Home
Q-Ramadaanta

   Barashada Quraanka

  Maxamed Sidiiq Al-Mashaawi
1.Jus Qadsamic
2.Jus Qadsamic
3.Jus Tabaarik
4.Jus Tabaarik
5.Jus Camma
6.Jus Camma
Maxamuud Khaliil Xusari
1.Jus Daariyaat
2.Jus Daariyaat
3.Jus Daariyaat
4.Jus Qadsamic
5.Jus Qadsamic
6.Jus Qadsamic
7.Jus Tabaarik
8.Jus Tabaarik
9.Jus Tabaarik
10.Jus Camma
11.Jus Camma
12.Jus Camma

   Su'aalo iyo Jawaabo

   Sh. Maxamed Cumar Dirir
1. Su'aalo iyo Jawaabo
2. Su'aalo iyo Jawaabo
3. Su'aalo iyo Jawaabo
4. Su'aalo iyo Jawaabo
5. Su'aalo iyo Jawaabo
6. Su'aalo iyo Jawaabo
7. Su'aalo iyo Jawaabo
8. Su'aalo iyo Jawaabo
9. Su'aalo iyo Jawaabo
10. Su'aalo iyo Jawaabo

Codayn

Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

   Islamic Links

Altaqwaa
Aflax.Net
Anasheed
Waaniye
Muslim Kids Tajweed
Sh. Abdirashiid
Daarul Xadiith
Duruus
Golaha Imamyada
Tawfiiq Masjid
Masjid Shaafici
Boqolsoon
Khalid Masjid
Somalisunah
Qardhaawi

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
Buuga Shakhsiyadda Muslimka Ah Qaybtiisa 3aad Print E-mail
Saturday, 02 February 2008

Soonka Bisha Ramadaan iyo Salaatul Laylka: - “Dadkii illaahay iyo rasuulkiisi rumeeyayow waxa la idinku faral yeelay soon sidii loogu faral yeelay kuwii idinka horeeyay waxaad mudantihiin in aad illaahay ka cabsataan” [Baqra-183]

Muslimka dhabta ahi waxa uu sooma bisha ramadaan isagoo rajaynaya in qalbigiisa iimaan ka buuxsamo. Nebigu (CSW) waxa uu yidhi (Qofka Sooma Bisha Ramadaan isagoo muumin ah waxa laga dhaafa denbigii hore uu galay) Mutafaq.

Waa qofka garanaya soonka xaqiisa ee ilaaliya carabkiisa iyo indhisa iyo dhamaan jidhkiisa kale. Nebigu (CSW) waxa uu yidhi (Qofka aan daynayn markhaatiga beenta ah iyo ka shaqayntiisa illaahay waxba kuma falayo cunto iyo cabi uu iska daayo) Bukhaari.

Abu Hureera (RC) waxa laga soo weriyay in uu Nebigu (CSW) yidhi:- (Umadayda waxa la siiyay shan arimood oo aan la siin umadii inaga horeeyay, 1, Luunka ka muuqda qofka sooman afkiisa illaahay agtiisa waxay ka udgoon yahay miskiga, 2 Malaa’iigtuna ilaa inta ay afurka gaadhayso illaahay ayay denbi dhaaf u weydiiyaan, 3 illaahay maalin kasta waxa uu qurxiyaa janada waxaana uu ku yidhaa “Adoomadayda wanaagsan dhibaato ayay soo marayaan si ay ku soo gaadhan”, 4 Waxaana la xidhaa Shayaadiinta oo iyagu marna aan deyn xumaanta, 5 Habeenka ugu denbeeyana waa loo denbi dhaafa waxa lagu yidhi Rasuulkii illaahay ma laylatul qadrigaa? Waxa uu yidhi maya laakiin qofka camal wanaagsan la yimaada wax loo kordhiyaa ajarkiisa marka uu camalkiisa dhameeyo).

