Home
Q-Ramadaanta

   Barashada Quraanka

  Maxamed Sidiiq Al-Mashaawi
1.Jus Qadsamic
2.Jus Qadsamic
3.Jus Tabaarik
4.Jus Tabaarik
5.Jus Camma
6.Jus Camma
Maxamuud Khaliil Xusari
1.Jus Daariyaat
2.Jus Daariyaat
3.Jus Daariyaat
4.Jus Qadsamic
5.Jus Qadsamic
6.Jus Qadsamic
7.Jus Tabaarik
8.Jus Tabaarik
9.Jus Tabaarik
10.Jus Camma
11.Jus Camma
12.Jus Camma

   Su'aalo iyo Jawaabo

   Sh. Maxamed Cumar Dirir
1. Su'aalo iyo Jawaabo
2. Su'aalo iyo Jawaabo
3. Su'aalo iyo Jawaabo
4. Su'aalo iyo Jawaabo
5. Su'aalo iyo Jawaabo
6. Su'aalo iyo Jawaabo
7. Su'aalo iyo Jawaabo
8. Su'aalo iyo Jawaabo
9. Su'aalo iyo Jawaabo
10. Su'aalo iyo Jawaabo

Codayn

Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

   Islamic Links

Altaqwaa
Aflax.Net
Anasheed
Waaniye
Muslim Kids Tajweed
Sh. Abdirashiid
Daarul Xadiith
Duruus
Golaha Imamyada
Tawfiiq Masjid
Masjid Shaafici
Boqolsoon
Khalid Masjid
Somalisunah
Qardhaawi

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
Walaalka Leh Halka Lagu iibiyo Cajaladaha Heesaha Print E-mail
Sunday, 03 February 2008

Al-Hidaaya:- Fariintani waxay ka timid Walaal nasteex kuu ah kuna jecel, kuuna rajaynaya liibanta Aduunyo iyo ta Aakhiro iyo risiqoo laguu balaadhiyo taas ayaana igu kaliftay in aan ku soo gudbiyo waanadan aniga oo rajaynaya in aad iga Aqbali doonto sida aan ka filayo, qofka caqliga leh ee hanuunsani marka uu maqlo hadal waa ka raaca wanaagisa, waxa aan illaahay (SW) waydiisanaynaa in uu ina waafajiyo diinta adiguna aad noqoto qof wanaagsan ee saxaya khaladaadka mushtamaca ku dhex jira.

Walaalkayga Cisiga leh: Waxaad ogaataa Xumaanta in ay cidhibteedu xun tahay natiijadeeduna ay tahay murugo, mar hadii ay kugu kalifayso xumaanta wax cid kale daruuri ugu ah, runtii waxa fara badan fidnada waxaana ka mid ah “Cajaladaha Heesaha” kuwaas oo kugu baaqaya xumaan iyo liidasho, waxaana uu shaki ku jirin in aad doonayso in aad noqoto qof wanaagsan oo mushtamaciisa hagaajinaya. Hadaba ma ogtahay Cajaladahan aad iibinayso iyo waxaan aad baahinaysa in ay nusqaan ku keenayaan wax aad rajaynayso.

Walaal: Runtii waxa kaa qarsoon Xukunka Heesaha iyo Degaysigooga, waxaana aan ku leeyahay Heesaha iyo Degaysigoogu waa xaaran waxaana ay sababaan xanuuno ku dhaca qalbiga, illaahay (SW) waxa uu yidhi “Dadka waxa ka mid ah kuwo iibinaya hadal aan macno lahayn si ay jidka illaahay uga lumiyaan si aan cilmi lahayn iyagoo ka dhiganaya dheel dheel kuwaa waxa u sugnaaday cadaab adag” [Suuratul Luqmaan-6].

Runtii waxay yidhaahdeen Mufasiliinta badankoogu aayadani waxay tilmaamaysaa Heesaha, Ibnu Cabaas iyo Ibnu Mascuud (RC) labaduba waxay Rasuulka (CSW) ka soo weriyeen (Umadayda waxa ka mid ahaan doona qoom xalaashada xariirta iyo khamriga iyo waxyaabaha la tunto) Waxa weriyay Bukhaari.

