Home
Q-Ramadaanta

   Barashada Quraanka

  Maxamed Sidiiq Al-Mashaawi
1.Jus Qadsamic
2.Jus Qadsamic
3.Jus Tabaarik
4.Jus Tabaarik
5.Jus Camma
6.Jus Camma
Maxamuud Khaliil Xusari
1.Jus Daariyaat
2.Jus Daariyaat
3.Jus Daariyaat
4.Jus Qadsamic
5.Jus Qadsamic
6.Jus Qadsamic
7.Jus Tabaarik
8.Jus Tabaarik
9.Jus Tabaarik
10.Jus Camma
11.Jus Camma
12.Jus Camma

   Su'aalo iyo Jawaabo

   Sh. Maxamed Cumar Dirir
1. Su'aalo iyo Jawaabo
2. Su'aalo iyo Jawaabo
3. Su'aalo iyo Jawaabo
4. Su'aalo iyo Jawaabo
5. Su'aalo iyo Jawaabo
6. Su'aalo iyo Jawaabo
7. Su'aalo iyo Jawaabo
8. Su'aalo iyo Jawaabo
9. Su'aalo iyo Jawaabo
10. Su'aalo iyo Jawaabo

Codayn

Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

   Islamic Links

Altaqwaa
Aflax.Net
Anasheed
Waaniye
Muslim Kids Tajweed
Sh. Abdirashiid
Daarul Xadiith
Duruus
Golaha Imamyada
Tawfiiq Masjid
Masjid Shaafici
Boqolsoon
Khalid Masjid
Somalisunah
Qardhaawi

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
Siiradii Rasuulka Qaybtii 1aad Print E-mail
Sunday, 03 February 2008

Nasabkii Rasuulka (CSW)

Rasuulku waa: Muxamad ina Cabdillaahi, ina Cabdi Mudaliba (Sheybah), ina Haashim (Cumar), ina Cabdi Manaf (Al Muqiirah), ina Qusay (Zeyd), ina Kilaaf, ina Murrah, ina Kacab, ina Lu'ay, Ina Qaalib, ina, Fihir, ina Maalik, ina Nadar, ina Kinaana, inaa khuzayma, ina Cadnaan, ina Udd, ina Muqawim, ina Naaxuur, ina Tayrax, ina Yacrub, ina Yashjub, ina Naabit, inaa Nebi Ismaaciil, ina Nebi Ibraahim, ina Taarix (Aazar), ina Naaxuur, ina Saaruuq, ina Raacuu, ina Faalikh, ina Lamak, ina Mutawashlax, ina Akhnuukh, (Nebi Idiris), ina Yard, ina Mahlaa'iil, ina Qaayin, ina Anuusha, ina Shayth, ina Nebi Aadam.

Tafiirtii Nebi Ismaaciil (CS)

Nebi Ismaaciil, oo ah ina Nebi Ibraahim (CS), wuxuu dhalay 12 wiil o ah: Naabit, Qeydar, Adbul, Mabsha, Masmac, Mashi, Dim, Aadar, Daym, Yadwur, Nabish, iyo Qeydum. Naabit ina Nebi Ismaaciil ayaa dhalay Naaxuur, oo sii dhalay Muqawim, oo sii dhalay UD, oo sii dhalay Cadnaan. Cadnaan laba wiil oo uu dhalay oo ah Macad iyo Cak ayay ka sii tafiirmeen Qabaa'ilka carabtu.

Cak Yaman ayuu degan kolkuu ka guursaday Ashcariyiinta (Waa ilma Ashcar, ina Nabat, ina Udad, ina Humaysac, ina Camr, ina Cariib, ina yaashjub, ina Seyd, ina Kahlaan, ina Saba, ina Yashjub, ina Yacrub, ina Qaxdaan). Kolkaas isku af ayay noqdeen.

