We have 43 guests online
Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
Siiradii Rasuulka CSW Qaybtii 3aad Print E-mail
Sunday, 03 February 2008

Cabdul Muddalib oo Nidar Ku Galay Inuu Wiilkiisa Gawraco

Markuu Cabdul Muddalib Ceelka Zamzamka qodayay ee ay Qureeshi kula murantay ayuu Nidar ku galay in haddii toban wiil u dhashaan oo uu qaan gadhkooda nolol ku gaadho uu mid Kacbada ku bireeyo. Toban wiil markay u dhasheen ee ay hub qaad noqdeen, ayuu u sheegay nidarkiisii, wuxuu ka codsaday inay nidarkaa oofiyaan. Way ka yeeleen, waxay yidhaahdeen: maxaad naga dooneysa eenu yeelnaa? Wuxuu yidhi: mid waliba ha ii keeno qori magaciisu ku qoran yahay, way u keeneen, wuxuu ula galay Sanam Hubal oo yaal ceel Kacbada dhexdeeda ah, ceelkaa ayaa la gayn jiray wixii Kacbada loola niyoodo.

Sanamka Hubal waxa ag yaalay tododoba qori, mid waxa ku qornaa mag: Hadday magta cidda bixinaysa isku khilaafaan, tododbada qori ayay u qori tuuraan jireen. Hadday soo baxdo mag, ciddii ay ku soo baxday ayaa magta bixin jirtay. Midna waxa ku qornaa: Haa, haddii ay arrin damcaan, haa hadday soo baxdo, way yeeli jireen. Midna waxa ku qornaa: Maya. May yeeli jirin arrinka ay ku soo baxdo maya, mid waxa ku qornaa: Waa idinka, midna: wuu idin raacsanyahay, midna: waa qolo kale, midna: Biyo. Hadday damcaan in ay ceel biyo ah qodaan, halka qorigu ku dhaco ayay ka qodi jireen.

Hadday wiil xalaalaynayaan, ama qof guursanayo, ama mayd aasayaan, ama ay ka shakiyaan nasabka mid ka mid ah, waxay u tegi jireen sanamka Hubal iyagoo wada boqol Dirham iyo awr. Waxay siin jireen faaliyaha qoriga tuura. Waxay keeni jireen qofka ay doonayaan inay u faaliyaan. Waxay odhan jireen: Illaahayagiiyow waa kan hebel hebel, sidaas ayaanu doonayaa ee runta ka sheeg. Faaliyaha ayay ku odhan jireen: qoriga tuur. Hadday soo baxdo: waa idinka, wuxuu ahaa qofkaasu laan dheere, hadday soo baxdo: waa qolo kale, hiil iyo hoo wadaag ayay ka dhigi jireen, hadday soo baxdo: wuu idin raacsanyaahy, wuu la noolaan jiray, laakiin ma lahayn qofkaasu nasab fiican ama hiil iyo hoo wadaag, hadday soo baxdo: haa way ku dhaqaaqi jireen arrinka ay doonayaan, hadday soo baxdo: Maya way ka joogi jireen, oo sannad ayay dib u dhigi jireen.

Cabdul Muddalib ayaa ku yidhi faaliyihii: Wiilashaydan u qori tuur, waxaanu u sheegay nidarkii uu galay, wuxuu u dhiibay qoryahoodii oo nin walba kiisa magaciisa ku qornaa. Cabdillaahi ayuu ugu jeclaa Cabdul Muddalib, wuxuu niyadiisa iska yidhi: Hadduu Cabdilaahi badbaado, way kuu hagaagtay.

Cabdu Muddalib wuxuu bilaabay inuu Alle baryo markuu faaliyhii bilaabay qori tuurka. Qorigii Cabdillaahi ayaa soo baxay, Cabdul Muddalib ayaa mindidii qaatay si uu u gawraco. Qureesh ayaa ku soo kacday oo tidhi: maxaad falaysaa Cabdul Muddalibow? Wuxuu yidhi: waan gawracayaa. Qureesh iyo wiilashii ayaa ku yidhi: Wallee in aadan yeeleyn, waayo nin waliba hadduu wiilkiisa qalo, sow dadku madhan maayo. Muqiira ina Cabdillaahi ina Cumar ina Makhzuum oo Cabdillaahi abti u ahaa ayaa ku yidhi: wallee in aadan qalayn jeer aad waddo kale weydo, hadday furasho noqoto, waxaanu ku furan xoolahayaga. Qureesh ayaa ku tidhi: Madiina tag, waxa joogta faaliso waad yeeli, hadday faraj kale kuu sheegtona yeel.

Furashadii Cabdullaahi

Madiina kolkay yimaadeen, ayaa faalisadii Khaybar loogu sheegay, way u yimadeen. Cabdul Muddalib sheekadii iyo wixii dhacay iyo nidarkiisii ayuu u sheegay. Waxay tidhi:  iga noqda maanta waxaan warsan jinkaygii i weheliyay. way ka noqdeen, Cabdul Muddalib wuu Alle baryay, maalin labaddii ayay ku soo kallaheen, waxay tidhi: warkii waan helay, waa imisa magta qofku xaggiina? Waxay yidhaahdeen: waa toban geel ah. Waxay tidhi: dhulkiinii ku noqda, wiilka iyo toban geel ah is ag dhiga, u qori tuura, haddii uu wiilka ku dhaco, geela kordhiya ilaa illaahiinu raalli noqdo, markuu geela ku dhaco, waa markaa markuu illaahinii raalli noqday ee geela qala.

Makka ayay ku soo noqdeen, markay hawshii bilaabeen ayuu Cabdul Muddalib u Alle baryay. Cabdillaahi iyo toban halaad ayaa loo qori tuuray, Cabdul Muddalibna illaahay ayuu u baryayaa isagoo sanamka Hubal ag taagan. Cabduilaahi ayuu qorigii ku dhacay. Geeli ayay toban halaad ku dareen, labaatankii iyo Cabdillaahi ayaa loo qoryay. Intaa Cabdul Muddalib wuu alle baryayaa, Cabdillaahi ayuu qorigii ku dhacay. Geelii ayaa soddon laga dhigay, qorigii Cabdillaahi ayuu ku dhacay, Afartan ayaa geeli laga dhigay, qorigi Cabdillaahi ayuu ku dhacay, Sidii loo waday ee geele loo kordhinayay qoriguna mar walba Cabdillaahi ugu dhacayay, intaa Cabdul Muddalibna u Alle baryayay ayaa boqol halaad la gaadhsiiyay. Qorigii geelii ayuu ku dhacay. waxa la sheegay inuu Cabdul Muddalib yidhi: Maya Wallaahi, jeer aan saddex goor hubsado. Boqolkii halad iyo Cabdillaahi ayaa loo qoryay saddex goor mar walba wuxuu qorigu ku dhacay geela. Boqolkii halaad ayaa la qalay oo aan cidna loo diidin hilibahoodii.

 
set as your home page

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008-2009 Al Hidaaya.info