Home

 Tafsiir Taxane Ah

   Sh. Maxamed Cumar Dirir

Halkan kala soco todobaad walba Tafsiirka Dheer ee Sh.Maxamed Sh.Cumar Dirir ka wado magaalada Hargeysa. Tafsiirkaas oo sheekhu dhigo Sadexda Cisho ee Sabtida, Axada iyo Isniinta

Ibraahim 1-14realplayerMP3

Ibraahim15-30realplayerMP3

Ibraahim31-52realplayerMP3

   Barashada Quraanka

  Maxamed Sidiiq Al-Mashaawi
1.Jus Qadsamic
2.Jus Qadsamic
3.Jus Tabaarik
4.Jus Tabaarik
5.Jus Camma
6.Jus Camma
Maxamuud Khaliil Xusari
1.Jus Daariyaat
2.Jus Daariyaat
3.Jus Daariyaat
4.Jus Qadsamic
5.Jus Qadsamic
6.Jus Qadsamic
7.Jus Tabaarik
8.Jus Tabaarik
9.Jus Tabaarik
10.Jus Camma
11.Jus Camma
12.Jus Camma

   Su'aalo iyo Jawaabo

   Sh. Maxamed Cumar Dirir
1. Su'aalo iyo Jawaabo
2. Su'aalo iyo Jawaabo
3. Su'aalo iyo Jawaabo
4. Su'aalo iyo Jawaabo
5. Su'aalo iyo Jawaabo
6. Su'aalo iyo Jawaabo
7. Su'aalo iyo Jawaabo
8. Su'aalo iyo Jawaabo
9. Su'aalo iyo Jawaabo
10. Su'aalo iyo Jawaabo

Who's Online

We have 30 guests online

Codayn

Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

   Islamic Links

Altaqwaa
Aflax.Net
Anasheed
Waaniye
Muslim Kids Tajweed
Sh. Abdirashiid
Daarul Xadiith
Duruus
Golaha Imamyada
Tawfiiq Masjid
Masjid Shaafici
Boqolsoon
Khalid Masjid
Somalisunah
Qardhaawi

Login Form

Buuga Shakhsiyadda Muslimka Ah Qaybtiisa 5aad Print E-mail
Saturday, 02 February 2008

Nadaafada Jidhka iyo Dharka :Waxa la doonayaa qofka muslimka ahi in uu ahaado qof nadaafad badan dharkiisa iyo jidhkiisuba, Nebigu (CSW) waxa uu amray Muslimiinta in ay ku dadaalaan nadaafacada iyo maydhashada gaar ahaan jimcaha (Maydha maalinta Jimcaha ah, madaxiina maydha haddii aydaan jinaabaysnayn, cadarna marsada) Bukhaari. Sidoo kale Abu Hureera (RC) waxa uu Nebiga (CSW) ka soo weriyay (Waxa ku waajib ah qofka muslimka in uu maydho todobaadkiiba mar, in uu maydho jidhkiisa iyo madaxiisa) Mutafaq.

Qofka Muslimka ahi ee Jidhkiisa iyo dharkiisuba nadiifta yihiin maaha in kabihiisa iyo sharabaadadisa ay uraan, waa in aanay urun oo uu cadarna isticmaalo. Nebigu (CSW) waxa uu diiday in qofka muslimka ah la arko maryihiisa oo iskag leh isagoo maydhi kara, waxayna uu ina armay in qofka muslimka ahi uu ahaado qof nadaafad badan muuqaalkiisuna uu noqdo mid indha soo jiita. Anis Binu Maalik (RC) ayaa yidhi:- "Weligay maan urunin Cadar iyo Miski ama shay ka gudgoon urta Nebiga (CSW)

Xadiisyada ka waramaya nadaafada jidhka iyo dharka Rasuulka (CSW) aad ayay u faro badan yihiin waxaana ka mid ah (Halka uu Nebigu (CSW) maalin uu fadhiisto waxa laga urinjiray udgoon, Ilma Yar oo Nebigu gacantiisa uu madaxiisa ka saarayna waxa laga dhex garanaayay caruurta kale ugdoon awgii) Abu Daa'uud.

