|
"Asxaabi ka mid ah Tobankii Jannada Loogu Bushaareyay" “Labadii godka ku wada jiray wakhti midkood ku yidhi saaxiibkii ha murugoonin illaahay ayaan inala jiree” Al-Hidaaya: Waa Cabdillaahi Binu Qaxaafa, waxaana uu ka mid ahaa Qabiilka Qurash, waxa uu dhashay saddex sanno ka dib dhalashadii Rasuulka (CSW), hooyadii waa umul-khayr Binu Sakhar oo ahayd reer Taymiya oo Aabihii edo ugu toosnayd, waxaana uu ka shaqaysan jiray ganacsiga isagoo ka mid ahaa maal-qabeenadii Maka ee la yaqaanay, waxaana uu ahaa kuwa ugu nasabsan Qurash ee lagu yaqaanay. Qurasha shar iyo khayr way leehayeen, waxa uu ahaa nin leh dhaqan iyo wanaag, Qurashina waxay ula iman jirtay waxay isku khilafaan waxaana uu u islaamay si aan ka noqosho lahayn. Waa ninkii Islaama isagoo xor ah, Islaanimadiisi ka dib waxa uu bilaabay in uu Qurash ugu yeedho diinta, waxaana ka caqbalay tiro ka mid ah Qurash sida Cusmaan Binu Cafaan, Subeer Binu Cawaan, Cabdiraxmaan Binu Coof iyo Arqam Binu Arqam. Islaam-nimadiisi: Abu Bakar (RC) waxa uu la kulmay Nebiga (CSW) waxaana uu ku yidhi;- “Ma dhabaa rasuulkii illaahayow waxaan ay Qurashi leedahay in aad ka tagtay illaahyadayadi oo caqligayagina aad ku tilmaamtay mid aan waxba garanayn, aabayaashayadiina aad ka gaalowday”. Nebiga (CSW) ayaa ugu jawaabay “Anigu Rasuulkii illaahay ayaan ahay Abu Bakarow, waxa aan ahay Nebigii uu soo diray si uu u gaadhsiiyo Risaaladan umada oo dhan, illaahay ayaan kuugu yeedhay si xaq ah, illaahay baan ku dhaartee xaqii illaahay ayaan kugu yeedhaya Abu Bakarow, illaahay waa kaligii wax weheliyaana ma jiro isaga mooyane cid kalena caabudi mayno, soo dhoweyntuna cidii illaahay u dhow ayaa la soo dhoweynayaa”. Intaa ka dib Nebigu (CSW) waxa uu ku akhriyay aayado quraan ah Abu Bakarna muu diidin halkiibuna ku islaamay. Abu Bakar isagoo ka gaaloobay sanamyadii isagoo ka dhex siibtay mushrikiinti waxaana uu ku sugnaaday xaqii illaahay, Abu Bakar waxa uu noqday qof muumin ah oo illaahay rumeeyay. Nebigu (CSW) waxa uu yidhi; “Qofna ugumaan yeedhi islaamka, haddii kale waxa jirtay ka joogsi iyo noqnoqosho iyo qofka oo ka fiirsanaya islaanimada Abu Bokor mooyane, markii aan Abu Bakar u sheegay kamuu noqnoqon diintan islaamka”. Khadiibkii ugu horeeyay :-Markii ay tiradii muslimiintu ay gaadheen 39 nin ayuu Abu Bakar Nebiga (CSW u soo jeediyay soo bixid, Nebiguna (CSW) waxa uu yidhi “Abu Bakarow inagu waanu yarnahay” soo jeedintii ayuu waday ilaa uu Nebigu CSW) soo baxay Muslimiintu ayaa ku kala baahay Masaajidkii hereerihiisa nin kastana wuu ku raacsanaa, intaa ka dib waxa istaagay Abu Bakar isagoo Khudbadaynaya Rasuulkii illaahayna fadhiyo waana khudbadii ugu horaysay ee uu ugu yeedho dadka diinta illaahay(SW). Taas oo