Home
Q-Ramadaanta

   Barashada Quraanka

  Maxamed Sidiiq Al-Mashaawi
1.Jus Qadsamic
2.Jus Qadsamic
3.Jus Tabaarik
4.Jus Tabaarik
5.Jus Camma
6.Jus Camma
Maxamuud Khaliil Xusari
1.Jus Daariyaat
2.Jus Daariyaat
3.Jus Daariyaat
4.Jus Qadsamic
5.Jus Qadsamic
6.Jus Qadsamic
7.Jus Tabaarik
8.Jus Tabaarik
9.Jus Tabaarik
10.Jus Camma
11.Jus Camma
12.Jus Camma

   Su'aalo iyo Jawaabo

   Sh. Maxamed Cumar Dirir
1. Su'aalo iyo Jawaabo
2. Su'aalo iyo Jawaabo
3. Su'aalo iyo Jawaabo
4. Su'aalo iyo Jawaabo
5. Su'aalo iyo Jawaabo
6. Su'aalo iyo Jawaabo
7. Su'aalo iyo Jawaabo
8. Su'aalo iyo Jawaabo
9. Su'aalo iyo Jawaabo
10. Su'aalo iyo Jawaabo

Codayn

Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

   Islamic Links

Altaqwaa
Aflax.Net
Anasheed
Waaniye
Muslim Kids Tajweed
Sh. Abdirashiid
Daarul Xadiith
Duruus
Golaha Imamyada
Tawfiiq Masjid
Masjid Shaafici
Boqolsoon
Khalid Masjid
Somalisunah
Qardhaawi

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
Hordhaca Turjumaha Print E-mail
Sunday, 03 February 2008

Hordhac

Mahad Allaa iska leh, Allaah weyn oo waaxid ah, Allaha Jinka iyo Insiga, Allaah Samooyinka iyo Dhulka: Nabad gelyo iyo Naxariisina ha ahaato korka Rasuulkeena Muxammad, oo ah ka ugu fadliga badan makhluuqaadka.

Waxa uu Alle Quraanka ku yidhi: "Waxa idiinku sugan Rasuulka Ilaahay ku dayasho wanaagsan, kuwa rajeynaya Alle iyo Maalinta Aakhiro, ee Ilaahay in badan xusuusta" {Al Axzaab-21}. Waxay ahayd Akhlaaqdiisu ta Quraanka. Ujeeddadu waxa weeye: Sida Alle yidhi ee Quraanku sheegay ayuu dhaqankiisu ahaa.

Haddaba qofka doonaya inuu nabadgalo Aduunka iyo Aakhiroba, waa inuu raacaa oo ku daydaa Nebi Maxamed (CSW) waayo waxa laga helayaa noloshiisa iyo taariikhdiisa hanuun iyo nuur dhinac kasta oo ka mid ah dhinacyada nolosha, ha ahaato xagga siyaasadda, dhinaca xukunka iyo maamulka, maalka (Xoolaha), ganacsiga, dhaqaalaha, bulshada, xidhiidhka ummadaha, akhlaaqda. Muslimiintu maanta waxa ay moodaan in cisi iyo horumar iyo liibaani ku jiraan waddada ay hayaan cadowgoodu, kuwaas oo ay isku dayaan inay tallaabo tallaabo iyo taako taako ula socdaan hab dhaqankooda nololeed.

Ilaahay (SW) wuxuu siiyay Rasuulkeena (Nabad gelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaato e), Shafeeco qaad iyo darajo sare, jacayl kiisuna wuxu dadka u hoggaaminayaa jacaylka Ilaahay, sida Quraanku Sheegay "Waxaad tidhaa haddaad tihiin kuwa Illaahay jecel, I raaca ha idin jeclaado Ilaahay e, hana idiin dhaafo dembigiinna e, Illaahayna waa dembi dhaafe naxariista" {Cimraan-31}

Hordhaca Turjumaha

Qoraalkaan Siirada Rasuulka (CSW) inta badan waxa aanu si toos ah uga soo qornay ugana soo qaadanay Kutubka Taariikhdii Rasuulka ee uu Turjumay Af Soomaali Enj. Aadan C. Faarax, kutubkaas oo ah mid uu soo gaabiyay Turjumuhu. Isla markaana waxaanu doorbiday in aanu Kutubkaa Xuquuqda Turjumada uu leeyahay Eng. Aadan C. Faarax aanu dib u qorno oo aanu wixii taariikhda rasuulka ee aan ku jirin aanu ku soo darno, isla markaas taariikhdaa rasuulka aanu ka soo turjumi doono wixii uu walaalkeen ka tagay website ka http://sirah.al-islam.com/tree.asp?ID=1&t=book1 ee Taariikhdii Rasuulka ee uu qoray Ina Hishaam.

