Marka hore waxa mahadleh illaahay (SW) ee inoo fududeeyay hirgelinta iyo abuurista Shabakadan aadka u balaadhan ee Al Hidaaya oo ah shabakad aqooneed, kadib waxa mahad leh dhammaan cidii ka qayb qaadatay howshaa aadka u balaadhan ee Shabakada sida bixinta codadka, duubista iyo dhisida Shabakadaba.
Intaa ka dib waxa aanu akhristayaasha soo booqda Shabakadan Al Hidaaya ku wergelinaynaa in shabakadani inteeda badan ay dhamaystiran tahay, inta hadhsana haddii alle yidhaahdo aanu si dhakhso ah u dhamaystiri doono. Waxa kale oo howlwadeenada Shabakadu ku howlan yihiin in ay mar walba kutub, muxaadarooyin cusub iyo Casharo taxane ah soo geliyaan, sida, Tafsiirka dheer ee Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir uu ka wado magaalada Hargeysa iyo kutub kale oo badan oo iyana ka socda magaalada. Waxaanu se illaahay (SW) ka rajaynaynaa howshan aanu maanta bilownay oo ah howl culuskeeda leh, una baahan samir iyo dadaal inuu noo fududeeyo, sidoo kale waxa aan akhristayaasha sida joogtada ah u soo geli doona Shabakadan casharadana kala socon doona ka rajaynaynaa in ay iyaguna noo soo duceeyaan.
Ugu dambayn waxaanu idinka codsanaynaa in aad nala socodsiisaan codadka iyo qoraalada idin shaqayn waaya si aanu u hagaajino, idinka oo noogu soo sheegaya Emailada kala ah
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
ama
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).
Akhri Oo Ku Dayo
Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.
Saddexlay
Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:
1.Joogtaynta shaqada
2.Ku celcelinta isku dayga
3.Sixida khaladka
Hal Xidhaale
1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?
2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?
3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah(الله)?
4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?
1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina?Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina
2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)?Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله)waxay ku jirtaa 282
3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay?Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban tahay 3481 kelmadood
4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay?Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf
5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira?Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.