Bukhaari waxa uu soo weriyay Nebigu (CSW) (In marka uu dariiq marayo ee cidi raacdo, qofka raacay waa la garan jiray in uu Nebigu Raacay urtiisa awgeed)

 Nebigu (CSW) maalin ayuu seexday daarta Anas Binu Maalik waana uu dhididay, Anas hooyadii waxay soo qaadatay quraarad waxayna ku aruurisay Dhididkii Nebiga (CSW), Nebiguna wuu waydiyay arrinkaa waxayna ku tidhi:- "Kaasi waa Dhididkaagi waxaana ka dhiganaynaa Cadar waana Cadarka ugu wanaagsan") Muslim.

Hanuunka Rasuulka (CSW) waxa ka mid ah ilaalinta timaha, nadiifintooda iyo qurxintooda. Abu Hureera (RC) waxa uu Nebiga ka soo weriyay in uu yidhi: (Qofkii timo leh waa in uu Timihiisa Hagaajiyaa) Muslim. Sidoo Kale Nebigu (CSW) waxa uu diiday Timaha Raamah ah ee uskaga leh oo aadna u fooshaxum ee aad moodana shaydaan.

Nebigu (CSW) (Isagoo Masaajid ku jira ayuu u soo galay nin Timuhu ay ku baxeen, Nebigu wuu tilmaamay waxaana uu amray in uu timaha iyo gadhkaba iska hagaajiyo, sidii ayuuna yeelay waana uu soo noqday, Nebigu (CSW) waxa uu yidhi:- Miyaanay sidani ka khayr badnayn in uu midkiin yimaado kiiyo raamo leh oo aad moodo shaydaan)

Haybada Wanaagsan:- Qofka Muslimka ahi marka uu xidha dhar nadiif ah, taasi waxay ku tusaysaa haybadiisa wanaagsan iyo muuqaalkiisa, taas oo soo jiidasho leh dadkuna ay kaga dayanayaan. Is qurxintan noocan ahi waa mid dhex dhexaad ah sida diinta islaamku ina farayso.  Aragtida noocan ahi waa mid dhex dhexad ah mana aha ka badbadin iyo wax ka dhimid toona "Kuwa marka ay wax bixinayaan aan daadaadin ee aan xad gudbin ee labadaa dhexdooda ku toosnaada" {Furqaan 68}

Waxa laga doonayaa dadka islaamka ah iyo daaciyiinta gaar ahaan in ay dhex galaan ummada, iyagoo leh aragti dadka soo jiita, is aanay u noqon kuwa magaca islaamka khariba oo fool xun. Nebigu (CSW) waxa uu ahaa kuwa aan adduunyadu qiimo aanay la lahayn Sayidkooga, hadana waxa uu xidhan jiray dhar qurux badan, ehelkiisa iyo asxaabtiisana waxa uu amri jiray in ay is qurxiyaan. Waxa aad ka arkaysa quruxdan iyo wanaagsani in ay tahay muujinta nimcada illaahay. (Ilaahay waxa uu jecel yahay in nimcadiisu ka muuqato adoomadiisa) Tarmiidi

Sida ku sugan Kitaabka Dabaqaatka Ibnu Sacad, Jedad ayaa Nebiga (CSW) ka soo weriyay:- "Nebigu waxa uu ahaa marka ay u yimaado wafti mid xidha dharkiisa ugu quruxda badan, asxaabtana waxa uu fari jiray sidaa, xaqiiqdii waxa aan arkay maalin Rasuulka (CSW) ay u yimaadeen wefti ah reer Kinda oo uu xidhnaa xulad qurux badan oo yamaani ah, Cali iyo Abu Bakar iyo Cumarna waxay ahaayeen sidaas oo kale"

Cumar Binu Khadaab (RC) waxa laga soo weriyay in uu yidhi:- (Waxaan arkay Rasuulkii illaahay oo qaatay dhar cusub, waana uu xidhay markii uu gashaday waxa uu yidhi "Waxa mahadleh ilaahi i huwiyay dhar aan cawradayda ku asturo kuna qurxiyo noloshayda) Tarqiib Watarhiid

