahay dartii loo qabto ayuunbaa waafaqsan sunaha Rasuulka (CSW).

Waxa inala gudboon haddii aynu nahay dad islaam ah in aynu xafidno salaada taraawiixda inagoo ku dayanayna Nebiga (CSW) iyo asxaabtiisa illaahay ka rajaynayna ajar iyo xasanaad, Nebigu (CSW) waxa uu yidhi “Ninka u kaca bil ramadaan cibaadada illaahay isagoo illaahay rumaysan wanaagna ka rajaynaya illaahay wuxuu ka dhaafa danbiyadiisi hore

Waa in aynu ku noolayno bisha ramadaan tobanka habeen ee ugu danbeeya salaad, iyo qur'aanka oo aynu akhrino, xuska illaahay oo aynu badino iyo inagaa illaahay wanaag waydiisana oo xumaan iyo ciqaabtiisana ka magan galayna, inagoo raacayna sunaha rasuulka CSW.

Waxa Bisha Ramadaan ku jira habeen laylatu khadri ah oo ka khayr badan 1000 bilood oo u dhiganta 83 sanadood iyo 4 bilood, waa habeen barakaysan oo illahaay ku sharfay soo dajintii qur'aanka, waxa hebeenkaa soo dega malaa igta oo malaku jibriilna ku jiro. Waa habeen qofka cibaado ku soo jeeda illaahay uu ka dhaafo danbiyadii uu galay oo dhan. Hadaba waxa la gudboon qof kasta oo muslim ah in uu habeen kasta ku dadaalo cibaadada illaahay, toobada, xuska illaahay, ducada, danbi dhaafka iyo isagoo illaahay waydiisanaya janada naartana ka magan gelaya.

(Nebigu (CSW) tabanka dambe ee bisha ramadaan wuu soo jeedi jiray guntiga ayuu u adkaysan jiray ehelkiisana wuu toosin jiray) inaga waxa inagaga sugan Rasuulka illaahay ku dayasho wanaagsan.

Qofka muslimka ah ee sooman waxa ka mabnuuca ah in uu u dhowaada dumarka, waxa la gudboon qofka muslimka ah ee sooman in uu ku dadaalo qur'aanka akhriskiisa isagoo u fiirsanaya oo ka fikiraya macna qur'aanku xamaarsan yahay si uu xujo ugu noqdo maalinta qiyaame oo uu illaahay uga shafeeco qaado. Illaahay waxa uu kafaala qaaday ninka qur'aanka akhriyaa ee ku camal fala in aanu halaabin aduunyada aakhirana aanu halaagsamin illaahay baa yidhi “Qofka raaca hanuunka ma halaaba mana xumaado.

Waxa inala gudboon in ay darisno qur'aanka si aynu ugu liibaano afartan arimood ee Nebigu (CSW) kaga waramay (Qoom guri iskuguma yimaadan ka mid ah guryaha illaahay iyagoo ku akhrinaya kitaabka illaahay oo ku baranaya, haddii ay dhacdana waxa ku soo degta xasiloonan, waxa daboosha raxmad waxaana ku wareegta malaa’ig, illaahayna waxa uu xasuusiya cid agtiisa ah

Waxa la gudboon qofka islaamka ah in u badiyo ducada iyo danbi dhaafka uu illaahay waydiisanyo habeen iyo maalinba marka uu sooman yahay, marka uu saxuuranayo. Wakhtiyada illaahay aqbalo ducooyinka waxa ka mid ah adoonku marka uu sooman yahay ilaa inta uu afurayo, illaahay waxa uu inagu amray in aan isaga barino, waanu kafaalo qaaday inuu naga aqbalayo markuu yidhi “I barya waan idinka aqbaliyee”.

Waxa la gudboon qofka muslimka ah in uu xafido wakhtiyada nolashiisa ee gaaban ee weliba xadidan oo uu ku dabaqo wixii anfacaya iyo cibaadada illaahay ee kala duwan, kana dheerado wixii dhibaya diintiisa, aduunyadiisa iyo aakhiradiisa, gaar ahaan bisha ramadaan ee fadliga badan, taas oo kuwa aan qiimaheeda garanayn ku markaati furaysaa kuwa diiday  illaahay adeecidiisa, waxayna ku markhaatu  furtaa kuwa caasiyiinta ah iyo kuwa kaafiriinta ah.