mushrikiintu kaga aargoosteen Abu Bakar iyo muslimiintiba ilaa ay garaaceen garaacitaan adag, waxa u soo dhowaaday Abu Bakar gaalkii waynaa Cutba Binu Rubeeca isagoo ku garaacaya kabihiisa, wajiga Abu Bakar ilaa uu noqday mid aan afkiisa wajigiisa laga garanayn. Waxa u yimid Binu Taym Tatacaadi, waxaana uu dib uga joogiyay mushrikiintii Abu Bakar, waxa ay Abu Bakar ku qaadeen maro ilaa ay geliyeen kana shekiyeen in uu dhintay, waxayna ku soo noqdeen guryahoogi iyagoo leh illaahay baanu ku dhaaranee haddii uu Abu Bakar dhinto waanu la dagaalami Cutba intaa ka dib waxay ku soo noqdeen Abu Bakar wayna qaadeen waana ay la hadleen ilaa uu u jawaabay maalinta gelinkeedi denbe, Abu Bakar hadalkiisi ugu horeeyay uu yidhi waxa uu ahaa “Maxaa lagu sameeyay Rasuulkii illaahay” carabkoodi ayay ku adkeeyeen waana ay iska kaceen iyagoo diidan jawaabta. Umul-Khayr:- Markii ay u soo gashay, hooyadii Umul-khayr waxa uu yidhi; “Maxaa lagu sameeyay Rasuulkii illaahay” waxay ku tidhi; “illaahaybaan ku dhaartee garan maayo saaxiibka” waxa uu yidhi; “u tag Umul-jamiil Binu Khadaab waydiina” waana ay soo baxday waxayna u timid umul-jamiil waxayna waydiisay Abu Bakar waxa uu ku waydiinaya Maxamed Binu Cabdillaahi waxay tidhi; “Anigu garan maayo Abu Bakar iyo Maxamed Binu Cabdillaahi”, laakiin haddii aad jeceshay in aan ku raaco inankaaga waan yeeli sidaa wayna isa soo raaceen ilaa ay naxday sidii loo dilay Abu Bakar wayna ku soo dhowaatay Umul-jamiil wayna qaylisay iyadoo leh “Reer talkay waxay ku soo gaadhsiiyeen waxan waa dad gaalo ah waxan rajaynayaa in uu illaahay kaaga aar gudi doono” waxa uu yidhi Abu Bakar “Maxaa Rasuulkii illaahay lagu sameeyay” waxay tidhi; “Tani waa hooyada oo way ina maqlaysaa” waxa uu yidhi wax dhibaata ah malaha ee ha ka baqan, waxay ku tidhi; “Wuu Nabad galay wuuna wanaagsan yahay” waxa uu waydiiyay halka uu joogo waxay tidhi; daartii gurigii Arqam, waxa uu yidhi Abu Bakar “Illaahay baan ku dhaartee cunto cuni maayo waxna cabi maayo ilaa aad Rasuulkii illaahay ii keentaan”. Wayna u degdegtay ilaa ay ragii ay kal degeen dadkiina ay kala nasteen ilaa uu Rasuulkii (CSW) u soo galay Wajigana ka dhunkaday muslimiintiiyo dhamina ay wajiga ka dhunkadeen, Rasuulkiina (CSW) uu ilmeeyay, Abu Bakar ayaa yidhi; “Aabahay iyo hooyadayba lagu furayee dhibaato kale ma jirto wax ay soo gaadhsiiyeen gaalo wajigayga mooyane, tana waa hooyaday oo u samo falaysay inankeeda adiguna waxaad tahay mid barako badan oo dadka diinta illaahay ugu yeedhay, illaahay u bari waa intaas uu illaahay naarta ka badbaadiyaaye”. Rasuulkii illaahay (CSW) wuu u duceeyay wayna islaamtay Umul-khayr, rasuulkii illaahayna waxa uu ku sugnaa gurigooga muddo bil ah, Xamsena waxa