C/raxmaan Binu Coof (RC) waxa uu xidhan jiray Macawiis ah shan boqol ama afar boqol oo dirham. Sidoo kale Ibnu Cabaas waxa uu dhar ku iibsaday 1000 Dirham waana uu xidhay.(Al Xulya)

Mar haddii ay is qurxintu tahay shay qaali ah, tahayna shay wanaagsan ee illaahay (SW) u baneeyay adoomadiisa una gaar yeelay "Bina'aadamow u qaata dharkiina quruxda badan masaajid kasta, cuna oo caba, hana daadaadinina, illaahay ma jecla kuwa wax daadaadiya, waxa aad tidhaa ka xaraantimeeyay quruxda illaahay u soo saaray adoomadiisa iyo wanaagyada uu ku arsaaqay, waxa tidhaah waxay u sugnaatay kuwa ku rumeeyay nolosheedi aduunyo maalinta qiyaamaha, sidaas ayaanu ugu kala saarnaa aayaadkayaga qoomka garanaya" {Suurat Al Caraaf 22-23}.

Ibnu Cabaas (RC) waxa laga soo weriyay in uu Nebigu (CSW) yidhi: (Janada ma gelayo ninka qalbigiisa ku jirto saxar wax leeg oo kibir ah, Waxa la yidhi ma ninka jecel baa in dharkiisa iyo kabihiisu ay qurux badnaadaan, Nebigu waxa uu yidhi: Illaahay wuu qurux badan yahay waxaana uu jecel yahay quruxda, kibirkana waa xaqa oo la iska weyneeyo iyo dadka oo la xaqiro) Muslim.

Imaam Abu Xaniifa, waxa uu ahaa nin haybad leh oo qurux badan kuna dadaala nadaafadiisa, sidoo kalena dadka waxa uu ku dhiiri gelin jiray nadaafada. Maalin ayuu la soo fadhiistay nin nadaafadiisu liidato waxaana uu siiyay kun dirham, isagoo u siiyay inuu dhar  siisto nadaafadiisana ku hagaajiyo. Ninkii waxa uu ku yidhi "anigu lacag waan haystaa umana baahni". Abu Xaniifa waxa uu ku yidhi "miyaanad maqal xadiiska Nebigu (CSW) yidhi (Ilaahay waxa uu jecel yahay in uu adoonkiisa ka arko raadka nimcadiisa), waxa kugu waajib ah in aad xaaladadan wax ka badasho".

Dadka daaciyiinta ahi waa in ay ahaadaan dad haybad leh oo muuqaalkoogu qurux badan yahay, isla markaana dad soo jiidasho leh si ay awood ugu yeeshaan kasbashada quluubta dadka ay dacwada gaadhsiinayaan, waayo iyagu waa dad ku dayasho mudan, sidaa awgeed waa in ay wanaaga muujiyaan. Hadaba ilaalinta quruxda illaahay siiyay Adoomadiisa waa mid ku waajib ah qof kasta oo caqligiisa iyo garashadiisu fayowdahay, ilaalinta muuqalkan islaamku inoo tilmaamay waa mid xadidan oo aan lahayn wax ka bad badin ah, sida ka dhacda meelaha la isku qurxiyo oo kale.

 

Tafsiirka Quraanka

Sh. Maxamed Sh.Cumar Dirir
Sh. Cismaan Cali Xuseen
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Maxamed Cabdi Umal

Arbiciin

Sh.Maxamed  Ismaaciil

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Arbiciin

Sh.Cumar Faaruuq

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Casharka 4aad
Casharka 5aad
Casharka 6aad
Casharka 7aad
Casharka 8aad
Casharka 9aad
Casharka 10aad
Casharka 11aad
Casharka 12aad
Casharka 13aad

Muxaadaro Cusub

Maxamed Cumar Dirir

  Doorashada Saaxiibka Wanaagsan

Sh. Almis  Sh. Yaxye

Kibirka Iyo Isla Weynida

Sh.Ina Cali Gadhle

Qaybo ka mid ah Iimaanka

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008 Al Hidaaya.info