|
Cabdul Muddalib oo Nidar Ku Galay Inuu Wiilkiisa Gawraco Markuu Cabdul Muddalib Ceelka Zamzamka qodayay ee ay Qureeshi kula murantay ayuu Nidar ku galay in haddii toban wiil u dhashaan oo uu qaan gadhkooda nolol ku gaadho uu mid Kacbada ku bireeyo. Toban wiil markay u dhasheen ee ay hub qaad noqdeen, ayuu u sheegay nidarkiisii, wuxuu ka codsaday inay nidarkaa oofiyaan. Way ka yeeleen, waxay yidhaahdeen: maxaad naga dooneysa eenu yeelnaa? Wuxuu yidhi: mid waliba ha ii keeno qori magaciisu ku qoran yahay, way u keeneen, wuxuu ula galay Sanam Hubal oo yaal ceel Kacbada dhexdeeda ah, ceelkaa ayaa la gayn jiray wixii Kacbada loola niyoodo. Sanamka Hubal waxa ag yaalay tododoba qori, mid waxa ku qornaa mag: Hadday magta cidda bixinaysa isku khilaafaan, tododbada qori ayay u qori tuuraan jireen. Hadday soo baxdo mag, ciddii ay ku soo baxday ayaa magta bixin jirtay. Midna waxa ku qornaa: Haa, haddii ay arrin damcaan, haa hadday soo baxdo, way yeeli jireen. Midna waxa ku qornaa: Maya. May yeeli jirin arrinka ay ku soo baxdo maya, mid waxa ku qornaa: Waa idinka, midna: wuu idin raacsanyahay, midna: waa qolo kale, midna: Biyo. Hadday damcaan in ay ceel biyo ah qodaan, halka qorigu ku dhaco ayay ka qodi jireen. Hadday wiil xalaalaynayaan, ama qof guursanayo, ama mayd aasayaan, ama ay ka shakiyaan nasabka mid ka mid ah, waxay u tegi jireen sanamka Hubal iyagoo wada boqol Dirham iyo awr. Waxay siin jireen faaliyaha qoriga tuura. Waxay keeni jireen qofka ay doonayaan inay u faaliyaan. Waxay odhan jireen: Illaahayagiiyow waa kan hebel hebel, sidaas ayaanu doonayaa ee runta ka sheeg. Faaliyaha ayay ku odhan jireen: qoriga tuur. Hadday soo baxdo: waa idinka, wuxuu ahaa qofkaasu laan dheere, hadday soo baxdo: waa qolo kale, hiil iyo hoo wadaag ayay ka dhigi jireen, hadday soo baxdo: wuu idin raacsanyaahy, wuu la noolaan jiray, laakiin ma lahayn qofkaasu nasab fiican ama hiil iyo hoo wadaag, hadday soo baxdo: haa way ku dhaqaaqi jireen arrinka ay doonayaan, hadday soo baxdo: Maya way ka joogi jireen, oo sannad ayay dib u dhigi jireen. Cabdul Muddalib ayaa ku yidhi faaliyihii: Wiilashaydan u qori tuur, waxaanu u sheegay nidarkii uu galay, wuxuu u dhiibay qoryahoodii oo nin walba kiisa magaciisa ku qornaa. Cabdillaahi ayuu ugu jeclaa Cabdul Muddalib, wuxuu niyadiisa iska yidhi: Hadduu Cabdilaahi badbaado, way kuu hagaagtay. Cabdu Muddalib wuxuu bilaabay inuu Alle baryo markuu faaliyhii bilaabay qori tuurka. Qorigii Cabdillaahi ayaa soo baxay, Cabdul Muddalib ayaa mindidii qaatay si uu u gawraco. Qureesh ayaa ku soo kacday oo tidhi: maxaad falaysaa Cabdul Muddalibow? Wuxuu yidhi: waan gawracayaa. Qureesh iyo wiilashii ayaa ku yidhi: Wallee in aadan yeeleyn, waayo nin waliba hadduu wiilkiisa qalo, sow dadku madhan maayo. Muqiira ina Cabdillaahi ina Cumar ina Makhzuum oo Cabdillaahi abti u ahaa ayaa ku yidhi: wallee in aadan qalayn jeer aad waddo kale weydo, hadday furasho noqoto, waxaanu ku furan xoolahayaga. Qureesh ayaa ku tidhi: Madiina tag, waxa joogta faaliso waad yeeli, hadday faraj kale kuu sheegtona yeel. Furashadii Cabdullaahi Madiina kolkay yimaadeen, ayaa faalisadii Khaybar loogu sheegay, way u yimadeen. Cabdul Muddalib sheekadii iyo wixii dhacay iyo nidarkiisii ayuu u sheegay. Waxay tidhi: iga noqda maanta waxaan warsan jinkaygii i weheliyay. way ka noqdeen, Cabdul Muddalib wuu Alle baryay, maalin labaddii ayay ku soo kallaheen, waxay tidhi: warkii waan helay, waa imisa magta qofku xaggiina? Waxay yidhaahdeen: waa toban geel ah. Waxay tidhi: dhulkiinii ku noqda, wiilka iyo toban geel ah is ag dhiga, u qori tuura, haddii uu wiilka ku dhaco, geela kordhiya ilaa illaahiinu raalli noqdo, markuu geela ku dhaco, waa markaa markuu illaahinii raalli noqday ee geela qala. Makka ayay ku soo noqdeen, markay hawshii bilaabeen ayuu Cabdul Muddalib u Alle baryay. Cabdillaahi iyo toban halaad ayaa loo qori tuuray, Cabdul Muddalibna illaahay ayuu u baryayaa isagoo sanamka Hubal ag taagan. Cabduilaahi ayuu qorigii ku dhacay. Geeli ayay toban halaad ku dareen, labaatankii iyo Cabdillaahi ayaa loo qoryay. Intaa Cabdul Muddalib wuu alle baryayaa, Cabdillaahi ayuu qorigii ku dhacay. Geelii ayaa soddon laga dhigay, qorigii Cabdillaahi ayuu ku dhacay, Afartan ayaa geeli laga dhigay, qorigi Cabdillaahi ayuu ku dhacay, Sidii loo waday ee geele loo kordhinayay qoriguna mar walba Cabdillaahi ugu dhacayay, intaa Cabdul Muddalibna u Alle baryayay ayaa boqol halaad la gaadhsiiyay. Qorigii geelii ayuu ku dhacay. waxa la sheegay inuu Cabdul Muddalib yidhi: Maya Wallaahi, jeer aan saddex goor hubsado. Boqolkii halad iyo Cabdillaahi ayaa loo qoryay saddex goor mar walba wuxuu qorigu ku dhacay geela. Boqolkii halaad ayaa la qalay oo aan cidna loo diidin hilibahoodii. |