uu muslimay maalintaa Abu Bakar la garaacay. U Jihaadkii Maalkiisa:- Abu Bakar waxa uu bixiyay xoolihiisa intii badnayd isagoo ku iibsanaya adoomo kana xoraynaya kuwii adoonsanayay Madaxya wayntii Qurashayd, waxa uu xoreeyay Abu Bakar lix uu ku jiro Bilaal Binu Rawaax, Caamil Binu Faheer iyo Umu Cubays ilaa ay aayadan quraanka ahi ku soo degtay “Waxa Jannada la geyn doona ka illaahay ka cabsada kaas oo maalkiisi u bixiyay si uu isku daahiriyo”. Heerkii uu ka Taagna Rasuulka (CSW) Agtiisa:- Illaahay raalli ha ka noqdee waxa uu ahaa Asxaabiga Rasuulka ugu dhow kuna sharafta badnaa rasuulka agtiisa, ilaa uu yidhi Rasuulku (CSW) (Qofka igu rumeeyay dadka ee igula saaxiibay maalkiisa waa Abu Bakar, haddii aan saaxiib ii gaar ah yeelan lahaa waxa uu noqon lahaa Abu Bakar). Walaaltinimadii islaamka iyo kalgacaylkii ayaa loogu ogalaaday in masaajidka rasuulka agtiisa ka samaysto Abu Bakar guri. Abu Bakar waxa uu ahaa qofka ugu naxariista badan umada sida uu Nebigu (CSW) sheegay waana qofka ugu horeeyay ee Nebiga (CSW) la gelaya Janada, “Adiga miyaa Abakarow waxaad tahay ka ugu horeeya ee janada gala umadeyda”. Abu bakor waana mid Nebiga (CSW) ku wehelinaya Xawdka Nebigu (CSW) waxa uu yidhi “Adigu waxaad tahay mid ugu wehelinaya Xawdka sidaad u ahayd saaxiibkaygi godka”, Abu Bakar sidoo kale waxa uu ahaa Caa’isha Aabaheed (Hooyadii Muuminiinta), sidaa awgeed waxa uu ku faani jiray qaraabanimada Rasuulka iyo xididnimadiisa waxaana uu odhan jiray “Illaahay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee Qaraabada Rasuulka illaahaybaan ka jecelahay in aan xidhiidhiyo Qaraabadayda”. Israa iyo Micraash:-Markii laga dheermiyay Rasuulka Illaahay (CSW) Maka ilaa Baytul Qudus ayay dadku u yimaadeen Abu Bakar iyagoo leh “Ma og tahay abu bakorow saaxiibkaa waxa uu la yimid, waxa uu ku doodayaa in xalay tagay Baytul Maqdus kuna tukaday kuna soo noqday maka”. Abu Bakar waxa uu kugu jawaabay “Beenbaad ka sheegaysaan” waxay yidhaahdeen “Oo waayo, bal kaalay eeg waakan dadka uga waramaaye”, Abu Bakar waxa uu yidhi “Walaahibaan ku dhaartee haddii uu hadalkaa yidhi xaqiiqdii Run ayuu sheegay, maxaydun taa la yaabi, walaahi waxa uu iiga waramay Xaga Samada Illaahay war uga soo diro isagoo dhulka jooga saacado ka mid ah habeenka iyo maalinta waana rumaystay, taas ayaana ka la yaab badan waxaan aad la yaaban tihiin”. Saaxiibtinimadii Rasuulka (CSW) iyo Abu Bakar:-Waxa Quraanka laga waramay Saaxiibtinimadii Rasuulka (CSW) iyo Abu Bakar “Labadii godka wada galay, wakhti mid ku yidhi saaxiibkii ha hamurugoon illaahaybaa inala jiree” Bilaal waxa soo gaadhay in dadka qaarkood ka fadilanayaa Abu Bakar, waxaana uu yidhi Bilaal “Sidee ayaad iiga fadishaan isaga (Abu