Home
Q-Ramadaanta

   Barashada Quraanka

  Maxamed Sidiiq Al-Mashaawi
1.Jus Qadsamic
2.Jus Qadsamic
3.Jus Tabaarik
4.Jus Tabaarik
5.Jus Camma
6.Jus Camma
Maxamuud Khaliil Xusari
1.Jus Daariyaat
2.Jus Daariyaat
3.Jus Daariyaat
4.Jus Qadsamic
5.Jus Qadsamic
6.Jus Qadsamic
7.Jus Tabaarik
8.Jus Tabaarik
9.Jus Tabaarik
10.Jus Camma
11.Jus Camma
12.Jus Camma

   Su'aalo iyo Jawaabo

   Sh. Maxamed Cumar Dirir
1. Su'aalo iyo Jawaabo
2. Su'aalo iyo Jawaabo
3. Su'aalo iyo Jawaabo
4. Su'aalo iyo Jawaabo
5. Su'aalo iyo Jawaabo
6. Su'aalo iyo Jawaabo
7. Su'aalo iyo Jawaabo
8. Su'aalo iyo Jawaabo
9. Su'aalo iyo Jawaabo
10. Su'aalo iyo Jawaabo

Codayn

Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

   Islamic Links

Altaqwaa
Aflax.Net
Anasheed
Waaniye
Muslim Kids Tajweed
Sh. Abdirashiid
Daarul Xadiith
Duruus
Golaha Imamyada
Tawfiiq Masjid
Masjid Shaafici
Boqolsoon
Khalid Masjid
Somalisunah
Qardhaawi

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
Maxaad ku Jeclaatay Heesaha? Print E-mail
Sunday, 03 February 2008

Al-Hidaaya:- Inamo iyo Habloba walaalayaal waxaan idin leeyahay si cadaan ah imisa ayaa aduunyo ina dhaafay miyaynaan xaq isku lahayn inaynu waxa isku sheegno si degan oo waxa ku qaadasha leh.

Walaalayaal waxaan idinka rajaynayaa in aydana igala bakhaylin akhriska maqaalkan oo aad u hurtaan daqiiqado yar oo wakhtigiina ah, qofka aan karayn imika in uu akhristo ha daabacdo oo mar kale ha akhristo.

Walaalayaal kuwa heesaha dhagaysanayow hadaladaydani waxay idinku yeedhayaan rajo hana odhanina waxba kama faa’iidayno haddii aan idinku celceliyo waanada, laakiin si sugan oo lagu kalsoon yahay waxaad u tidhaahdaan daacigu wuxuu yidhaahda qofka Caqliga leh ayaa xaq u leh in wax loo sheego.

Waa wanaag Bal aynu bilowno: Miyaanad u fiirsanin qofka dhagaysiga heesaha wakhtiga badan ku luminaya isagoo is lulaya, laakiin ay ku adag tahay in uu saacad kaliya kitaabka illaahay akhristo, kitaabku waxa uu daweeya laabaha waana hanuun iyo raxmad, waa kitaab samaawi ah oo leh barako nuur, khayr iyo Caafimaad intaba ..!

Naftaada ma waydiisay waxaan heestu kuugu macaantahay ee aad ugu raaxaysanayso isla markaana ay kugu adkaatay in aad u fadhiisato oo si degan u akhrido quraanka?

Si Hufan: Illaahay (SW) waxa uu yidhi “Shaydaanka ayaa u qurxiya Camaladooda” tani waa xaqiiqada waana ta aan darteed idinla hadlayo.

Kuwii aan Jeclaayow: Waxa masiiba ah in aynu khiyaamayno nafteena waxa ka sii daran mala’awaalka iyo nolosha cidhiidhiga ah ee ay inaga mashquulinayso xusuusta illaahay, illaahay waxa uu yidhi “Qofka ka jeesta Xasuustayda noloshaan kaga dhigaa cidhiidhi qiyaamahana waxa la soo saari isagoo indha la” Heesuhu runtii waa khasaare waana wax xun oo ka yimaada dhinaca shaydaanka…..

Bal maqla hadalkan Illaahay (SW) oo kula hadlayo shaydaanka “Ku kaxayso kaad karto codkaaga kuna xidho xadhigaaga oo la wadaag maalka iyo awlaada oo u yeedho, shaydaankuna idinkuma yeedhayo wax aan ahayn been”.

Ibnu Kasiir (I.H.N) waxa uu yidhi;- codkaa shaydaanku dadka ku kaxaysanayaa waa heesaha.