Walaal: Waxa laga yaaba hordhacan ka dib in aad u malayso in aan u jeedo qofka caqliga lihi waxa uu fahmaa tilmaamta waxa aan kala jeeda ku celi-celinta akhriska aayadan “Ha isku gargaarina xumaanta iyo cadaawada” Suuratul Maa’id-2, Mar haddii aynu nahay umad muslim ah oo rabigooga rumaysay waa in aynu la nimaadno wax illaahay (SW) raali ka yahay inagoo amarkiisa qaadanayna waxa uu inaga nihiyayna ka dheeranayna nimcada uu ina siiyayna ku mahadinayna, waxa aan u jeeda ka baraarujinteyda iibinta Cajaladahan oo kale in ay xaaran tahay, waxayna ka mid tahay xumaantii iyo cadaawadii oo gacan la isku siinayo illaahayna (SW) inoo diiday, “Ha isku gargaarina xumaanta iyo cadaawada” waxay sababaysaa wakhtiga iyo maalka oo dayacma waana xumaan iyo xumaantii oo la baahinayo, illaahay (SW) waxa uu yidhi “Kuwa jecel in ay xumaantu ku faafto diinta waxa u sugnaaday cadaab qadhaadh aduunyada iyo aakhriba, illaahay wuu og yahay idinku se ma ogidin” [Suratul Al Nuur-19].

Waxa aad ogaataa Walaal maalka aad ka aruurisay ganacsigan in uu yahay maal xaaran ah (Illaahay mar ka uu shay xaarantimeeyo Faa’iidadiisuna waa Xaaran) sida ku sugan Xadiis uu soo weriyay Da’uud, illaahay ayaana mahadleh, illaaha albaaba arsaaqada xalaasha ah balaadhiyay ee cabsidiisana ka dhigay sababta risiqa, Illaahay (SW) waxa uu yidhi “Qofka illaahay ka cabsada waxa loo yeela fududayn waxaana laga arsaaqa meel uuna ka filayn” [Suratul Dalaaq-2-3].

Walaal: Waxa aan kugu yeedhaya in aad illaahay (SW) u toobad keento oo aad iska dayso iibinta cajaladahan ee kaa hor joogsaday xusuusta illaahay, intaanay gaadhin wakhtigaad ka tagaysay aduunyada oo aanu ku iman ka dumiya macaanka (Mowd ka) ka dibna aanay ku anfacayn murugadu, waxa aan ku siinayaa tusaale fudud oo sahlan waxaana kaa rajaynayaa in aad u fiirsato:

Haddii lagu kala dooran siiyo in aad ku noolato fiqiir iyo In lagu siiyo aduunyada oo dhan maal keeda iyo qasnadaheeda, laakiin shuruud lagaga dhigo in aad naarta aduunyada ku jirto daqiiqada kaliya mid kee ayaad dooran lahayd? Maad doorateen aduunyada maalkeeda iyo qasnadaheeda, laakiin waxaad ka raali ahaan lahayd faqriga waxaana xasuusan lahayd maalinta la soo bandhigayo qof walba camalkiisa ee la weydiinayo maalkiisa halka uu ka soo shaqeeyay iyo waxa uu ku qabtay.

Ugu Denbayn: Waxa aan kugu bushaaraynayaa qofka shay illaahay dartii uga taga in uu illaahay (SW) ugu badalo wax ka khayr badan, illaahay waxa aan waydiisanaynaa hanuun iyo in aynu noqono dad hagaagsan oo ka shaqeeya wanaaga mushtamacooga,

 Wa Bilaahi Towfiiq 

 
set as your home page

Tafsiirka Quraanka

Sh. Maxamed Sh.Cumar Dirir
Sh. Cismaan Cali Xuseen
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Maxamed Cabdi Umal

Arbiciin

Sh.Maxamed  Ismaaciil

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Arbiciin

Sh.Cumar Faaruuq

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Casharka 4aad
Casharka 5aad
Casharka 6aad
Casharka 7aad
Casharka 8aad
Casharka 9aad
Casharka 10aad
Casharka 11aad
Casharka 12aad
Casharka 13aad

Muxaadaro Cusub

Maxamed Cumar Dirir

  Doorashada Saaxiibka Wanaagsan

Sh. Almis  Sh. Yaxye

Kibirka Iyo Isla Weynida

Sh.Ina Cali Gadhle

Qaybo ka mid ah Iimaanka

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008 Al Hidaaya.info