Bakar) anigu waxan ahayn wanaag ka mid ah samo falkiisi”. Abi Dardaa waxa laga weriyay in uu yidhi “Waxa aan ag fadhiyay Rasuulka CSW, mar uu noo soo galay Abu Bakar isagoo go’iisa cidhifka haya oo lugaha soo xaytay, Nebigu (CSW) waxa uu yidhi; (Saaxiibkiin Miyaa? Runtii wuu is biimeeyay) waana uu salaamay waxana uu yidhi;- Aniga iyo Ibnu Khadaab waxbaa inaga dhexeeyay waan deg degay ka dibna waan murugooday waxaana waydiyay in la ii denbi dhaafo, aniga waa la iiga diiday adigana waa lagaa aqbalay, waxa la yidhi “Illaahay denbigaaga ha dhaafo Abu Bakarow” Saddex jeer, ka dib Cumar wuu murugooday waxaana uu yimid gurigii Abu Bakar isagoo waydiinaya Abu Miyuu Denbaabay, waxa lagu yidhi maya, waxa uu u yimid Nebiga (CSW) waana uu salaamay ilaa uu Abu Bakar wajigiisi ka dareemay waana uu soo hor fadhiistay waxaana uu yidhi:- Rasuulkii illaahayow Walaahi Anigu laba Jeer ayaan dambaabay. Nebigu (CSW) waxa uu ku yidhi “Illaahay ayaa ii kiin soo diray, waxa aad igu tidhaahdeen been ayaad sheegaysaa Abu Bakarna wuu I rumaystay, waxaana uu ii huray naftiisi iyo maalkiisi. Idinku ma ii daynaysaan Saaxiibkay laba goor, maxaa dhib ah ee intaa ka dib jira”. Khilaafadii Abu Bakar:-Markii uu Nebigu (CSW) uu xanuunsaday ayuu amray in uu Abu Abakar tukuyo muslimiinta, markii uu Nebigu (CSW) wafaadayna (Geeriyooday) waxa loo doortay in uu Islaamka hogaamiyo. Waxa u soo galay maalin Cumar Binu Khadaab oo ooyaya, waxaana uu ku yidhi Cumarow uma baahni Hogaamintiina, Cumar waxa ugu Jawaabay xagee loo kacaya Walaahi xilkan kaama dejinayno kaamana yeelayno in aad xilkan dhiibto. Ciidankii Usama Binu Sayid:-Nebiga (CSW) ayaa u diray 700 oo uu hogaaminayay Usama Binu Sayid markii ay degeen Toga Bidii Khashab, oo habeen looga lugeeyo Madiina ayuu Nebigu (CSW) geeriyooday, carabina waxay ku soo uruurtay Madiina hereeraheeda. Asxaabtii Rasuulku waxay ku yidhaahdeen Abu Bakar, Abu Bakarow Ciidanka soo geli, ciidankaas oo u sii jeeday Ruum. Waxaana markaa ridoobay Carabtii Madiina hareeraheeda deganayd. Waxa uu yidhi Abu Bakar:- Illaaha aan illaah kala jirin ayaan ku dhaartee ciidanka uu Nebiga Illahay diray ma soo celinayo mana furayo xadhi uu guntay. Usama iyo Ciidankii way dhaqaaqeen markay sii maraan qabiil doonaya in ay ridoobna waxa ay is yidhaahdaa “Haddii aanay Quwad lahayn ciidanka intaa leeg iskamay soo direen”, Ciidankii waxay gaadheen Ruum wayna jabiyeen waxaana ay ku sugnaadeen Nabad. Dagaaladii Lala Galay Dadkii Ridoobay:- Dhimashadii Nebiga (CSW) ka dib, badh carab ka mid ah ayaa diintii ka noqday oo diiday in ay bixiyaan sakada, asxaabtuna way isku khilaafday la dagaalankooda iyagoo towxiidkana akhrinaya. Cumar Binu Khadaab waxa uu yidhi “Dadkan sidee ula