|
Al-Hidaaya:- Fariintani waxay ka timid Walaal nasteex kuu ah kuna jecel, kuuna rajaynaya liibanta Aduunyo iyo ta Aakhiro iyo risiqoo laguu balaadhiyo taas ayaana igu kaliftay in aan ku soo gudbiyo waanadan aniga oo rajaynaya in aad iga Aqbali doonto sida aan ka filayo, qofka caqliga leh ee hanuunsani marka uu maqlo hadal waa ka raaca wanaagisa, waxa aan illaahay (SW) waydiisanaynaa in uu ina waafajiyo diinta adiguna aad noqoto qof wanaagsan ee saxaya khaladaadka mushtamaca ku dhex jira. Walaalkayga Cisiga leh: Waxaad ogaataa Xumaanta in ay cidhibteedu xun tahay natiijadeeduna ay tahay murugo, mar hadii ay kugu kalifayso xumaanta wax cid kale daruuri ugu ah, runtii waxa fara badan fidnada waxaana ka mid ah “Cajaladaha Heesaha” kuwaas oo kugu baaqaya xumaan iyo liidasho, waxaana uu shaki ku jirin in aad doonayso in aad noqoto qof wanaagsan oo mushtamaciisa hagaajinaya. Hadaba ma ogtahay Cajaladahan aad iibinayso iyo waxaan aad baahinaysa in ay nusqaan ku keenayaan wax aad rajaynayso. Walaal: Runtii waxa kaa qarsoon Xukunka Heesaha iyo Degaysigooga, waxaana aan ku leeyahay Heesaha iyo Degaysigoogu waa xaaran waxaana ay sababaan xanuuno ku dhaca qalbiga, illaahay (SW) waxa uu yidhi “Dadka waxa ka mid ah kuwo iibinaya hadal aan macno lahayn si ay jidka illaahay uga lumiyaan si aan cilmi lahayn iyagoo ka dhiganaya dheel dheel kuwaa waxa u sugnaaday cadaab adag” [Suuratul Luqmaan-6]. Runtii waxay yidhaahdeen Mufasiliinta badankoogu aayadani waxay tilmaamaysaa Heesaha, Ibnu Cabaas iyo Ibnu Mascuud (RC) labaduba waxay Rasuulka (CSW) ka soo weriyeen (Umadayda waxa ka mid ahaan doona qoom xalaashada xariirta iyo khamriga iyo waxyaabaha la tunto) Waxa weriyay Bukhaari. Walaal: Waxa laga yaaba hordhacan ka dib in aad u malayso in aan u jeedo qofka caqliga lihi waxa uu fahmaa tilmaamta waxa aan kala jeeda ku celi-celinta akhriska aayadan “Ha isku gargaarina xumaanta iyo cadaawada” Suuratul Maa’id-2, Mar haddii aynu nahay umad muslim ah oo rabigooga rumaysay waa in aynu la nimaadno wax illaahay (SW) raali ka yahay inagoo amarkiisa qaadanayna waxa uu inaga nihiyayna ka dheeranayna nimcada uu ina siiyayna ku mahadinayna, waxa aan u jeeda ka baraarujinteyda iibinta Cajaladahan oo kale in ay xaaran tahay, waxayna ka mid tahay xumaantii iyo cadaawadii oo gacan la isku siinayo illaahayna (SW) inoo diiday, “Ha isku gargaarina xumaanta iyo cadaawada” waxay sababaysaa wakhtiga iyo maalka oo dayacma waana xumaan iyo xumaantii oo la baahinayo, illaahay (SW) waxa uu yidhi “Kuwa jecel in ay xumaantu ku faafto diinta waxa u sugnaaday cadaab qadhaadh aduunyada iyo aakhriba, illaahay wuu og yahay idinku se ma ogidin” [Suratul Al Nuur-19]. Waxa aad ogaataa Walaal maalka aad ka aruurisay ganacsigan in uu yahay maal xaaran ah (Illaahay mar ka uu shay xaarantimeeyo Faa’iidadiisuna waa Xaaran) sida ku sugan Xadiis uu soo weriyay Da’uud, illaahay ayaana mahadleh, illaaha albaaba arsaaqada xalaasha ah balaadhiyay ee cabsidiisana ka dhigay sababta risiqa, Illaahay (SW) waxa uu yidhi “Qofka illaahay ka cabsada waxa loo yeela fududayn waxaana laga arsaaqa meel uuna ka filayn” [Suratul Dalaaq-2-3]. Walaal: Waxa aan kugu yeedhaya in aad illaahay (SW) u toobad keento oo aad iska dayso iibinta cajaladahan ee kaa hor joogsaday xusuusta illaahay, intaanay gaadhin wakhtigaad ka tagaysay aduunyada oo aanu ku iman ka dumiya macaanka (Mowd ka) ka dibna aanay ku anfacayn murugadu, waxa aan ku siinayaa tusaale fudud oo sahlan waxaana kaa rajaynayaa in aad u fiirsato: Haddii lagu kala dooran siiyo in aad ku noolato fiqiir iyo In lagu siiyo aduunyada oo dhan maal keeda iyo qasnadaheeda, laakiin shuruud lagaga dhigo in aad naarta aduunyada ku jirto daqiiqada kaliya mid kee ayaad dooran lahayd? Maad doorateen aduunyada maalkeeda iyo qasnadaheeda, laakiin waxaad ka raali ahaan lahayd faqriga waxaana xasuusan lahayd maalinta la soo bandhigayo qof walba camalkiisa ee la weydiinayo maalkiisa halka uu ka soo shaqeeyay iyo waxa uu ku qabtay. Ugu Denbayn: Waxa aan kugu bushaaraynayaa qofka shay illaahay dartii uga taga in uu illaahay (SW) ugu badalo wax ka khayr badan, illaahay waxa aan waydiisanaynaa hanuun iyo in aynu noqono dad hagaagsan oo ka shaqeeya wanaaga mushtamacooga, Wa Bilaahi Towfiiq |