Home

 Tafsiir Taxane Ah

   Sh. Maxamed Cumar Dirir

Halkan kala soco todobaad walba Tafsiirka Dheer ee Sh.Maxamed Sh.Cumar Dirir ka wado magaalada Hargeysa. Tafsiirkaas oo sheekhu dhigo Sadexda Cisho ee Sabtida, Axada iyo Isniinta

Ibraahim 1-14realplayerMP3

Ibraahim15-30realplayerMP3

Ibraahim31-52realplayerMP3

   Barashada Quraanka

  Maxamed Sidiiq Al-Mashaawi
1.Jus Qadsamic
2.Jus Qadsamic
3.Jus Tabaarik
4.Jus Tabaarik
5.Jus Camma
6.Jus Camma
Maxamuud Khaliil Xusari
1.Jus Daariyaat
2.Jus Daariyaat
3.Jus Daariyaat
4.Jus Qadsamic
5.Jus Qadsamic
6.Jus Qadsamic
7.Jus Tabaarik
8.Jus Tabaarik
9.Jus Tabaarik
10.Jus Camma
11.Jus Camma
12.Jus Camma

   Su'aalo iyo Jawaabo

   Sh. Maxamed Cumar Dirir
1. Su'aalo iyo Jawaabo
2. Su'aalo iyo Jawaabo
3. Su'aalo iyo Jawaabo
4. Su'aalo iyo Jawaabo
5. Su'aalo iyo Jawaabo
6. Su'aalo iyo Jawaabo
7. Su'aalo iyo Jawaabo
8. Su'aalo iyo Jawaabo
9. Su'aalo iyo Jawaabo
10. Su'aalo iyo Jawaabo

Who's Online

We have 30 guests online

Codayn

Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

   Islamic Links

Altaqwaa
Aflax.Net
Anasheed
Waaniye
Muslim Kids Tajweed
Sh. Abdirashiid
Daarul Xadiith
Duruus
Golaha Imamyada
Tawfiiq Masjid
Masjid Shaafici
Boqolsoon
Khalid Masjid
Somalisunah
Qardhaawi

Login Form

Dhaqanka wanaagsan ee Islaamku ina faraayo Print E-mail
Sunday, 03 February 2008

Al-Hidaaya:- Ilaahay baanu ku mahadaynaa nimcooyinka uu ina siiyay,isgaanu gargaar ka dalbaynaa danbi dhaafna weydiisanaynaa, sharka nafahaygana iyo camaladayada kuwooda xun illaahaybaanu ka magan gelaynaa, qofka alle hadeeyo cidna ma halayn karto.ka illaahay halleeyana cidna ma hanuunin karto Waxaan qirayaa in aan alle mooyee illaah kale aanu jirin muxamedna uu yahay adoonkii iyo rasuulkii alle

Wanaajinta dhaqanka iyo akhlaaqdu waa ujeedada kowaad ee uu siday Nebi Maxamed (CSW) waxa uu yidhi (Waxa la isoo diray si aan u dhamaystiro akhlaaqda wanaagsan) waxa laga doonayaa umada islaamka inay ku sifowdo dhaqan wanaagsan, qof kasta oo muslim ahi waa in uu dabaqo dhaqankii wanaagsanaa ee Nebi Muxamed(CSW) sida aynu wada ogsoonahay islaamku waxa uu leeyahay shan arkaanu islaam, arkaanu islaam kasta waxa uu leeyahay akhlaaqdiisa gaarka ah, tusaale ahaan waxaa aynu soo qaadan karnaa salaadu ilaahay koreey waxa uu yidhi (U kaca salaad, salaadu waxay reebtaa xumaanta, sinada, munkurka IWM). Hadaba muxuu yahay qofka salaada tukanaaya ee aanay xumaanta ka rebin, maxayse qiimo yeelanaysaa salaadiisu, saameen intee leeg bay salaadaasi ku yeelanaysaa bulshada dhexdooda?