dagaalantaa, Nebigu waxa uu yidhi;- (Waxa la I armay in aan dadka la dagaalamo ilaa inta ay odhanayaa Illaahay Mooyaane Illaah kale ma jiro, marka ay sidaa yidhaahdaan ayay iga nabadgelyaan dhiigooga iyo maalkoodu ilaa xaqa lagu leeyahay mooyaane, xisaabtoodana illaahay ayaa ku shaqo leh)”. Abu Bakar waxa uu yidhi Sakadu waa xaqii maalka Illaahay baan ku dhaartee waanu la dagaalami ninka kala saara Sakada iyo Salaada, Illaahay baan ku dhaartee ninka ii diida Dabar uu Nebiga (CSW) sii jiray waan la dagaalamayaa. Abu Bakar wuu weeraray, wuuna go’doomiyay illaa ay dhamaan gacantiisa soo galeen. Abu Bakar manuu dhiman ilaa uu diinta toosiyay arrinkii dadkii diinta ka noqdayna halkaas ayuu ku dhamaaday. Ciidamadii Ciraaq iyo Shaam:- Markii uu Abu Bakar ka soo jeestay dagaalkii uu la galay kuwii ridoobay ayuu u diray Abu Cubayda Shaam, Khaalidna Ciraaq kumanuu darin kuwii ridoobay labadan dagaal, dagaaladan islaamku dhulka ku furtayna waxa galay kuwii ku sugnaa diinta islaamka. Khilaafadii Cumar:- Markii uu Abu Bakar uu doonay in uu ku wareejiyay khilaafada Cumar Binu Khadaab waxa uu ku yidhi: “Waxa aan kugu yeedhaya arrin culays ku leh cid kasta oo loo dhuubo, Cumarow illaahay ka cabso adiga oo adeecaya, adeecna adiga oo ka baqaya, ka illaahay ka cabsada waa mid nabad galay oo xafidan, intaa ka dib arrintan laguu soo bandhigay ku waajibayso qof ku camal fala mooyaane. Qofka xaqa amra ee baadilka sameeya, ka wanaaga fala ee xumaanta sameeya waxa dhab ah in ay lumayso nabadgelyadiisu camalkiisana aan la aqbalayn. Haddii arrinkooda laguu dhiibo haddii aad karto gacantaada ka ilaali dhiigooda, calooshaadana ka ilaali maalkooda, carabkaagana ka ilaali caydo. Sidaa yeel, xeelad ma lihin quwadna ma lihin illaahay mooyaane”. Dhimashadii Abu Bakar:-Abu Bakar waxa uu ku dhashay Maka Hijrayadii 51 sanno ka hor, waxaana uu ku dhintay Madiina. Geeridii Nebiga ka dib laba sannadood iyo saddex bilood ayuu sii noola, Sannadkii 13 ee Hijriyada ayuu dhintay. Maalintu Abu Bakar dhintay Madiini waxay la gariirtay Oohin sidii Maalintii Rasuulku (CSW) dhintay. Cali Binu Abu Daalib oo u ooyaya ayaa isagoo leh “Maanta ayay go’day khilaafadii Rasuulku” waxa uu is hortaagay gurigii Abu Bakor waxaana uu yidhi “Alle ha ku naxariisto Abu Bakarow, waxa tahay qoomka islaanimo kii ugu horeeyay uguna iimaanka dhamayska tirnaa, uguna alle ka cabsiga badnaa, uguna yaqiinta adkaa. Waxaanad tahay ninkii ugu Adkaysiga badnaa uguna nuglaa Rasuulka (CSW) Illaahay, uguna aaminsanaa Asxaabtiisa, uguna Siixiibtinimo wanaagsanaa, uguna Taariikhda Wanaagsanaa, wanaagana dadka ugu horayn jiray uguna darajada sareeyay, hanuun ahaan dhaqan ahaan, aamusnaan iyo ficil ahaanba. Wa Bilaahi Towfiiq |