Ibnu Qiyamna (I.H.N) waxa uu yidhi:- Khiyaamooyinka Cadowka Illaahay adeegsado ee uu ugu dhowaado qofka cilmigiisu yar yahay ama caqligiisu iyo diintiisu, ee uu ku qabsado dadka jeehilinta ah quluubtooda waxa ka mid ah dhagaysiga heesaha iyo aaladaha xaaranta ah si uu quluubta uga jeediyo quraanka oo uu uga dhigo mid ku sugan faasuqnimo iyo caasinimo, waana cod shaydaan, waana xijaab adag oo kaga gudban quraanka, waa wax fududeynaya sinada oo faasuqu uu ku gaadhayo ta uu caashaqsan yahay, shaydaanku waxa uu u qurxiyay nafta khiyaamo, baadil ayaana uu uga dhigay wanaag, waxaana uu qaabil siiyay hoogiisa, waxaana dartii looga tagay quraanka, hadalkiisa waxa uu ku soo koobay xumaanta iyo baadilka farxada iyo hamiga ku denbaynaysa murugada iyo masiibada ayaa keenaysa dunuuf ku qoran xaashiyaha ca’maasha.

Heesuhu waxay fududeeyaan Xumaanta dadka qaarna way ku faanaan iyagoo dadka fanaanita ah darajo ugu yeela. Miyaanay ogayn dadkani in qof walba qiyaamaha lala soo joojin doono cida uu jeclaa?

Runtii kuwan fanaaniinta ah iyo fanaanaduhuba waa dad shaydaan ku dheel dheelayo, badhkood waxay u arkaan in uu fanku yahay risaalad tarbiyadeed iyo barbaarin laakiin marka aad maqasho kalmadahooga ayaad garanaysaa in uu yahay risaalad shaydaan, waayo waxay isku yeedhayaan kulmiyanayaan laba qof oo diintuba isku banayn in ay isku yimaadaan, Walaahi baan ku dhaartee run ayuu sheegay qofka yidhi fanaanitu waa boosta sinada.

Inamada iyo Hablaha Muslimiinta ahow: Runtii illaahay waxa uu ina amray in aynu nafteena daahirino “Waxa liibanay ka is nadiifiya” heesuna waa naftaada oo aad dulmiday, tuu illaahay ku yidhi nadiifi oo ka dheere xumaanta iyo shahwaadka mana aha in aad ku mashquuliso dhagaysiga heesaha, illaahay (SW) waxa uu yidhi “Ma aflaxaan kuwa dalimiinta ahi.”.

Illaahay waxa uu yidhi “ Dadka waxa ka mid ah kuwa dadka ka iibiya hadal laqmi ah si ay uga lumiyaan jidka illaahay si aan cilmi ahayn iyagoo ka dhiganaya dheel dheel kuwaa waxa u sugnaaday cadaab qadhaadh” Mufasiliintu waxay yidhaahdeen hadalkan laqwiga ah waxa uu luminayaa diintii iyo maalkii iyo wakhtigaba, C/laahi Binu Cabaasna (RC) waxa uu yidhi: Waa heesaha.

Nebigu (CSW) isago nooga dhigaya waxa uu yidhi:- (Umadayda waxa ka soo bixi doona kuwa xalaal ka dhigta xariirta iyo khamriga iyo waxyaabaha la tumo) waa waxyaabo xaaran ah laakiin waxa iman doona wakhti xun oo la xalaashado waxyaabahaa xaaranta ah.

Nebigu (CSW) waxa uu yidhi:- (Qoom umadayda ka mid ah ayaa khamriga cabi doona iyagoo magac kale ku sheegaya, iyagoo dushooda laga tumayo muusig naagana ay heesayaan, illaahay waxa uu ku khasifi doona dhulka waxaana laga dhigi doona doofaro iyo daanyeero)

Qofna yaanu u malayn in muusiga aan heesaha lahayn uu xalaal yahay ama aanu odhanin waa hees wadani ah, waa isku wada mid waana xaaran.

Intaa ka dib lacagta aad ku soo iibsato heesaha aad dhagaysanayso iyo wakhtiga aad ku luminayso miyaanad ogayn in lagu waydiinayo? Oo maalinta qiyaamahana ayna ku anfacayn fanaanad cod wanaagsanayd iyo mid kamanka tumi yaqaanay, camalka wanaagsan mooyaane. Maxaad u sii diyaarsatay la kulanka illaahay? Adigu se ma is xisaabisay?