Waxa inala gudboon in aynu nidaamino wakhtigeena si aynu uga faa’iidaysano oo aynu u xisaabino wakhtigeena, waxaynu qabanaynaa waa in uu ahaada wax ina anfaca illaahay agtiisa.

 Nidaaminta Wakhtiga.

Waxa aan ku isku dayayaa in aan ku sawiro khad gaaban oo aad kaga faa’iidaysato wakhtigaaga bisha ramadaan ee barakaysan wax laga yaaba in aad uga faa’iidaysato bilaha kale ee nolashaadan gaaban. Waxa kula gudboon marka aad tukato salaada subax  in aad masaajidka fadhiisato oo qur'aanka akhrisato iyo wardiga subaxii la akhristo oo illaahay xus intay cadceedu soo baxayso ilaa rubuc saaco ka dib inta ay cad ceedu soo baxdo, marka la soo gaadho wakhtiga la nahiyay salaada la tukado ama ilaa intii illaahay doonay waxa aad ku liibanaysaa in aad hesho ajar la mid ah adoon Xaj iyo Cimra dhamaystiran soo gutay. Xadiiskaa waxa soo wariyay Tarmiidi.

Rasuulka illaahay waxa inoogu sugan ku dayosho wanaagsan, asxaabta rasuulka oo ku dayanaya Nabigeeni Suubana (CSW) markay tukadaan salaada subax illaahay ayay xusi jireen ilaa inta ay cad ceedu soo baxayso, qofka muslimka ahi marka uu fadhiisto meesha uu ku tukanayay, hadii uu seexdo inta uu shaqo tagayo ka dibna uu shaqadiisa tago kiiyo wakhti kasta qalbigiisa uu ku jiro xasuusta illaahay oo shanta salaadoodana wakhtigooga jamaca la tukada, kaas agtiisa may ahaanin camal uga khayr badan inuu duhurka dabadii yara nasto.

Salaada casar ka dib marka uu akhristo wixii u fududaada ee quraan ah ama ducooyin ah, makhribka dabadii uu tukado cishaa'iga iyo taraawixda salaada taraawixda ka dibna uu soo qabsado hawlaha daruuriga ah ee nolol maal meedkiisa muda laba saacadood ku sugan ka dibna iska seexda ilaa suxuurta, ka bacdina soo kaca isagoo xusuusta illaahay qalbigiisa ku jirto ka dibna wayseesta ee tukada wixii lagu waajibiyay suxuurta horteed, suxuurta ka dibna uu bilaabo xuska illaahay iyo ducooyina uu illaahay ku baryaayo isagoo danbi dhaaf iyo tooban waydiisanaya illaahay ilaa ay gaadho salaada subax.

Waxa la gudboon qofka muslimka ah inuu rajeeyo raxmada illaahay kana cabsado ciqaabtiisa, ahaadana adoonkii illaahay wakhti kasta si muuqata iyo si qarsoonba u joogteeyo xuska illaahay isagoo taagan isagoo fadhiya sidii illaahay ku tilmaamay muuminiinta.

Wa Bilaahi Towfiiq

Waxa qormada idin soo diyaariyay walaalaha Shabakada Al Hidaaya www.alhidaaya.info

 
set as your home page

Tafsiirka Quraanka

Sh. Maxamed Sh.Cumar Dirir
Sh. Cismaan Cali Xuseen
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Maxamed Cabdi Umal

Arbiciin

Sh.Maxamed  Ismaaciil

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Arbiciin

Sh.Cumar Faaruuq

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Casharka 4aad
Casharka 5aad
Casharka 6aad
Casharka 7aad
Casharka 8aad
Casharka 9aad
Casharka 10aad
Casharka 11aad
Casharka 12aad
Casharka 13aad

Muxaadaro Cusub

Maxamed Cumar Dirir

  Doorashada Saaxiibka Wanaagsan

Sh. Almis  Sh. Yaxye

Kibirka Iyo Isla Weynida

Sh.Ina Cali Gadhle

Qaybo ka mid ah Iimaanka

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008 Al Hidaaya.info