Waxaanu anagoo kala ah Qoraaga weyn C/fataax Xasan Aadan (Hargeysawi) iyo Axmed Ismaaciil Xasan (Bucul) aanu yeelan doona xuquuda qorista iyo turjumadi qoraalo ka mid noqon doono Siirada Rasuulka (CSW), maadama aanu wixii khalad ah ee qoraalkan ku jiray aanu sixi doono kuna soo dari doono dhacdooyin ama taariikhyo kale aan ku qornayn kutubkan.

Hordhaca Turjumaha Enj. Aadan C. Faarax ugu horeyn waxa uu hadalkiisi ku bilaabay:- Ka dib, markii aan ogaaday baahida Soomaalidu u qabto barashada iyo aqoon korodhsiga Diinta iyo Taariikhda Islaamka, iyo yarida Kutub ku qoran Af Soomaali, een arkay in aanay Soomaalida Badankeedu afaf kale aqoon, ayay igu dhalatay in aan turjumo qaar ka mid ah kutubta faraha badan ee ku qoran Afka Carabiga.

Sidaa darteed waxay ila noqotay inaan ku bilaabo taariikhda Islaamka iyo noloshii Rasuulka iyo Asxaabtiisii. Dhacdooyinkii uu Rasuulku soo maray waxa ugu muhiim-sanaa: baaqii Makka gudaheeda, U-Haajirkii xagga Madiina, Dawladdii Islaamka ee Madiina ka hana qaadday, iyo Dagaalladii ay muslminitu la galeen Kufaarta/ Mushrikiinta, Yuhuudda iyo qabaa'ilkii carbeed ee jahliga ku noolaa, Furitaankii Makka iyo siduu dadku Islaamka u soo galay iyaga oo koox koox ah.

Kitaabkan waxa la yidhaa "Taariikhdii Rasuulka oo Ina Hishaam Soo Gaabiyay" : Qore Cabdul Malik ina Hishaam oo dhintay 213 H- Waxa diyaariyay Muxammad Cafiif Zucbi.

Kitaabkani waa mid aan dherer lagu daalo, iyo gaabin dhacdooyinka muhimka ah ka tagta midna lahayn. Waxa loogu talo galay inuu kitaabkani noqdo mid kooban, hase ahaatee fikrad wanaagsan qofka ka siiya taariikhda Islaamka iyo loollanka xaqa iyo baadilka oo ah mid an weligiiba joogsanayn e soconaya ilaa Qiyaamaha.

Waa Kitaabkan laga helayaa dhacdooyinka kale ah

1. Dhalashadii iyo Barbaarintii Nebi Muxammad (CSW)

2. Soo Dejintii Waxyiga

3. Baaqii Maka Gudaheeda

4. U Haajirkii Xaga Madiina

5. Dawladdii Islaamka ee Madiina ka Hana Qaaday

6. Dagaalladii Kufaarta iyo muslimiinta Dhex Maray

7. Furitaankii Makka

8. Sidii Dadku Islaamka u soo Galay

9. Dhimashadii Rasuulka (Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaato e)

Waxanau anagoo kala ah Qoraaga weyn ee C/fataax Xasan Aadan (Hargeysawi) iyo Axmed Ismaaciil Xasan (Bucul) aanu la wadaagayna Enj. Aadan C. Faarax, walaalka Turjumaday qorayna kutubka Taariikhdii Rasuulka (CSW) Hadaladan:-

"Alle ayaan talo saaranayaa, isaga ayaan waafajin ka baryayaa, wanaag doon ayaan ahay intaan karo. Waxaan Alle ka rajeynayaa inuu abaal wanaagsan oo la iigu daro xasanaad kayga iga siiyo hawshan. Anigu kartidaydii dadaalay, toosinta iyo taladana ma diido.

Wixii qalad ah ama gaf ah ee laga helo kitaabkan ama qoraalkan waa naftayda iyo sheydaanka. Diinta Islaamka iyo Nebi Muxammad looma aanayn karo. Wixii sax ah ee toosani waa waafajinta iyo Ilhaamka Alle. Allahayow ha nagu ciqaabin gafka aanu samayno ama illowga, , illaahow dembigayaga iyo ka waalidkayo ka muslimiintaba dhaaf Aamiin"

 
set as your home page

Tafsiirka Quraanka

Sh. Maxamed Sh.Cumar Dirir
Sh. Cismaan Cali Xuseen
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Maxamed Cabdi Umal

Arbiciin

Sh.Maxamed  Ismaaciil

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Arbiciin

Sh.Cumar Faaruuq

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Casharka 4aad
Casharka 5aad
Casharka 6aad
Casharka 7aad
Casharka 8aad
Casharka 9aad
Casharka 10aad
Casharka 11aad
Casharka 12aad
Casharka 13aad

Muxaadaro Cusub

Maxamed Cumar Dirir

  Doorashada Saaxiibka Wanaagsan

Sh. Almis  Sh. Yaxye

Kibirka Iyo Isla Weynida

Sh.Ina Cali Gadhle

Qaybo ka mid ah Iimaanka

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008 Al Hidaaya.info