|
Hordhac Mahad Allaa iska leh, Allaah weyn oo waaxid ah, Allaha Jinka iyo Insiga, Allaah Samooyinka iyo Dhulka: Nabad gelyo iyo Naxariisina ha ahaato korka Rasuulkeena Muxammad, oo ah ka ugu fadliga badan makhluuqaadka. Waxa uu Alle Quraanka ku yidhi: "Waxa idiinku sugan Rasuulka Ilaahay ku dayasho wanaagsan, kuwa rajeynaya Alle iyo Maalinta Aakhiro, ee Ilaahay in badan xusuusta" {Al Axzaab-21}. Waxay ahayd Akhlaaqdiisu ta Quraanka. Ujeeddadu waxa weeye: Sida Alle yidhi ee Quraanku sheegay ayuu dhaqankiisu ahaa. Haddaba qofka doonaya inuu nabadgalo Aduunka iyo Aakhiroba, waa inuu raacaa oo ku daydaa Nebi Maxamed (CSW) waayo waxa laga helayaa noloshiisa iyo taariikhdiisa hanuun iyo nuur dhinac kasta oo ka mid ah dhinacyada nolosha, ha ahaato xagga siyaasadda, dhinaca xukunka iyo maamulka, maalka (Xoolaha), ganacsiga, dhaqaalaha, bulshada, xidhiidhka ummadaha, akhlaaqda. Muslimiintu maanta waxa ay moodaan in cisi iyo horumar iyo liibaani ku jiraan waddada ay hayaan cadowgoodu, kuwaas oo ay isku dayaan inay tallaabo tallaabo iyo taako taako ula socdaan hab dhaqankooda nololeed. Ilaahay (SW) wuxuu siiyay Rasuulkeena (Nabad gelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaato e), Shafeeco qaad iyo darajo sare, jacayl kiisuna wuxu dadka u hoggaaminayaa jacaylka Ilaahay, sida Quraanku Sheegay "Waxaad tidhaa haddaad tihiin kuwa Illaahay jecel, I raaca ha idin jeclaado Ilaahay e, hana idiin dhaafo dembigiinna e, Illaahayna waa dembi dhaafe naxariista" {Cimraan-31} Hordhaca Turjumaha Qoraalkaan Siirada Rasuulka (CSW) inta badan waxa aanu si toos ah uga soo qornay ugana soo qaadanay Kutubka Taariikhdii Rasuulka ee uu Turjumay Af Soomaali Enj. Aadan C. Faarax, kutubkaas oo ah mid uu soo gaabiyay Turjumuhu. Isla markaana waxaanu doorbiday in aanu Kutubkaa Xuquuqda Turjumada uu leeyahay Eng. Aadan C. Faarax aanu dib u qorno oo aanu wixii taariikhda rasuulka ee aan ku jirin aanu ku soo darno, isla markaas taariikhdaa rasuulka aanu ka soo turjumi doono wixii uu walaalkeen ka tagay website ka http://sirah.al-islam.com/tree.asp?ID=1&t=book1 ee Taariikhdii Rasuulka ee uu qoray Ina Hishaam. Waxaanu anagoo kala ah Qoraaga weyn C/fataax Xasan Aadan (Hargeysawi) iyo Axmed Ismaaciil Xasan (Bucul) aanu yeelan doona xuquuda qorista iyo turjumadi qoraalo ka mid noqon doono Siirada Rasuulka (CSW), maadama aanu wixii khalad ah ee qoraalkan ku jiray aanu sixi doono kuna soo dari doono dhacdooyin ama taariikhyo kale aan ku qornayn kutubkan. Hordhaca Turjumaha Enj. Aadan C. Faarax ugu horeyn waxa uu hadalkiisi ku bilaabay:- Ka dib, markii aan ogaaday baahida Soomaalidu u qabto barashada iyo aqoon korodhsiga Diinta iyo Taariikhda Islaamka, iyo yarida Kutub ku qoran Af Soomaali, een arkay in aanay Soomaalida Badankeedu afaf kale aqoon, ayay igu dhalatay in aan turjumo qaar ka mid ah kutubta faraha badan ee ku qoran Afka Carabiga. Sidaa darteed waxay ila noqotay inaan ku bilaabo taariikhda Islaamka iyo noloshii Rasuulka iyo Asxaabtiisii. Dhacdooyinkii uu Rasuulku soo maray waxa ugu muhiim-sanaa: baaqii Makka gudaheeda, U-Haajirkii xagga Madiina, Dawladdii Islaamka ee Madiina ka hana qaadday, iyo Dagaalladii ay muslminitu la galeen Kufaarta/ Mushrikiinta, Yuhuudda iyo qabaa'ilkii carbeed ee jahliga ku noolaa, Furitaankii Makka iyo siduu dadku Islaamka u soo galay iyaga oo koox koox ah. Kitaabkan waxa la yidhaa "Taariikhdii Rasuulka oo Ina Hishaam Soo Gaabiyay" : Qore Cabdul Malik ina Hishaam oo dhintay 213 H- Waxa diyaariyay Muxammad Cafiif Zucbi. Kitaabkani waa mid aan dherer lagu daalo, iyo gaabin dhacdooyinka muhimka ah ka tagta midna lahayn. Waxa loogu talo galay inuu kitaabkani noqdo mid kooban, hase ahaatee fikrad wanaagsan qofka ka siiya taariikhda Islaamka iyo loollanka xaqa iyo baadilka oo ah mid an weligiiba joogsanayn e soconaya ilaa Qiyaamaha. Waa Kitaabkan laga helayaa dhacdooyinka kale ah 1. Dhalashadii iyo Barbaarintii Nebi Muxammad (CSW) 2. Soo Dejintii Waxyiga 3. Baaqii Maka Gudaheeda 4. U Haajirkii Xaga Madiina 5. Dawladdii Islaamka ee Madiina ka Hana Qaaday 6. Dagaalladii Kufaarta iyo muslimiinta Dhex Maray 7. Furitaankii Makka 8. Sidii Dadku Islaamka u soo Galay 9. Dhimashadii Rasuulka (Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaato e) Waxanau anagoo kala ah Qoraaga weyn ee C/fataax Xasan Aadan (Hargeysawi) iyo Axmed Ismaaciil Xasan (Bucul) aanu la wadaagayna Enj. Aadan C. Faarax, walaalka Turjumaday qorayna kutubka Taariikhdii Rasuulka (CSW) Hadaladan:- "Alle ayaan talo saaranayaa, isaga ayaan waafajin ka baryayaa, wanaag doon ayaan ahay intaan karo. Waxaan Alle ka rajeynayaa inuu abaal wanaagsan oo la iigu daro xasanaad kayga iga siiyo hawshan. Anigu kartidaydii dadaalay, toosinta iyo taladana ma diido. Wixii qalad ah ama gaf ah ee laga helo kitaabkan ama qoraalkan waa naftayda iyo sheydaanka. Diinta Islaamka iyo Nebi Muxammad looma aanayn karo. Wixii sax ah ee toosani waa waafajinta iyo Ilhaamka Alle. Allahayow ha nagu ciqaabin gafka aanu samayno ama illowga, , illaahow dembigayaga iyo ka waalidkayo ka muslimiintaba dhaaf Aamiin" |