Home
Q-Ramadaanta

   Barashada Quraanka

  Maxamed Sidiiq Al-Mashaawi
1.Jus Qadsamic
2.Jus Qadsamic
3.Jus Tabaarik
4.Jus Tabaarik
5.Jus Camma
6.Jus Camma
Maxamuud Khaliil Xusari
1.Jus Daariyaat
2.Jus Daariyaat
3.Jus Daariyaat
4.Jus Qadsamic
5.Jus Qadsamic
6.Jus Qadsamic
7.Jus Tabaarik
8.Jus Tabaarik
9.Jus Tabaarik
10.Jus Camma
11.Jus Camma
12.Jus Camma

   Su'aalo iyo Jawaabo

   Sh. Maxamed Cumar Dirir
1. Su'aalo iyo Jawaabo
2. Su'aalo iyo Jawaabo
3. Su'aalo iyo Jawaabo
4. Su'aalo iyo Jawaabo
5. Su'aalo iyo Jawaabo
6. Su'aalo iyo Jawaabo
7. Su'aalo iyo Jawaabo
8. Su'aalo iyo Jawaabo
9. Su'aalo iyo Jawaabo
10. Su'aalo iyo Jawaabo

Codayn

Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

   Islamic Links

Altaqwaa
Aflax.Net
Anasheed
Waaniye
Muslim Kids Tajweed
Sh. Abdirashiid
Daarul Xadiith
Duruus
Golaha Imamyada
Tawfiiq Masjid
Masjid Shaafici
Boqolsoon
Khalid Masjid
Somalisunah
Qardhaawi

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
Hordhaca Muxammad Cafiif Zufiif Zucbi ( oo ah ninka soo koobay kitaabkan) Print E-mail
Sunday, 03 February 2008

Taariikhdii Rasuulka : Qore Ina Hishaam

Illaahay ayaa mahad leh, nabadgelyo iyo naxariisina ha ahaato Rasuulkii Muxammad korkiisa, kii akhlaaqda wanaagsnaaa. Intaa ka dib, tariikhda Rasuulku, waa mid dhan oo koobeysa marxaladihii kala duwanaa ee noloshiisa oo dhan, si ay u noqoto mid ay ku daydaan kuwii raacay.

Waxaynu ognahay qof kasta noloshiisa, in kasta ooy taariikhdu sugto, oo laga weriyo dad lagu kalsoon yahay, haddana dadku kuma dayan karo haddaanu ahayn mid ku sifooba dhammi aan dhinnana lahayn. Qofna ceeb iyo gaf kama reebbanaan karo haddan noloshiisa oo dhan dadku wada ogeyn oon laga dheregsaneyn horrayso iyo dambayso. Nolosha Muxammadna (Nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato e) waa tu ay wada ogaayeen kuwii la noolaa, taariikhduna u xafidday kuwii ka dambeeyay, ammaanadaas culusina waa tu la ilaaliyay oon lumin ama aanu wakhtigu illaabin. Waa mid kuwii ka dambeeyeyba u ilaaliyeen ee ay u qaybeen hadalkii Rasuulka (CSW) iyo werinta xadiiskiisa. Taasi waxay keentay in aanay lumin ama shaki gelin dhacdooyinkii la soo maray.

Noloshii Rasuulka (CSW) oo dhan ka soo bilowgii dhalashadiisi, carruurnimadiisii iyo barbaarkiisii waa kuwo la wada ogyahay oon qarsoonayn. Taariikhdu waxay sheegtay inuu ka shaqeeyay ganacsi (Baayac Mushtar), siduu u guursaday, dabeecaddiisa, runtiisa, iyo ballan oofintiisa iyo sida ay Qureeshi u aamintay ee ay uga raalli noqdeen inuu kala xukumo markii ay isku khilaafeen dhigista Dhagaxa Madow (Xajarul Aswad) intii aan laba soo dirin: iyo siduu ilaahay u jecleysiiyay goonida  isaga oo tegi jiray Godka Xiraa, iyo siduu waxyigu ugu soo degay iyo siduu Islaamka u fidiyay markii la faray inuu dadka gaadhsiiyo wixii Alle ku soo dejiyay.

Taariikhdu way qortay sidii loo beeniyay ee loo canaaday, warqadihii uu u qoray boqorrada iyo madaxda adduunka, isagoo Ilaahay ugu yeedhaya. Waa la ogyahay Jihaadkii uu xaqa ku jihaaday, iyo wixii dhib ku soo maray fidinta Islaamka, ilaa Ilaahay u dhammeeyay dadka Diinta, oo uu soo xajay Rasuulku (CSW), ka dibna uu geeriyooday.

Wax kasta oo Rasuulka (Nabad gelyo iyo naxariisi korkiis ah ahaato e) laga sheegay ama run ha ahaado ama been ha ahaado e, waa la ogyahay, waxa la qoray kutub badan oo hab lagu kala garto runta iyo beenta leh, waxay ka tageen oo aanay sheegini ma jiro. Xataa waxay sifeeyeen siduu u kaco, siduu u fadhiisto, siduu u qoslo, siduu ilaahay u caabudo habeen iyo maalin. Arrin Rasuulka (CSW) ku saabsan oo qarsooni ma jiro. Hadduu gurigiisa oo galo, reerkiisa iyo ubadkiisa iyo ehelkiisa ayaa u fiirsada xarakaadkiisa. Hadduu debadda u baxana Asxaabtiisa ayaa indhaha ku haysa, taasuna waa mid la ogyahay oon dabool saarnayn.

