We have 105 guests online
Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
Buuga Shakhsiyadda Muslimka ah Qaybtiisa 4aad Print E-mail
Saturday, 02 February 2008

Cibaada Illaahay (SW):-Qofka Muslimka ahi waxa uu si dhab ah u rumaysanyahay in sababta loo abuuray tahay in uu illaahay caabudo "Jinsiga iyo Insiga waxa kale umaanu abuuri in ay i caabudaan mooyane" {Suratu Al Daariyaat-56}

Cibaadadu waxay ku jirtaa talaabo kasta oo faa'iido leh oo qofku sameeyo, waana in dhulka laga hirgeliyo shareecada islaamka laguna dabaqo manhajka nolosha si loo helo ummad illaahooga u hogaansan oo damiirkooga ay ku sugan tahay muslim-nimadu, isla markaana ay howl kasta oo ay qabanayaan u qabtaan illaahay dartii. Howlaha Muslimka oo dhami waxay noqonayaa cibaado sida gudashada Xajka oo kale.

Gudashada howlaha cibaada ee qofka muslimka ahi la imanayo waxa ka mid ah Shareecada Islaamka oo dadka lagu xukumo tiiyo Manhajka nolosha lagu dabaqayo, shareecada islaamka waxa lagu xukumayaa Shakhsiga, Qoyska, Mushtamaca iyo Dowladaba.

Qofka Muslimka ahi waxa uu dareemayaa in cibaadadiisu ay nooqus noqonayso haddii aanu ku dadaalin xaqiijinta hadafka weyn ee illaahay (SW) u abuurtay, kaas oo ah in ay kalmada illaahay sarayso, Illaahay (SW) waxa uu inoo sheegay in uu dadka u abuuray in ay caabudaan.

Aragtida toosani waxay inoo iftiiminaysaa cibaadada dhabta ah ee Islaamka, mana koro qofka Muslimka ahi in uu ku dhaqmo dhaqan kale oo aan ahayn diinta Islaamka, laakiin dhamaan howlihiisa nololeed waxa uu waafajiyaa islaanimada haddii aanu isku xukumin diinta islaamka ma dhamaystirmayso islaam-nimadiisa, sidoo kale ma xaqiiqoobayso cibaadadiisu ilaa uu si adag ugu howl galo xaqiijinta waaqiciisa nololeed. Fariintaas ayaana siinaysa qofka Muslimka ah in uu sheegto nasabnimada islaamka, waana ta keliya ee uu ku dhex geli karo ummada muslimiinta iyo Mujaahiinta dhabta ah, taas oo ka dhigaysa noloshiisa mid qiimo u yeesha, iyada oo Bani'aadmiga intooda kalena ay hoos imanayso, taas oo u iftiiminaysa dhibaatooyinka ku yimaada noloshiisa.

Qofka Muslimka ahi waa in uu qaato Risaaladan khayrkeeda oo uu ka faa'iidaysto qasnadaheeda, isagoo ku bixinaya u gargaarideeda wakhtigiisa, maalkiisa iyo dadaalkiisaba, taas oo aynu odhan karno nolosha ayay macno u samaysaa oo uu illaahayna ugu dhowaanayo, la'aanteedna noloshu waxa dhandhan ah ma yeelanayso, sidoo kalena lama helayo wax deganaansho ah inta ka sokaysa raalli gelinta illaahay.

Qofka Muslimka ahi Cibaadada ayuu ugu dhowaada Illaahay si uu u helo raali ahaanshaha illaahay, waxaana uu ku dadaala wakhti kasta sidii uu ugu hiilin lahaa diinta islaamka una xaqiijin lahaa hadafkeeda nololeed. Sidoo kale ma xidhiidhiyo cid aan iyada ahayn, korna uma qaado calan aan ahayn ka islaamka, mana laasimo caqiido kale.

