We have 75 guests online
Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
Siiradii Rasuulka CSW Qaybtii 2aad Print E-mail
Sunday, 03 February 2008

Ilma Nizaar Ina Macad: -Nizaar ina Macad wuxuu dhalay saddex: Mudar, Rabiic iyo Anmaar. Mudar wuxu dhalay laba: Ilyaas iyo Caylaan. Ilyaas wuxuu dhalay laba: Mudrika, Daabikh iyo Qamaca. Mudrika wuxu dhalay laba: Kuzayma iyo Hudayl. Khuzayma wuxu dhalay afar: Kinaama, Asad, Aasada, huun. Kinaana wuxuu dhalay afar: Nadir, Maalik, cabdi Manaat iyo Milkaan

Nadir wuxu dhalay laba: Maalik iyo Yakhlud. Maalik ina Nadir wuxu dhalay laba: Fihir ina Maalik. Fihir wuxu dhalay afar: Qaalib, Muxaarib, Xaarith iyo Aasad. Qaalib wuxu dhalay laba: Lu'ay iyo Taym. Lu'ay wuxu dhalay afar: kacab, Caamir, Samaa iyo Cawf

Kacab wuxu dhalay saddex: Murra, Cadi iyo Husays. murra wuxu dhalay saddex: Kilaab, Taym iyo Yaqada. Kilaab wuxu dhalay laba: Qusay iyo Zuhra. Qusay wuxu dhalay afar: Cabdi Manaaf, Cabdi Daar Cabdul Cuza iyo Cabdi Qusay. Cabdi Manaaf wuxu dhalay afar: Haashi, Cabdi Shaam, Muddalib iyo Nawfal

Ilma Cabdul Muddalib:- Wuxu yidhi Ina Hishaam: Cabdul Muddalib ina Haashim wuxuu dhalay toban wiil iyo lix haween ah: Cabbaas, Xamza, Cadullaahi, Abuu Daalib (oo la yidhaa Cabdi Manaf), Zubeyr, Xaarith, Xajl, Muqawim, Diraar, Abuu Lahab (oo la yidhaa Cabdul Cuza), Safiya, Ummu Xakiim Caddey, Catika, Umayma, Arwa, Barra.

Rasuulka (CSW) Labadiisi Waalid" Cabdillaahi ina Cabdul Muddalib wuxu dhalay Rasuulka oo ah saydika Bani Aadamka oo dhan, Muxammad ina Cabdillaahi ina Cabdul Muddalib, Nabad Gelyo iyo Naxariis Alle korkiisa ha yeelo.

Hooyadii waa Aamina ina Wahab ina Cabdi Manaaf inaa Zuhra ina Kilaab ina Murra ina Kacab ina Lu'aynta Qaalib ina Fihir ina Maalik ina Nadir. Rasuulka Bani Aadamka oo dhan wuu u maqaam wanagsan yahay waanu u abtirsiin fiican yahay, xagga aabbihii iyo xagga hooyadiiba.

Qodistii Ceelka Zamam:- Isaga oo Cabdul Muddalib Kacbada hurda ayuu ku riyooday iyada oo la faray inuu qodo ceelka Zamzam, wuxuu yidhi: anoo hurda ayaa qof ii yimid, wuxuu igu yidhi: qod biyo macaane. Waxaan idhi: oo waa maxay biyo macaane? Wuu iga tegay.Habeen labaadkii ayaan halkaygii gogoshaydii seexday, waxa la yidhi: qod Barra, waxan idhi: waa maxay Barra? Waa la iga tegay.

Habeen saddexaadkii ayaan seexday, Hurdada ayaa la iigu yimid, waxa la i yidhi: Qod madnuuna, waxaan idhi: oo waa maxay Madnuuna? wuu iga tegay. Habeen afradkii ayaa la igu yidhi: qod ceelka Zamzam, waxaan idhi: oo waa maxay Zamzam? waxa la i yidhi: mana gudho, mana go'o, Xujaajta badan ayaa ka cabta, wuxuu u dhexeeyaa uuska iyo dhiigga, waa meesha tukaha baalka cadi afka ku qodayo, waa godka qudhaanjada agtiisa. (Waxa la yidhaa Cabdul Muddalib wuu arkay godkii qudhaanjada iyo meeshii tukuhu afka ku qodayay, laakiin muu arkin uuskii iyo dhiiggii. Isaga oo raadinaya uuskii iyo dhiiggii, ayuu sac ka soo fakaday ninkii gawracayay, uu soo galay Masjidka. Halkii Cabdul Muddalib loo tilmaamay ayuu ku gawracay oo uuskii iyo dhiigigi ku daateen).