Nin kasta oo haybad lihi marka uu gurigiisa ku soo noqdo, dadka uun buu ka mid yahay. Rasuulku-se meel walba haybad ayuu ku lahaa. Gurigiisa waxa soo galay sagaal haween ah. Mid kasta waxa u fasax ahayd inay Rasuulka (CSW) waxay kaga aragto guriga dhexdiisa dadka dhexdiisa ka sheegto. Ma aynaan maqal qof kale oo kalsoonida intaa le'eg naftiisa ku qaba. Isaguse wuxuu ogyahay inuu xumaan ka reebban yahay.

Akhlaaq wanaagga iyo aqoon badnida iyo nafta saamaxa badan ee kutubta xadiiska ka buuxda, uma qirayaan oo keli ah Asxaabtiisu, waayo afartan sano ayuu Makka ku noolaa intii aan la soo dirin. Wuxu afartan kaa sanno ku dhex noolaa oo uu la dhaqnaa mushrikiintii Qureesh oo uu la macaamili jiray. ha noqoto ganacsi ama ammuuraha nolosha ee kala duwan. Muddadaasi way ku filantahay in lagu barto qofka akhlaaqdiisa, xumihiisa iyo samihiisa, waayo waxa la soo maray marxalado badan oo kala duwan oo dhibaatooyin badan leh oo muujin kara khiyaanada, xoolo baadil lagu cuno, ballan la baajiyo, dad la dhaco, miisana wax lagu xado, iyo waxii la mid ah.

Nebi Muxammad (CSW) arrimaha wuu ka sabato baxay, oo kuma dhicin waxyaalo dad badani ka gudbi waayeen. Mar kasta wuxuu ahaa mid ilaahay xusaya, habeen iyo maalin, hadduu wax cunayo wuxuu ku bilaabaa "Bismillaah", hadduu dhammaysto Illaahay ayuu u mahad celiyaa, hadduu cid la fadhiisto majlis, Ilaahay ayuu xasuusiyaa, hadduu seexanayo Ilaahay ayuu xusaa isagoo sheegaya nicmooyinka Ilaahay. Wuxuu ahaa, nabadgelyo iyo naxariiski korkiisa ha ahaato e, mid samir badan oon kibir ku jirin, oo geesinimo badan , oon kolkuu gacanta sare leeyahay naftiisa u aar gudan, Ilaahay dartii mooyaane.

Dugsiyada aqoontu waa laba qaybood: Qayb aqoonaha kala duwan laga barto, sida dhakhtarnimada, injineernimada, ganacsiga iyo kuwa aqoonahaa oo dhan kooba. Dugsiga Nebi Muxammad (CSW) wuxuu ahaa ku aqoonaha oo dhan dadka baraya, in kasta oo ay kala duwanaayeen jinsigoodu, afkoodu, midabkoodu, iyo tacliintoodii hore. Waxa ka soo baxay madrasaddaas: hoggaamiyeyaash ciidanka, qaaddiyada Maxkamadaha, maamuleyaasha magaalooyinka iyo degmooyinka, culimada diinta iyo kuwo saahiday oo guri ay u hoydaan iyo adduun midna lahayn ee masjidka seexda.

Waa kuwaas kor ku xusan nimanka xafiday taariikhda ee u soo gudbiyay kuwii ka dambeeyay, oo iyana qoray: kuwaas oo la yidhaah weriyeyaasha xadiiska, iyaguna dabaqado kala dambeeya ayay kala lahaayeen: Asxaabtii Nebiga raacday, kuwii Asxaabta raacay, kuwii sii raacay.

Markii qarnigii (Boqol guuradii) Afraad la soo gaadhay ee ay dhammays tirantay kutubtaas taariikhda ahi, ururin iyo qorisba, ayaa la bilaabay in la qoro taariikhda culimadaas werisay ee ahayd Asxaabtii ama kuwii asxaabta raacay iyo kuwii ka dambeeyayba ee qoray wixii la xidhiidhay noloshii Rasuulka. Waxay qoreen magacyadooda, naanaystooda, abtirsiintooda, akhlaaqdooda, caadooyinkooda. Waxay koobeen wax kasta oo noloshooda ku saabsan, ilaa uu kaasu noqday cilmi sidiisa u madax bannaan. Haddaynu u fiirsano goorta ay dhinteen, waxaynu ogaanaynaa in Alle cumriyadooda dheereeyay, si dad badani ula kulmaan oo xadiiska uga weriyaan.

 
set as your home page

Tafsiirka Quraanka

Sh. Maxamed Sh.Cumar Dirir
Sh. Cismaan Cali Xuseen
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Maxamed Cabdi Umal

Arbiciin

Sh.Maxamed  Ismaaciil

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Arbiciin

Sh.Cumar Faaruuq

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Casharka 4aad
Casharka 5aad
Casharka 6aad
Casharka 7aad
Casharka 8aad
Casharka 9aad
Casharka 10aad
Casharka 11aad
Casharka 12aad
Casharka 13aad

Muxaadaro Cusub

Maxamed Cumar Dirir

  Doorashada Saaxiibka Wanaagsan

Sh. Almis  Sh. Yaxye

Kibirka Iyo Isla Weynida

Sh.Ina Cali Gadhle

Qaybo ka mid ah Iimaanka

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008 Al Hidaaya.info