Ugu Denbayn: Midkasta oo doona in uu ka toobad keeno oo uu xaqa u soo noqdo waa u bushaaraynayaa, qofka go’aansada in uu iska daayo heesaha dhagahiisana ka nadiifaya ha akhristo aayadan “Maalinta qiyaamaha dadku way kala tagayaan kuwa muuminiinta ah ee camalka wanaagsan la yimaada waxay galayaan bustaano cod wanaagsan”

Codkan wanaagsani: Nebigu (CSW) waxa uu yidhi:- ( Xuural Cayntu waxay idinka heesi Janada iyagoo leh anagu waxaanu nahay Xuural Cayn oo sugaya niman wanaagsan).

Hadii uu Qof is waydiiyo sidee ayaan iska daaya dhagaysiga Heesaha oo ay ku adkaato ha yeelo talaabooyinka soo socda:- cida ku dhaqaaqda insha allah way ku guulaysanaysaa.

1. Hala yimaado toobad dhab ah, hana ahaado mid hamigiisu sareeyo geesinimona leh si uu u qaato go’aan adag.

2. Ha burburiyo wixii cajalado heesa ah ee uu hayo.

3. Hadii uu dareemo in uu u baahan yahay dhagaysigii laxanka heesaha si deg deg ah ha u soo qaado kitaab quraan ah oo uu akhristo si ay ugu degto naftiisu xumaantana uu uga joogsado, hadii aanu quraanka akhriyi karayn ha soo qaato cajalad quraan ah uu dhagayso ama cajalada kale oo muxaadaro ah.

4. Marka uu ka tago dhagaysiga heesaha, qofka ku dheel dheela waa in aanu u celin wax hadal ah oo uu ku mashquulsanaado carabkiisu xuska illaahay, hadii uu mid ka mid ihi la hadlo waa in uu ku yidhaahdaa:- Illaahay Khayr ha kugu abaal mariyo, kalmadahan oo dhami waxay adbinayaan naftiisa, nafihiinana way hanuuninayaan.

5. Hadii aad la kulantaan cid ka mid ah ehelkiina oo dhagaysanaysa u sheega in ay xaaran tahay idinka oo ula hadlaya si degan, waxaana aad hadyad ugu dirtaan kutub quraan ah iyo cajalado quraan iyo muxaadaro ah iyo kutub kale oo qiimo leh, waxaana aad u waanisaan si degan idinka oo u sheegaya in dhagaysiga heesuhu idinka idinku yahay cidhiidhi.

Ugu denbayn walaalayaal: Waxaad ogaataan in talaabadani iska daynta heesuhu ay tahay dhibaato aad u sahlan hadii aad toobad dhab ah la timaadaan oo aad iska xidhaan daaqada shaydaanka, hana odhanina marka aad cajaladaa dhagaysto ayaan toobad keenaya ama bil ka dib waayo shaydaanku maalinta waxa uu idinka dhigayaa laba maalmood, imisaa wiil ama gabadh aan mar qudha carabkoodu heesta dayneyn imika iskaga hadhay oo u jeestay xuska illaahay, qofka shay uga tagay illaahay dartii illaahayna waxa uu ugu badalaa wax ka khayr badan.

Walaalayaal marka mid qaraabadiina ah ama saaxiibadiina ah uu dhagaysanayo heesaha ka waaniya, hadii uu kaligii dhagaysanayo oo idinku aydaan maqlayn ha odhanina wuu ka toobad keenaya ee maxaa iga saaran, hadii kale waxaad gacan siinaysaan ciidamada shaydaanka oo iyagu diidan in adoomadu wanaagsanaadan.

Wa Bilaahi Towfiiq 

 
set as your home page

Tafsiirka Quraanka

Sh. Maxamed Sh.Cumar Dirir
Sh. Cismaan Cali Xuseen
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Maxamed Cabdi Umal

Arbiciin

Sh.Maxamed  Ismaaciil

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Arbiciin

Sh.Cumar Faaruuq

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Casharka 4aad
Casharka 5aad
Casharka 6aad
Casharka 7aad
Casharka 8aad
Casharka 9aad
Casharka 10aad
Casharka 11aad
Casharka 12aad
Casharka 13aad

Muxaadaro Cusub

Maxamed Cumar Dirir

  Doorashada Saaxiibka Wanaagsan

Sh. Almis  Sh. Yaxye

Kibirka Iyo Isla Weynida

Sh.Ina Cali Gadhle

Qaybo ka mid ah Iimaanka

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008 Al Hidaaya.info