Home
Q-Ramadaanta

   Barashada Quraanka

  Maxamed Sidiiq Al-Mashaawi
1.Jus Qadsamic
2.Jus Qadsamic
3.Jus Tabaarik
4.Jus Tabaarik
5.Jus Camma
6.Jus Camma
Maxamuud Khaliil Xusari
1.Jus Daariyaat
2.Jus Daariyaat
3.Jus Daariyaat
4.Jus Qadsamic
5.Jus Qadsamic
6.Jus Qadsamic
7.Jus Tabaarik
8.Jus Tabaarik
9.Jus Tabaarik
10.Jus Camma
11.Jus Camma
12.Jus Camma

   Su'aalo iyo Jawaabo

   Sh. Maxamed Cumar Dirir
1. Su'aalo iyo Jawaabo
2. Su'aalo iyo Jawaabo
3. Su'aalo iyo Jawaabo
4. Su'aalo iyo Jawaabo
5. Su'aalo iyo Jawaabo
6. Su'aalo iyo Jawaabo
7. Su'aalo iyo Jawaabo
8. Su'aalo iyo Jawaabo
9. Su'aalo iyo Jawaabo
10. Su'aalo iyo Jawaabo

Codayn

Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

   Islamic Links

Altaqwaa
Aflax.Net
Anasheed
Waaniye
Muslim Kids Tajweed
Sh. Abdirashiid
Daarul Xadiith
Duruus
Golaha Imamyada
Tawfiiq Masjid
Masjid Shaafici
Boqolsoon
Khalid Masjid
Somalisunah
Qardhaawi

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
Ciida Jacaylka (Valentine’s Day) Print E-mail
Monday, 11 February 2008
 Mawqifka Islaamka ee Maalinta Ciida Jacaylka (Valentine Day

Illaahay ayaa mahadleh Ilaaha qofka gaadhsiiya wuxuu rajaynayo wax ka wayn, ee ka waydiista siiya wax ka badan wuxuu waydiistay, ee ku manaysta adoonka toobadkeena Safxada aqbalkiisa, Illaaha dadka abuuray la doonay Daarta lagu waarayo aduunyadana ka dhigay meel loo sii maro Janada dejiyana ka aan aqoon sharaf kale oon Illaahay ahayn , ee nafta ka qaada adoonka intuuna gaadhin wuxuu rajaynayay goor aan waxba ayna u tarayn waxa uu kasbaday maal iyo caruurba, qofka wanaagsan mooyaane, ee bartay aduunyada macna la aanteeda ee u deg dega danbi dhaafka Illaahay iyo jano ka balaadhan samada iyo dhulka ee loo balan qaaday kuwa muuminiinta ah.

Intaa ka dib, waxaan qiryaa in aanu Illaahay mooye Illaah kale jirin qirid aan garanayo daliilkeeda iyo faraceeda waxa kaloo aan qirayaa maxamed in uu yahay adoonkii Illaahay iyo rasuulkiisi, Nebigii Maxamed N.N.K.H iyo Abu Bakar rafiiqiisi kula rafiiqay safarada iyo marxaladiihii kale iyo Cumarkii qaatay seefta Islaamka isagoo ka baqayn cid aan Illaahay ahayn, Cismaankii samirka badnaa, iyo ehelkii asxaabtii rasuulka iyo taabicintii iyo intii ku raacda wanaaga ilaa maalinta qiyaamaha.

Walaalayaal waxa sannadahan denbe ku fiday dhalinyarada Islaamka inamo iyo habloba khayr ha igu bushaarayn, waxayna raaceen dhaqankii gaalada waxayna abaabulayaan xafladihii Ciida Jacaylka, inta ay noqon lahaayeen Daaciyiin iyo Ehlu Cilmi u adeega shareecada Islaamka, shareecadu waxay nasteexo u tahay dhamaan ummada Islaamka, qofka Islaamka ahina waa in uu ka dheeraada wixii ka reeban islaanimada.