Macad, ina Cadnaanna wuxuu dhalay afar wiil oo kala ah: Nizaar, Qudaaca, Qunus iyo Iyaad. Qudaaca waxay u guureen xagga Ximyar ina Saba, Qunus cidii kama tafiirmin ee way madheen sida ay sheegayaan abtirsiin yaqaannada reer Macad, waxaana ka mid ahaa Nucmaan ina Mundir, boqorkii Xiira.

Sheekadii Asxaabul Fiil (Maroodiyaadii kacbada soo Weeraray)

Abraha oo ahaa Xabashi ayaa Sanca ka dhisay Kaniisad weyn oo uu u bixiyay Al Quleysa oon taasoo kale waagaas dhulkaba laga dhisin, Boqorkiisii "Najaashi" ayuu warqad u qoray uu leeyay: "Boqoryahow waxaan kuu dhisay Kaniisad aan weli Boqor loo dhisin, nasanna maayo ilaa aan carabta ku qasbo in ay iyada u soo xajaan."

Carabtii waxay is gaadhsiisay warqaddii Abraha. Nin arrintaas ka cadhaysan ayaa ogaan ugu xaaray Kaniisadii "Al Qulays" ka dibna baxsaday, Abraha ayaa lagu yidhi "Ninka sidaas yeelay waa nin ka mid ah carabta reer Makka, taas oo uu ku yaal Aqalka ay u soo xajaan, waxaanu sidaas uu yeelay kolkuu maqlay hadalkaagii".

Abrahaa ka cadhooday falkaas oo ballan ku qaaday inuu aqalkaas dumiyo. Ciidan Xabshi ah oo ballaadhan oo maroodi hor socdo ayuu diyaariyay oo Makka ku soo saaray. Carabtii way baqdeen waxaanay isku guubaabiyeen in dagaalkiisu xaq yahay. Nin la yidhaah Duu Nafar oo ah dadka sharafta leh ee reer Yaman ayaa ciidan kala hor tegay. Ninkaa Abraha ayaa ka guuleystay, isagiina waa la soo xidhay.

Kolkuu Abraha marayo reer Khuthcum waxa la dagallamay nufayl ina Xabiib oo wata labadii jilib ee Khuthcum, isna waa laga adkaaday, waana la soo qabtay. Lama dilin si uu waddada u tuso ciidanka Abraha. Daa'if markuu ciidankii soo gaadhay, ayuu u soo baxay Mascuud, ina Muctib oo ay la socdaan rag ah reer Thaqiif, waxay ku yidhaahdeen Abraha: waxa colaad ahi inagama dhexayso Aqalkaa aad ku socotaana ma aha kaayaga (Laati), waxaad dooneysaa ka Makka ku yaal, cid ku tusta ayaanu ku raacinaynaa. Sidaa darteed lamay dagaallamin Abraha. Waxa ay raciyeen nin la yidhaah Abaa Riqaal. Kolkay marayaan Maqmas (Meel Makka u dhow) ayaa Abaa Riqaal dhintay (Carabtu qabrigiisa way tuurtuurtaa).

Markuu Abraha degay Maqmis ayuu diray nin Xabshi ah oo la yidhaa Al Aswad (Madoobe) ina Maqsuud oo fardooley wata, Makka ayuu yimid oo uu geel badan ka qaaday. geelaa waxa lahaa reer Tuhaama oo Qureysh ah, waxa geela ku jiray laba boqol oo halaad oo uu leeyahay Cabdul Muddalib ina Haashim, oo waagaa ahaa madaxa Qureesh. Qureysh iyo Kinaana iyo Hudal ayaa ku talo galay inay Abraha la dagaallamaan, waxayse arkeen in aanay Abraha hor joogsan karin.

Wuxuu Abraha Makka u diray Xunaada Al Ximyari, wuxuu ku yidhi: raadi madaxda dhulkan iyo shariifkooda, waxaad ku tidhaahdaa: wuxu boqorku ku yidhi: umaan iman dagaalkiinna, waxaan u imid in aan Aqalkan dumiyo, haddii aydaan i hor joogsan, dhiiggiina ma rabo, kolkaa haddaanu dagaal rabin, soo kexee.

