We have 103 guests online
Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
Taariikhda Rasuulka Meelaha Laga Helo Print E-mail
Sunday, 03 February 2008

Asalka Koowaad: Quraanka:- Asalka u weyn una kalsuoni badan ee taariikhda Rasuulka laga heli karaa waa Quraanka Alle soo dejiyay een baadil iyo beeni u iman karin. Quraanku wuxuu ka sheekeeyaa noloshii Rasuulka, intii aan waxyigu ku soo degin, agoon-nimadiisi, sabool-nimadiisi, rajay-nimadiisi, iyo sidii waxyigu ugu soo degay, siduu dadka u gaadhsiiyay, sidii cirka loo korsiiyay, sidii loo colaadiyay, sidii Makka looga saraay (Hijradii), dagaalladii uu gaalada la galay, akhlaaqdiisa. Quraanku si tafatiran oo cad ayuu arrimahas uga hadlay, taasuna waxay ina tusaysaa in aanu taariikhda soo marin nin sidaas oo kale Taariikhdiisu u caddahay oo ay kalsooni u tahay.

Asalka Labaad: Xadiiska: -Asalka labaad ee taariikhda Rasuulka laga heli karaa waa hadalladiisii (Xadiiska) iyo ficilladiisii. Kutubta xadiiska ee la inoo xafiday waxay koobtay ilaa boqol kun oo xadiis. Waxa kutubkaa ugu muhiimsan lixda Kitaab ee la saxay ee culimadu dabo galeen xadiisyada ku soo arooray ee ay caddeeyeen weriyeyaashooda iyo markhaatiyadooda si aanu far ciddideed oo shaki ahi ugu hadhin qofka, hadduu yahay run raadis ama yahay kharadle u jeeda wax qaloocin. Lixdaa kitaab waxa soo raaca kutubta ah Musnadyad, kuwaas oo uu u weyn yahay Musnadka Imaam Axmad Ina Xanbal, oo isagu Saxaabi kasta xadiisyadii uu weriyay meel isugu geeyay, halkaas oo laga helayo tusaalooyinkii Rasuulka (CSW) iyo taariikhdiisiba.

Asalka Saddexaad: Dagaalladii:-Kutubta dagaallad ayaa iyana laga helayaa arrimo badan oo lagu dari karo wixii ku soo arooray Quraanka iyo Xadiiska. Kutubtii hore ee dagaallada waxa ka mid ah kitaabka "Dagaalladii" oo u qoray Curwa ina Zubeyr ( oo dhintay 94H), kuu qoray Al Zuhri (wuxuu dhintay 124H), kii Muusa Ina Cuqba (Wuxuu dhintay 141H), kii Muxammad Ina Isxaaq ina Khiyaar ( oo ku dhashay Madiina 85H), dhulal badanna soo maray, ugu dambayntiina joojiyay socdaalkii. Wuxuu la kulmay Al mansuur oo uu wiilkiisa Al Mahdi u allifay Kitaabka Al Siirah, wuxuu geeriyooday 150H. Waxa kutubtaa ka mid ah kitaabka "Dagaallada" ee uu qoray Ziyaad ina Cabdula Malik Ina Dufayl Al Bakaa'i Al Caamiri ee reer Kuufa, oo yimid magaalada Baqdaad oo taariikhdaas dadka u akhriyay isaga oo ka weriyay Muxammad ina Isxaaq. Ka dib wuxu ku noqday Kuufa waanu ku geeriyooday sannadkii 183H, waagaa oo ahaa xukunkii Haruun Al Raashiid. Sheekhaas ayuu ina Hishaam ka weriyay kitaabkiisa taariikhda Rasuulka (Al Siiraha Al Nabawiyah).

Taariikhda Rasuulka (CSW) ina Isxaaq ayuu ina Hishaam ku daray arrimo badan oo uu macallimiintiisii ka helay oo ina Isxaaq seegay, waxyaalo badan oo aan isaga la toosnayna wuu ka saaray, meelaha qaarkoodna wuu soo gaabiyay, meelo kala dhinnaana wuu dhamaystiray.