Badinta Quraan Akhriska:- Si loo gaadho darajooyinkaa sare waxa uu qofka islaamka ahi hoos yimaada Kitaabka Quraanka ah, isagoo ka helaya hanuun iyo digniin oo uu u iftiiminayo khayrka, marka uu furto kitaabka quraanka ah ee uu badiyo akhriskiisa isagoo u fiirsanaya oo eegaya micnaha iyo culuska quraanka illaahay (SW). Qofkaa waxa gelaya qalbigiisa macnaha quraanka, waxaana uu ka helayaa xasilooni iyo degenaan. "Digriga Illaahay waxa uu dejiyaa Quluubta" {Suuratu Racad 28}.

Waxa ku filan qofka Muslimka ah in uu tusaale u soo qaato muuqaalka quruxda badan ee la jeclaysan karo ee Nebigu (CSW) ka bixiyay Qofka Quraan Akhriska badan ee akhriya iftiinka maalintii iyo habeenkiiba. (Muuminka Quraanka akhriyaa waxa uu la mid yahay sida khudrad urteedu udgoontahay dhadhankeeduna macaan yahay, Muuminka aan quraanka akhriyina waxa uu la mid yahay sida timir aan ur lahayn laakiin dhadhankeedu macaan yahay, Munaafaqa quraanka akhriyaana waxa uu la mid yahay Midho Ugdoon oo dhadhankoodu qadhaadh yahay, Munaafaqa aan Quraanka akhriyina waxa uu la mid yahay Miici aan ur iyo dhadhan toona lahayn) Mutafaq

Nebigu (CSW) waxa uu yidhi (Akhriya Quraanka waxa uu iman doona maalinta qiyaamaha kiiyo qofkii akhriyi jiray u shafeeco qaadaya) Muslim

Xaqa Qofka Muslimka ah Rabi ku leeyahay waa Imaan dhab ah oo xeel dheer, camal joogta ah, isagoo si joogta ah u doonaya raali ahaanshaah illaahay, isagoo adkaynaya cibaadada ayuu xaqiijinaya xadafka nololeed ee loo abuuray oo ah "Jinka iyo Insiga waxa kale umaan abuurin in ay i caabudaan mooyane" {Suuratul Daariyaad 56}

2. Muslimka iyo Naftiisa:-

Waxa laga doonaya qofka Muslimka ah in uu ahaado qof lagu dayan karo oo qurux badan, dhaqankiisa, dharkiisa, nadaafadiisa iyo camaladiisaba, si ay dadku ugu daydaan.

Nebigu (CSW) waxa uu ku yidhi Asxaabigii Xandala rag uu ka mid ahaa maalin uu safar u imanayay (Idinku waxa aad u imanaysaan walaaladiin, Hagaajista Koorayaashiina iyo maryihiina si aad u noqotaan kuwa dadka ugu quruxda badan, illaahayna ma jecla faaxishnimada) Abu Daa'uud iyo Xaakim.

Faaxishnimadu  waa waxa aadka u xun, Nebiguna (CSW) waxa uu inoo diiday in uu qofka muslimka ahi noqdo qof liita ee uskaga badan, isla markaana dhayalsada muuqaalkiisa oo aan maryaha iska nadiifin. Sidoo kale qofka muslimka ahi waxa weeye in uu noqdo qof nadaafad badan.

Qofka Muslimka ahi ma dhayalsado naftiisa mana iloobo jiritaankiisa, isagoo aan ka tagayn waajibyada culus ee nolosha uu u sido, mana kala reebna muuqaalkiisa dadnimo iyo warkiisu. Qofka Muslimka ahi waa mid ay isku miisaman yihiin jidhkiisa, caqligiisa iyo ruuxdiisa, mid kastana siinaya xaqiisa isagoo ku hanuunsan dhaqankii Rasuulka (CSW) ee xigmada ku miisaana.