Qofka u qaata salaada sida toosan waxay bedelaysaa dhaqankiisa oo dhan, dhaqankaa wanaagsan ee raac salaada, waa sababta uu illaahay ku aqbalo salaada taa waxa inoo cadeenaya Xadiisu Qudiskii “Ilaahay waxa uu ka aqbalaa salaada qofka isku dhul dhiga waynaanta illaahay, aan ka habaabin dhaqanka wanaagsan kuna waa bariisan xumaanta kuna qaata maalintaas oo dhan digrigayga iyo naxariista masaakiinta, musafirinta iyo carmasha una naxariista dadka dhibataysan”.

Fahanka guud ee salaada waa dhaqan iyo cibaado, Salaadu dadka waxay dhaxalsiisa

digriga eebe iyo akhlaaqda wanaagsan waxayna ka hor istaagta xumaanta iyo ku talaxtageeda, haddii aynu arkaamu islaamka rukin labaad aanu ka soo qaadano waa Sakada, sakadu maaha cashuur laga qaado dadka baahan ee waa nadiifin dadka bakhayliinta ah ee xoolohooga ka bixinaya iyagoo u celinaya dadka baahan ee bulshada ku dhex nool si ay u noqoto bulshadu mid is jecel oo naxariis badani ay ka dhaxayso isku xidhan koodune aad u adkaado, sidoo kale islaamku waxa uu ka yeelay hadalka wanaagsan iyo dhaqanka fiican sadaqo, Nebigu (CSW) wuxuu yidhi (Wa jiga furan ee aad walaalka aad ku qaabisho waa sadaqo, wanaaga oo dadka aad fartaa iyo xumaanta oo dadka aad u diidaa iyana waa sadaqo, qofka oo aad tusto meesha uu u baahan yahay iyana waa sadaqo, wadada oo aad ka qaado qodaxda iyo lafta iyana waa sadaqo, hadii aad adiga oo firaaqo haya aad u darto biyaha uu hawsha ku hayo iyana waa sadaqo, ama qof baahan oo itaal daran aad caawisid iyana waa sadaqo, qofka liita oo aad taakulayso iyana waa sadaqo).

Soonka waxa looga jeeda ama hadafkiisu yahay alle ka cabsi, alle ka cabsiguna waxa uu keena in laga fogaado wixii eebe diiday ama in la weydaarto wixii alle ina faray ee dhaqan ka islaamka ah, taasina waa dhaqanka wanaagsan ee uu na farayo Nebigu (CSW) markaynu soomanahay, (Yaan la imana xumaadteeda yar yar iyo faasiqnimo iyo jaahilnimo haddii qof ku caayo ama kula dagaalamo ha yidhaado anigu waan soomanahay) sida ku cad xadiiskan qofka markuu sooman yahay waxa laga rabaa dhaqan wanaagsan si uu soonkiisu u hagaago, sidoo kale haddii iskaga hadhi waayo hadalka xun, beenta, khiyaamada, iyo IWM soonkiisa ku kordhin maaho ilaa haraad mooye iyo gaajo daran oo qabta iyo bilaa ajer, sidoo kale xajku waa rukun ka mid ah shanta arkaamu islaam Xajku waa: alle waxa uu yidhi SW “Xajku waa bilo la garanayo qofka faralka xajka gudanaya lagama rabo xumaanta teeda yar iyo faasaqnimo, xajka gudihiisa waxa wanaagsan samayn maysaan hadii kale illaahay ayaa idin og, waar saad qaata waxa ugu saad qaado wanaagsan alle ka cabsiga”

Hadaba qofku ma gaadho guusha xajka ilaa uu ku sifooba.dhaqan wanaagsan loomana baahna xajka dhexdiisa in la murmo la is khiyaameyo been la isku sheego, dumarka loo galmoodo iyo in la sameeyo waxa cadho keeni kara iyadoo la isku faano qabyaalad, qoomiyad Iwm.