Xunaada ayaa reer makka waraystay oo waydiiyay inay tusaaan ninka u madaxda ah , waxa lagu yidhi: Waa Cabdul Muddalib ina Haashim, wuu u yimid, wuxu u sheegay fariintii uu soo faray Abraha. Cabdul Muddalib ayaa ku yidhi: Wallaahi ma dooneyno dagaalkiisa umana taag hayno, kani waa Aqalkii Alle, waana Aqalkii Nebi Ibraahim, hadduu Alle u diidona, waa Aqalkiisi aanay bannaanayn in dhexdiisa lagu dagaallamo, haddii Alle ku soo deynaayona, annagu kama difaaci karno.

Xunaada ayaa ku yidhi: ina mari haddaba, wuxuu i soo faray in aan ku geeyo ee wuuna raacay isaga oo ay weheliyaan qaar ka mid ah wiilashiisa ilaa ay yimaadeen fadhiisinkii Abraha iyo ciidankiisa. Wuxuu Cabdul Muddalib warsaday Duu Nafar oo ay saaxiib ahaayeen. Wuu u soo galay isaga oo xidhan, wuxuu ku yidhi Duu Nafarow, waxaan inagu dhacay si looga baxo maad garan? Wuxuu yidhi Duu Nafar: muxuu tari karaa nin xidhan oo sugaya in caawa ama berri la dilo? Waxaase ku helay waxba kama tari karo, laakiin Unays oo ah hoggaamiyaha maroodiga ayaanu saaxiib nahay ee, waan kugu ballamin si uu kuugu oggolaado in aad boqorka u gasho ood ula hadasho sida aad doonto, hadduu karona kaa la hadlo.

Wuxu yidhi: intaasu igu filan. Duu Nafar ayaa u fariin diray Unays isaga oo leh: Cabdul Muddalib waa odaygii Qureesh, waa madaxii Ganacsiga Makka ee deeqsiga ahaa, dadkana bannaanka ayuu ku dhergiyaa, bahalahana buuraha dushooda, laba boqol oo halaad ayuu boqorku ka qaday, boqorkaa ka la hadal oo waxaad u tari karto ha ka hakran. Unays wuxuu yidhi: yeelay.

Unays ayaa Abraha la hadlay  oo yidhi: Boqoroow, madaxii Qureesh ayaa albaabka taagan, waa taliyhii ganacsiga Makka, dadkana banaanka ayuu ku dhergiyaa, bahalahana buuraha dushooda, u oggolow inuu dantiisa kaa la hadlo. Wuxuu u oggolaaday inuu soo galo oo uu hadlo.

Cabdul Muddalib wuxuu ahaa nin xooggan oo qurux badan. Markuu Abraha arkay wuu soo dhoweeyay, wuxuu ka xishooday in uu dhulka fadhiisiyo isaga oo sariirta fadhiya, inuu sariirta Boqorka ku fadhiisiyo oo ay Xabshadidu aragtona wuu ka waabtay. Abraha ayaa gogoshii dhulka la fadhiistay Cabdul Muddalib. Turjumaankii ayuu ku yidhi; dantaada sheego ku dheh.

Sidii ayaa loo sheegay, wuxuu yidhi: waxaan doonayaa in boqorku ii soo celiyo laba boqol oo halaad oo la iga qabtay. Markuu turjumaanku sidaa ugu sheegay Abraha, wuxuu yidhi: waxaad ku tidhaa: kolkii hore een ku arkay waan ku qaddariyay, kolkaad ila hadashayse waan ka quustay, ma waxaad i weydiinaysaa laba boqol oo halaad, miyaadan ka hadlayn Aqalkan aabbayaashaa iyo awowyada een u imid in aan dumiyo. Cabdul Muddalib ayaa ku yidhi: geela anigaa leh, Aqalkanna wax leh Illaahay oo daafici doona. Wuxuu yidhi Abraha: aniga iga hor joogsan maayo. Wuxuu yidhi waa la idin arkaa.