Kolkuu Cabdul Muddalib arkay arrinkan lagu celceliyay wuxuu la soo kallahay madarqiisii isagoo uu weheliyo wiilkiisa Xaarith, berigaas wiilalsha kale weli umay dhalan. Ceelkii ayuu qoday, markuu jebiyay dhagaxii ceelka ku xidhnaa ayuu yidhi: Allaahu Akbar. Qureeshi waxay ogaatay inuu gaadhay muraadkiisii inta ay soo kaceen ayay ku yidhaahdeen: Cabdul Muddalibow, waa ceelkii aabbaheen Ismaaciil, xaq ayaanu ku leenahay ee wax naga sii. Wuxuu yidhi: yeeli maayo, arrinkan aniga ayaa gaar la iiga dhigay, igulama jirtaan.

Waxay yidhaahdeen: ku deyn meyno oo waanu kula doodi ee wax nooga oggolow, wuxuu yidhi: Ciddii aad ku kalsoon tihiin doorta ha ina dhex gasho, waxay yidhaahdeen: Faalisada reer Sacad Hudaym, wuxuu yidhi: haye, waxay joogtay Gabadhaasi buuralayda Shaam.

Cabdul Muddalib iyo kuwo reer Cabdi Manaaf ah ayaa u heeryaystay xagga faalisadaa, Qureeshna reer walba rag ayaa karaacay. Waxay sii mareen dhul oomane ah, biyihii ayaa ka dhammaaday Cabdul Muddalib iyo raggii la socday. Markay oon nafta u yaabeen ayay biyo weydiisteen reerahii kale ee Qureesh, way diideen inay waraabiyaan waxay ku yidhaahdeen: dhul oommane ah ayaynu maraynaa, annaguba nafta ayaanu uga baqi tan idin heshay. Markuu Cabdul Muddalib arkay inay iyaba tooda u baqayaan ayuu ku yidhi saxiibbadii: maxaa talo ah?

Waxay yidhaahdeen: adigu tali. Wuxuu yidhi: inta itaal inagu hadhay nin walbow xabaashaada qodo, kolkuu qof dhinto ka kale ha ku tuurto xabasha oo ha aaso, waayo nin keli ah bakhtigiisa ayaa ka sahlan safar dhan bakhtigooda. Way ku raaceen. Nin waliba wuxuu qotay xabaashiisii, halkii ayay fadhiiisteen iyaga oo sugaya in ay oon u dhintaan. Cabdul Muddalib ayaa ku yidhi: Wallaahi ina aynu halkan uun geerida ku sugno oo aynaan dhulka wax ka raadsani waa talo xumo, waar ina mariya waaba intoo Alle biyo dhulka inaga siiyaa, way guureen, iyagoo reerihii kale ee Qureeshina eegayaan, Cabdul Muddalib ayaa hor kacay. Kolkuu awrkiisii fuulay ayay il biyo macaan ahi ka dillaacday halkii awrku cagta ka qaaday.

Isaga iyo saaxiibbaddii ayaa wada yidhi: Allahu Akbar, wuu soo degay, isaga iyo saaxiibbadii ayaa caabay oo dhaansaday. Reerahii kale ayuu u yeedhay oo uu ku yidhi kalayaa oo caabba oo dhaansada illaahay ayaa ina waraabiyay. Markay cabbeen ee ay dhaansadeen ayay ku yidhaahdeen: Walaahi Illaah halkaa kaa waraabiyay, isagaa Zamzamkana ku siiyay, wuu nooga kaa xukumay, ina celi dib kuugula doodi mayno, umana baahnin in aynu faalisadii u tagno.

 
set as your home page

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008-2009 Al Hidaaya.info