Illaahay (SW) waxa uu inoo doortay diinteenu in ay noqoto islaam waxaana uu yidhi “Diini Illaahay agtiisa waa Islaam”[Al Cimraan-19], waxa kale uu Illaahay inoo cadeeyay in cida wax kale diin ka dhigataa aan laga aqbalayn waxaana uu yidhi “Qofka diin ka dhigta diin aan ahayn ta Islaamka laga aqbali maayo aakhirana waxa uu ka mid noqonayaa kuwa qasaaray”[Al-Cimraan-85].

Nebigu (CSW) waxa uu yidhi “Waxaad raaci doontaan dariiqii kuwii idinka horeeyay taako taako iyo suxul suxul xitaa haddii ay galaan god abeeso waad ka daba geli doontaan” Asxaabtu waxay ay yidhaahdeen ma Yuhuud iyo Nasaaro Nebigu (CSW) waxa uu yidhi “Hadaa Ayo”.

Waynu aragnaa wuxuu Nebigu (CSW) sheegay, mashaqada ugu denbaysay ee ku fiday in badan oo dhulka Islaamka ah muslimiin badanina ay raaceen cadowgii Illaahay iyagoo ku dayana caadadooda iyo dhaqankooga kagana dayana ciidahooga, waxa dhacday in ay xaflado qabsadaan iyagoo is waydiin maxay yihiin ciidahani?

Tani waxay ku timid ilbaxnimada maadiga ah iyo horumarka dadku Illaahay gaadhsiiyay, waxaana jirtay in reer galbeedku ahaayeen dad aan horumar lahayn oo liita, sida imika muslimiinta qaarkood yihiin.

Haddaba markii ay diintu ka diciiftay quluubta dadka ayay ku faafiyeen Jaahilnimo dadka dhexdiisa, waxaana arrintan sii kordhiyay warbaahinta oo gaadhay meel kasta iyadoo halku dhigii iyo cadadii gaalada oo la soo qurxiyay iyagoo ah maqal iyo muuqal lagu soo bandhigay warbaahinta taas oo lagu gudbinayo si toos ah.

Imikana waxa si kooban u tilmaamaynaa asal ahaan halka ay ka timid Ciidani iyo sida ay u soo barbaartay iyo ujeedadii laga lahaa iyo waxa ku waajibka ah qofka muslimka ahi si uu uga hor tago.

Waxaanu Iftiiminaynaa waxaan imika la yidhaahdo Ciida Jacaylka

Dr. Ibraahim Xaqiil oo ah tafatiraha Majelada Al Jundi Al Muslim (Askariga Muslimka ah) waxa uu ku tilmamay ciida jacaylka in ay ahayd mid ka mid ah Ciidihii Roomaaniyiinta ee sanamyada caabudi jiray, taas oo imika laga joogo 17 qarni.

Roomaaniyiintu Ciidan Jacaylka waxay u fahansanaayeen Jacaylka Illaahooga, ciidani waa khuraafada soo jiray ilaa mudadaa Roomaaniyaanka waxaana ka dhexlay Nasaara. Khuraafaadka ugu caansana waxa uu ahaa ama ay Roomaaniyiintu aaminsanaayeen in Roomliyoos uu asaasay magaalada Rooma.

Maxaynu u Xusi Waynay Ciida Jacaylka?

In badan oo Muslimiin ah ayaa xaflada qabsada ciidan iyagoo aan rumaysnayn khuraafaadka iyo waxyaabaha aynu sheegnay ee Roomaaniyiinta ama Nasaarada. Haddaba dadkani ma garanayaan halka ay ku sal leedahay ciidani waxay ku odhanayaan badhkood diinta Islaamku waxay dadka ugu baaqaysaa Jacayl iyo Nabad, ciida jacaylkuna waa muslimiinta lagu baahinayo Jacaylka ee maxaydu noogu diidaysaan in aynu xaflado qabsano?

Su’aasha Jawaabteedu waxay tahay:

Ta koowaad: Ciidaha Islaamku waa cibaado Alle loogu dhowaanayo, waana gaadhsiin diimayd, Islaamkuna waxa uu leeyahay labo Ciidood oo kaliya (Ciidul Fitri iyo Ciidul Adxa) ciid saddexaadna ma jirto. Ta Labaad: Ciidani waxay shabahaysaa Roomaaniyiin iyo cida xaflada qabsataana maalintaa la sheegayo

Sadexaad: Waxa looga jeeda wakhti dadku is wada jeclaaday gaal iyo muslim, taasina waxay khilaafaysaa diinta Islaamka, waayo gaalka waa in aad cadaalada Islaamka marisaa, laakiin aad ogataa in aanad walaalo ahayn oo uu kula walaal yahay qofka Islaamka ahi.