Cabdilaahi Binu Cumar Binu Caas waxa laga soo weriyay in uu Nebigu (CSW) isagoo baraya is waafajinta nolosha iyo cibaada uu ku yidhi (Miyaanan kaaga waramin in aad maalintii soonto habeenkiina cibaadaysato) waxa uu yidhi: Haa Rasuulkii Illaahayow (Sidaa ha yeelin soon oo afur, seexo oo toos, jidhkaagu xaq ayuu kugu leeyahay, indhahaagu xaq ayay kugu leeyahay, dumarkaagu xaq ayay kugu leeyihiin, cida ku soo booqataana xaq ayay kugu leedahay) Bukhaari

Sidee ayuu Muslimku u xaqiijin karaa isku miisaamidan Jidhka, Caqliga iyo Ruuxdiisa?

Jasadka Qofka Muslimka ah

Qofka Muslimka ahi waa mid cabidiisa iyo cunidiisu dhex dhexaad tahay, waxaana uu ku dadaala inta badan in jidhkiisu dhisnaado, isla markaana uu caafimaad qabo si ay u suurto gasho arrintani, waa mid cunidiisa iyo cabidiisu dhex dhexaad tahay si aanu caafimaadkiisu u xumaan. Qofka Muslimka ahi kuma dadaalo in cuno aad u badan uu cuno, cuntada farahaba badan waxay keentaa Caajisnimo.

"Cuno oo caba si dhex dhexaad ah, ilaahayna ma jecla kuwa Misrifiinta ah" {Suuratul Al Caraaf-31}

Nebigu (CSW) isagoo ka hadlaya sida ugu caafimaadka badan ee raashinka iyo cabida loo qaato waxa uu yidhi: (Caloosha saddex meelood u qayb, meel cuntada ah, meel biyaha ah iyo meel hawada ah) Tarmiidi.

Cumar Binu Khadaab (RC) waxa uu yidhi: "Calooshiina ha ka buuxinina biyo iyo raashin, waxa laga qaada cudur waxayna ku dhaxalsiisaa xanuun, waxaana laga caajisaa Salaada" Ujeedaduna waa in uu jidhku caafimaad qabo, dadkuna waxay ku halaagsamaan marka ay waxa ay naftoodu jeceshahay ay diinta kaga mashquulaan.

Qofka Muslimka ahi waxa uu ka dheeraanayaa Mukhaadaraadka waxaana uu seexanayaa habeenkii saacadaha hore si uu subaxii wakhti hore u tooso. Qofka muslimka ahi wax dawooyin ah ma isticmaalo isagoo aan bukin. Nidaamka wanaagsan ee noloshiisa ayaa ka caawinaya caafimaadka iyo firfircoonaanta dabiiciga ah .

Qofka Muslimka ahi waxa uu garanayaa in muuminka daciifka ah uu illaahay ka jecel yahay ka quwada leh, waxay arkaynaa in uu ka shaqeeyay sidii uu jidhkiisu quwad u yeelan lahaa isagoo raacay nidaamka caafimaad ee noloshiisa.

Waxyaabaha Jidhka Dhisa:- Muslimka dhabta ahi inta badan jidhkiisu wuu caafimaad qabaa quwadna wuu leeyahay, sababta oo ah waxa uu ka dheeraaday waxyaabaha lagu halaagsamo, cuntooyinka iyo cabitaanada xun xun ee xaaranta ah, sidoo kale waxa uu ka dheeraaday cadooyinka xun xun sida soo jeedka habeenkii. Qofka Muslimka kuma koobna hab nololeedkiisa caafimaad intaas oo kaliya, laakiin waxa intaa u raaca firfircoonaan duruus uu ku baranayo dhismaha jidhkiisa, taas oo siinaysa quwad iyo firfircoonaan kana ilaalinaysa ciladaha iyo xanuunada. Duruustaasina waxay leedahay wakhti xadidan si loo helo midhaheeda, waxaas oo dhami waa dhex dhexadnimada nidaamka nololeed ee muslimiinta goor kasta iyo meel kasta.

 
set as your home page

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008-2009 Al Hidaaya.info