Sida aynu ognahay badi cibaadaadku waxay ku dhisan yihiin edeb iyo ansha suuban taas oo islaamku ina faraayo, Shanta arkaamo islaam mid kastaaba waxay leedahay edebteeda iyo asluubteeda wanaagsan, dhaqanka wanaagsani waxa uu ku xidhan yahay iimaanka laftiisa hadii uu dhaqankaagu xumaado iimaankaaguna wuu daciifaya taana waxa inoo sheegay xadiiski rasuulka (CSW) ( Illaahay baan ku dhaartee imuu rumayn, illaahaybaanu ku dhaartee imuu rumayn, rasuulkii illaahayow waa kuma kaasi? Waxa uu yidhi kii aan dhibaatadiisu ka nabad gelin jaarkiisu) dhibaatadaasi waa wixii dhibaya oo dhan jaarkaaga sida dhibta dhaqan xumada.

Nebiga (CSW) ayaa loo sheegay gabadh tukata oo soonta oo cibaado badan laakiin aan jaarkeeda aan nabad gelin, Nebigu (CSW) waxa u sheegay in gabadhaasi naarta gelayso, waxa kaloo loo sheegay gabadh cibaadadeedu kooban tahay laakiin jaarkeedaasi si fiican uga nabad gelayn waxa uu yidhi Nebigu (CSW) (Gabadhaasi janada ayay gelaysaa) dhaqanka suuban iyo iimaanku ma kala hadhi karo waana mataano aan sinaba loo kala reebi karin, iimaanka waxa ugu hooseya dhibta oo wadada laga qaado waana dhaqan wanaagsan wadada oo la nadiifiyo.

Illaahay waxa uu inagu cadeeyay imaanka iyo camaladiisa wanaagsan

(Suurato Muuminiin) illaahay waxa uu yidhi koreeye : “dhab ahaanti waxa liibanay muuminiita marka ay salaadooda ay tukanayaa qushuucsan waa kuwa xumaanta ka sii jeesanaya waa kuwa sakada bixinaya, waa kuwa xubintooda taranka illaalinaya, dumarkooga iyo kuwag gacantoodu hantiyeen mooyane(kuwaasi waa adoomah gacanta muslimiinta ku jira) Kuwaasi canaan ma laha, kuwa doona wixii intaa dhaaf sisan kuwaasi waa kuwa xad gudbay, kuwa wixii lagu aaminay iyo balanta dhowra, kuwa salaadahooga ilaaliya, kuwaasi waa kuwa dhaxlaaya janada fardoosa la yidhaa wayna ku dhex waarayaan”

Hadaba markaynu ku istaagno xaadiista iyo quraanka karimka ah si la taaban karo waxay inoo tusayaan xoganaanta ay leedahay dhaqanka wanaagsan iyo cibaada illaahay.

Dhaqanka wanaagsan ee suuban waa tay ku sifooween salafkii wanaagsanaa iyo dadka saalixiintuba, taasine waa sababta uu ilaahay uga fududeeyay gacan ku dhigida cadceed ka soo bax ilaa cadceed dhaca. Hadaba ummada islaamka waxaanu ugu baaqaynaa dhaqanka wanaagasan ee fiican ee diinteenu in farayso.

Ilaahow nagu hanuunni dariiqa toosan ee akhlaada wanaagsan leh , aduunbaa dadka wadada wanaagsan ku hanuuniya ,

 

Tafsiirka Quraanka

Sh. Maxamed Sh.Cumar Dirir
Sh. Cismaan Cali Xuseen
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Maxamed Cabdi Umal

Arbiciin

Sh.Maxamed  Ismaaciil

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Arbiciin

Sh.Cumar Faaruuq

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Casharka 4aad
Casharka 5aad
Casharka 6aad
Casharka 7aad
Casharka 8aad
Casharka 9aad
Casharka 10aad
Casharka 11aad
Casharka 12aad
Casharka 13aad

Muxaadaro Cusub

Maxamed Cumar Dirir

  Doorashada Saaxiibka Wanaagsan

Sh. Almis  Sh. Yaxye

Kibirka Iyo Isla Weynida

Sh.Ina Cali Gadhle

Qaybo ka mid ah Iimaanka

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008 Al Hidaaya.info