Mowqifka Islaamka ee Maalinta Ciida Jacaylka

Waxaynu hore u soo sheegnay oo aynu caddaynay ciidan dadka ehelka u ah iyo qisadeedi, isla markaana waxaynu soo gaadhnay waxaynu ka yeeli lahayn haddaanu nahay ummad islaam ah.

1. In aan la tagin xafladaha lagana qayb gelin, waxaynu hore u caddaynay ka qayb galka xafladaasi in ay xaaran tahay sidoo kalena ay tahay xaflado gaaleed.

2. In aan wax gacan ah laga gaysan abaabulka xafladan haddii ay tahay Kaadh la isku diro ama waxyaabaha kale ee ciidan khuseeya, gacansiinta ciidani waxay noqonaysaa in aad gaal gargaartay kana shaqaysay sidii ay diinta gaalnimadu u hirgeli lahayd halkaad ka hirgelin lahayd islaanimada.

3.Waxa waajib ah in aanad xafladan tagin xitaa haddii lagu marti qaado gacana ha ka gaysan, sidoo kale caruurta Islaamka iyo cida aad ka masuulka tihiina waa in ayna ka qayb qaadan xafladan.

Sheekh Maxamed Binu Salix Cuthaymiin: waxa uu yidhi isagoo arrinkaa ka waramaya :-Waxa soo batay maalmahan denbe xaflado la leeyahay waa ciidi jacaylka, taas oo gaar ahaan ay aad u saamaystaan dumarku, ciidaasi waa mid dhaqan ahaan ka soo jeeda Kiristanka, is qurxinta iyo maryaha cas ee la xidhanayo iyo ubaxyada hadiyada la isku dirayaba, waxaynu halkan ku cadaynaynaa xukunka ay leeyihiin xafladahani iyo wixii talo ah ee la xidhiidha.

Xafladan Ciida Jacaylku waa xaaran umana banaana umada Islaamka

1. Waa ciid aan meelna ka soo gelin shareecada Islaamka.

2. Waa mid ku dhisan is shukaanshi iyo xumaan

3. Ciidani waxa kale oo ay qalbiga ku mashquulinaysaa waxyaabo khilaafsan hanuunka Islaamka mana banaana in maalintaa lala yimaado wax dareen ciideed ah, haddii ay cunto tahay, haddii ay sharaab tahay, haddii ay dhar tahay iyo hambalyeen iyo wax la mid ah toona.

Qofka Muslimka ahi waa in uu ciseeya diintiisa ee aanu noqon qof kolba cid iska daba gala, waxaanu Illaahay waydiisanaynaa in uu ummada Islaamka ka badbaadiyo wixii fidmo ah ee ay ku toosaan wanaaga iyo samo falka iyo kitaabka Illaahay.

Sidoo kale Sheekh Cabdilaahi Binu Jibriin waxa uu yidhi isagoo ka hadlaya mawduucan:-

1. Ma banaana xaflada noocan oo kale ahi waayo waa bidco soo korodhay, shareecada Islaamkana meel kama soo gasho waxayna ka mid tahay waxyaabihii Nebigu (CSW) inooga digay, xadiis ay Hooyadii Muuminintu Caasha (RC) ay ka soo werisay Nebiga (CSW) waxa uu yidhi “Qofka diintayada ku soo dara wax aan ku jirin waa lagu celin doona”.

2. Isku eekaysiinta Gaalada iyo raacida dhaqankooda ama waxyaaba ay wayneeyaan oo la waynooyo iyo in la qadariyo ciidahooga iyo munaasibadahooda sida Ciidan Jacaylka oo kale iyo dhamaan waxyaaba diintooda ku jira oo la isku eekaysiiyo, Nebigu (CSW) arrinkaa isaga oo inooga waramaya waxa uu yidhi “Ninka qoom isku eekaysiiya waa ka mid”

3.Waxyaabaha la soo agaasimay ee fasahaadka ah sida heesaha, kamarada, Dumarka aan asturnayn iyo raga is dhex qaadaya iyo dhamaan waxyaaba kale ee xaaranta ah ee dadka loo sahlayo dhamaan waa khalad waana denbi weyn, waana in laga fogaado dunuubta iyo dariiqooyinka loo maro. Mana banaana iibinta hadiyada iyo ubaxyada la isku geeyo meelahan xaflada ah iyada oo la waynaynayo maalintan waa xaaran xitaa qofka iibinaya haddii aanu shaqo ku lahayn in uu ka iibiyo maaha.