Habka uu ina Hishaam u qoray kitaabkiisa waxa laga garanayaa hordhacan uu ku bilaabay: "Anigu haddii Alle idmo waxaan kitaabkan ku bilaabayaa Nebi Ismaaciil ina Nebi Ibraahim iyo Cidii Rasuulku ka tafiirmay iyo abtirsiintooda ilaa aan Ismaacil gaadhsiiyo. Waxaan iska dhaafi doonaa carruurtii kale ee ilma Ismaaciil soo gaabin darteed, waxyaalo ina Isxaaq sheegay oon Rasuulka xadhiidh la lahayn ama aan Quraanka ku caddayna waan dhaafayaa waayo taariikhda Rasuulka xidhiidh lama laha. Waxa kale oon Dhaafi doonaa gabayo badan oo ina Isxaaq sheegay oo aanan helin cid kale oo ahlu cilmi ah oo garata, qarkoodna maba habboona, qaarkoodna dad ayay wax u dhiimayaan, qaarkoodna Al Bakaal'i nooca caddayn. Wixii aan intaas ahayn waan qeexi doonaa si loo ogaado".

Sidaa darteed ayuu kitaabka ina Hishaam u noqday unugyada iyo asaaska ugu kalsoonida badan ee loo cuskado taariikhda Rasuulka, CSW). Kitaabkanu aad buu dadka ugu fiday, waxaana la gaadhay heer magaca ina Hishaam lagu ladho kitaabkan oo la yidhaahdo: Taariikhdii Ina Hishaam (Siiratu Ibnu Hishaam).

Waxa kitaabkan sharxay laba caalim oo reer Andalus ah: Al Suhayli (508-581H) iyo Al Khashni (535-604H). Ina Hishaam wuxuu geeriyooday sannadkii 213H. Waxa kale oo ka mid ah kutubta dagaallada kitaabka Al Waaqidi (oo Geeriyooday 207H) iyo kuwo kale. Kolkii hore taariikhda dagaallada waxa baxay culimo ururisa oo habaysa. Markii kuwii dambe heleen wixii kuwii hore ururiyeen, waxa soo baxay in wax la kala shaandheeyo sida ina Hishaam u galay Taariikhda Rasuulka ee ina Isxaaq.

Asalka Afraad: Kutubta Taariikhda:- Asalka afraad waa kutubta taariikhda oo had iyo goor lagu bilaabo Tariikhda Rasuulka (CSW) (Al Siiraha Al Nabawiyah). Ta u kalsooni badan una saxsan una dheeri waa Dabaqadaha ina Sacad, iyo Taariikhda Rususha iyo Boqorrada ee uu qoray Imaam Abuu Jacfar Al Dabari, iyo Taariikhda yar iyo Taariikhda weyn ee uu qoray Muxammad ina Ismaaciil Al Bukhaari, Taariikhda ina Xayaan, iyo Taariikhda ina Abii Khayrthama Al Baqdaadi (Oo dhintay 299H) iyo kuwo kale.

Asalka Shanaad: Kutubta Mucjisooyinka Rasuulka:- Waxa ka mid ah kutubtan kitaabka Markhaatiga Nebinimada ee uu qora ina Isxaaq ( oo dhintay 255H), iyo kitaabka Markhaatiga Nebinimada ee uu qoray ina Qutayba (oo dhintay 276H), iyo kitaabka Markhaatiga Nebinimada ee uu qoray Imaam Al bayhaqi ( oo dhintay 430H), iyo kitaabka Markhaatiga Nebinimada ee uu qoray Al Mustaqfiri (oo dhintay 433H), iyo kitaabka Markhaatiga nebinimada ee uu qoray Abuu Qaasim Ismaaciil Al Asfahaani (oo dhintay 535H), Kitaabka u weyn uguna sahlani waa ka la yidhaa Arrimaha Gaarka ah ee Waaweyn ee uu qoray Al Jalaal Al Suyuudi) oo dhintay 911H).

 
set as your home page

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008-2009 Al Hidaaya.info