|
الحديث الأول:- عن أمير المؤمنين أبي حفص عمر بن الخطاب (رضي الله عنه) قال: سمعت رسول الله (صلى الله عليه وسلم) يقول: "إنما الأعمال بالنيات و إنما لكل امرئ ما نوى، فمن كانت هجرته إلى الله ورسوله، فهجرته إلى الله ورسوله، ومن كانت هجرته لدنيا يصيبها أو امرأة ينكحها، فهجرته إلى ما هاجـر إليه". (رواه إماما المحدّثين: أبو عبد الله محمـد بن إسماعيل بن إبراهيم بن المغيرة بن بردزبه البخاري الجعفي، وأبو الحسين مسلم بن الحجاج بن مسلم القشيري النيسابوري في صحيحيهما اللذين هما أصح الكتب المصنفة).
Waxa laga wariyey Amiirkii Mu'miniinka Cumar Ibn al-Khaddaab (RC) inuu yidhi, waxaan maqlay Nebiga (CSW) oo leh Camalka waxaa saldhig u ah niyadda qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa, markaa qofkii u hijrooday Illaahay dartii iyo Rasuulkiisa wuxuu helayaa ajar illaahay. Qofkii u Hijrooday Inuu Adduunyo Helo Ama Gabadh guursado, isna waxaa lagu abaalmarinayaa niyaddiisa oo Illahaay ka sugi maayo abaalgud". Waxa weriyay Bukhaari iyo Muslim Sharaxa Xadiiska:- Niyadda waxa looga jeedaa marka qofku shaqo qabanayo, wuxuu ula jeedo ama u qasad leeyahay, marka niyaddu waa saldhigga camalka qofka muslimka ah, waana miisaanka camalka lagu qiyaaso, marka haddii niyaddu saafi tahay oo lillaahi loola jeedo, rasuulkii allana howshaa lagu raad raacayo, camalkii waa ansaxay, haddiise wax kale lagu dheeho, ama aan rasuulkii lagu raad raaceyn, camalkii waa buray. Hijradu waxay ahayd in markii gaaladu haysatay Makka laga tago oo lagu biiro xarunta islaamka ee Madiina, taana waxaa loola jeeday in qofku ka guuro meesha aanu ku haysan inuu ugu dhaqmo Diinta Islaamka si xoriyad Faa'iidada Xadiiska: Wuxuu noo faa'ideynayaa xadiiskani arrimaha soo socda: 1. Inaan camalku ansaxeyn niyad Wanaagsan la'aanteed 2. In qofka laga abaalmariyo camalka uu niyada wanaag u sameeyo, shareecadana waafaqsan 3. Camalka Alla aqbalayo inuu yahay kan isaga dartii loo sameeyay hagar la'aan shareecadana waafaqsan. 4. Qofka Camalka uu sameeyo ee shareecada waafaqsanaa ku dara is tus-tus ama uga gogol leh camalkaa adduun ku hel, ama hal lagu ammaano ee magac iyo maal doon ah waxaa buraya ajarkiisa oo illaahay waxba ka sugi maayo. |