Ugu Danbayn: Waa in aynu ogaano in ciidani meelna ayna ka soo gelin Islaamka, laakiin ay tahay dhaqamo iyo tarbiyado inooga yimid dhinaca gaalada, qofka muslimka ah ee ka qayb galaana uu yahay qof raacay hawadiisa waxaana ay ku keentaa ducufnimo-liidasho- dhinaca nafta ah iyo dib u dhac garashada ah, waxaana qofka ku yaraata ahmiyada uu siiyo ilaalinta shareecada Islaamka iyo iska ilaalinta khuraafaadka Gaalada.

Inagu waxaynu leenahay ciida Adxada iyo Ta Fidriga ee qaniga ah oo inagu filan. Miyaanay diinteenu ahayn diintii hanuunka iyo liibaanta? Waa in aynu ka taxadirno ciidahan gaalada oo aynu dadkana uga digno si aynaan ugu nuglaan halaynta gaalada ee ina halaynayaan.

Waynu ka sharaf badannahay Illaahay agtiisa kuwaas oo kale, mar haddii ay kuwii halowsanaa ay ka hadlayaan jacaylka, mar haddii ay wayneyeen xafladana u qabteen inagaaba kaga xaq leh is jeclaanta. Jacaylkeenuna waa mid ku dhisan iimaan, iimaana qofku malaha mana nabadgelo ilaa uu jeclaado Illaahay (SW) iyo diintiisa iyo shareecadiisa. Qofku iimaan ma yeesho mana nabadgelo ilaa uu Jeclaado Rasuulka Illaahay (CSW) iyo ehelkiisa iyo dhamaan asxaabtiisa. Qofku iimaan ma yeesho ilaa uu walaalkii la jeclaado wixii iimaan iyo khayr ah ee naftiisa uu la jecel yahay.

Jacaylku dhinaca Muslimiinta waxa uu leeyahay sharaf weyn, jacaylku iyo kalgacalka dartii ayaan ku helay cirka iyo dhulka oo lagu abuuray makhluuqaadka lana dhaqaaqayaan falagyada wareegaa, dhaqaaquna uu ku gaadha ujeedadiisi, laguna gaadha bilowgeeda iyo dhamaadkeeda, naftuna ay ku diida waxay doonayso oo lagu caabudaa Illaahay, oo laga go’aa su’aal kale cid aan Illaahay ahayn, laguna gaadhaa nolosha wanaagsan ee lagu dhadhamiyo nolosha macaan ee iimaanka, marka aad Illaahay raali uga noqoto rabi ahaan, Islaamkana diin ahaan, Nebi Maxamed-na Rasuul.

Wa Bilaahi Towfiiq

Maqaalkan waxa soo diyaariyay soona turjumay Howlwadeenada Shabakada Al Hidaaya.info

 
set as your home page

Tafsiirka Quraanka

Sh. Maxamed Sh.Cumar Dirir
Sh. Cismaan Cali Xuseen
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Maxamed Cabdi Umal

Arbiciin

Sh.Maxamed  Ismaaciil

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Arbiciin

Sh.Cumar Faaruuq

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Casharka 4aad
Casharka 5aad
Casharka 6aad
Casharka 7aad
Casharka 8aad
Casharka 9aad
Casharka 10aad
Casharka 11aad
Casharka 12aad
Casharka 13aad

Muxaadaro Cusub

Maxamed Cumar Dirir

  Doorashada Saaxiibka Wanaagsan

Sh. Almis  Sh. Yaxye

Kibirka Iyo Isla Weynida

Sh.Ina Cali Gadhle

Qaybo ka mid ah Iimaanka

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008 Al Hidaaya.info