Abraha ayaa geeli u celiyay, Cabdul Muddalib ayaa Qureesh ku soo noqday oo warkii u sheegay, waxaanu ku amray in ay magaalada ka baxaan oo ay buuraha iyo laagaha kaga dhuuntaan ciidanka Abraha. Cabdul Muddalib iyo koox Qureesh ah ayaa Alle baryay inuu Abraha iyo geeshkiisa ka hiiliyo, wuxuu yidhi Cabdul Muddalib isagoo haysta albaabka Kacbada: Allow, dadku way daafacaan waxa ay leeyihiin e, daafac waxaaga Yaan Saliib kooda (Is-tallaabta kiristaanka) iyo awooddoodu ka rayinin berri awooddaada. Hadaad u oggolaato in ay dumiyaan Qibladayda adaa talada iska leh.

Markii waagu beryay ayuu Abraha isu diyaariyay inuu Makka soo galo, Ciidankiisi ayuu dhiirri geliyay. Wuxuu soo kaxeeyay maroodigii oo la odhan jiray Maxamuud. Wuxuu ku talo galay Abraha inta uu kacbada dumiyo in uu Yaman dib ugu noqdo. Nufayl ina Xabiib ayaa maroodiga dhegta u saaray:  fadhiiso ama ku noqo halkii aad ka timid, waayo waxaad joogtaa Baladul Xaraam (Dhul aanay bannaanayn in dhiig lagu daadiyo). Markuu Nufayl dhegtii sii daayay ayuu fadhiistay maroodigii Maxamuud. Nufayl ayaa baxsaday oo buur koray, Maroodigii ayay madaraq ku garaaceen si uu u kaco, Murjin ayay caloosha ka geliyeen oo dhiig ka daadiyeen si uu u kaco.

Wuu diiday, xagga Yaman ayaa loo jeediyay, orod ayuu is dhiigay, xaga Shaam ayaa loo jeediyaay, wuu orday, xaga Makka ayaa loo jeediyay, wuu diiday inuu dhaqaaqo. Wuxuu Alle u soo diray shinbiro ka soo kacay xaga badda oo madow ah. Shinbir waliba waxay siday saddex dhagax, mid afka uu ku sido iyo laba uu lugaha ku sido, oo laale'eg shunburada, oo qofka ay ku dhacana dhimanayo. Dadkii kuma ay wada dhicin. Dib ayay u boobeen waddadii ay ka soo galeen, waddooyinka ayaa maydkoodii ku daatay. Abraha dhagaxii ayaa ku dhacay oo wuu dhintay.

Markii Nebi Maxamad Alle soo diray, nicmooyinka iyo fadliga Quraanka lagu sheegay waxa ka mid ahaa wixii Xabashida ku dhacay, si Qureesh aanay u dabar go'in. "Ma ogtahay sida alle ku falay colkii maroodiga? Miyaan Illahay luminin taladoodii, oonu u soo dirin shimbiro kooxo ah, oo ku tuuraya dhagaxyo la kulayliyay,. Wuxuu Alle ka yeelay sida bal la daaqay" {Suuratul Al Fiil-1-5]

 
set as your home page

Tafsiirka Quraanka

Sh. Maxamed Sh.Cumar Dirir
Sh. Cismaan Cali Xuseen
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Maxamed Cabdi Umal

Arbiciin

Sh.Maxamed  Ismaaciil

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Arbiciin

Sh.Cumar Faaruuq

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Casharka 4aad
Casharka 5aad
Casharka 6aad
Casharka 7aad
Casharka 8aad
Casharka 9aad
Casharka 10aad
Casharka 11aad
Casharka 12aad
Casharka 13aad

Muxaadaro Cusub

Maxamed Cumar Dirir

  Doorashada Saaxiibka Wanaagsan

Sh. Almis  Sh. Yaxye

Kibirka Iyo Isla Weynida

Sh.Ina Cali Gadhle

Qaybo ka mid ah Iimaanka

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008 Al Hidaaya.info