Lagama waayo qofka muslimka ah ee sooman in uu u noolaado si ka duwan bilaha kale, waana bisha ramadaan ee uu u sooman yahay illaahay (SW), illaahaybaana ka abaal marinaya, abaal marinta illaaha qaniga ah ayaa ugu wanaagsan uguna dhamaystiran.

(Camalkasta oo bini aadamku waa loo laban laaba, wanaagiba toban la mid ah ayaa loogu daraa ilaa todobaatan, Illaahay (SW) waxa uu yidhi "Soomka mooyane, soomka aniga ayaa leh aniga ayaana ka abaal marinaya, cuntadii iyo wixii uu jeclaa waxa uu uga tagay aniga dartay", qofka soomani laba goor ayuu farxaa marka uu afuro iyo marka uu rabigii la kulmo) Mutafaq.

Waxa wanaagsan qofka muslimka ahi in uu ka faa'iidaysto Bisha Ramadaan isagoo la imanaya camal wanaagsan, sida maalintii oo uu soomo, salaada oo uu tukado, quraanka oo uu akhriyo, sadaqada oo uu bixiyo iyo waxyaabaha kale ee la midka ah. Sidoo kalena habeenkii in uu la yimaado cibaado iyo duco ayaa lagama maarmaan ah.

Nebigu (CSW) waxa uu ku dadaali jiray cibaada si aanu u dadaali bila kale, gaar ahaan tobanka denbe. Caa'isha (RC) waxa laga soo weriyay in ay tidhi: Nebigu (CSW) waxa uu ahaa (Marka ay soo gasho tobanka danbe ee bisha ramadaan habeenkii oo dhan muu saaxan jirin wuuna cibaadaysan jiray, ehelkiisana wuu toosin jiray, guntiga ayuuna u adkaysan jiray) Bukhaari.

Bisha ramadaan ee barakaysan waa bil cibaado loomana baahna in qofka muslimka ah ay ku dhaafto laqwi iyo wax aan anfacayn sida dhacda inta badan habeenkii in qofku wax aan macno lahayn ku soo jeedo marka uu luloodana iska seexdo salaada subaxna aanu u toosin.

Qofka Muslimka ahi waa mid u dhago nugul aqoonta diintiisa, habeenada ramadaana waa mid tukada salaada taraawiixda, haddii aanu in badan soo jeedin inta uu yara seexdo ayuu marka dambana u toosayaa salaatul laylkii markuu suxuurtana waxa uu tagayaa masaajidka si uu u tukado salaada subax.

Nebiga (CSW) ayaa ina amray in aynu suxuurano waxana ku jira khayr faro badan, Nebigu (CSW) waxa uu yidhi: (Suxuurta waxa ku jirta barako) Mutafaq. Suxuurta oo loo toosa waxay ku xasuusinaysaa Salaatul laylka waxaana suurta gal ah in aad salaada subax jamaca la soo tukato.

Sayid Binu Saabit (RC) waxa laga weriyay in uu yidhi (Waxa aan la suxuuranay rasuulkii illaahay ka dibna waxanu u kacnay salaad, waxa lagu yidhi intee in leeg ayaa u dhaxaysay suxuurta iyo salaada, Waxa uu yidhi inta la akhriyo 50 aayadood) Mutafaq.

Soonka Sunaha ah:-Qofka Muslimka ahi kama tago soonka sunaha ah iyadoo aan ramadaanba ahayn sida soonka carafa, ka maalinta cashuura iyo ka maalinta taasuuca, soonka maalmahani waa mid fadli badan waxaana laga helaa denbi dhaaf sidii uu Nebigu (CSW) sheegay.

Abu Qataada (RC) waxa uu ka soo weriyay Nebigu (CSW) in la waydiiyay soonka maalinta carafa, Nebigu waxa uu yidhi: (Waxa lagu dhaafa denbiga sannadkii hore iyo ka soo socda) Muslim. Sidoo kale waxa la waydiyay Nebiga (CSW) soonka maalinta cashuura, nebigu waxa uu yidhi (Waxa lagu dhaafa denbiga sannadkii tagay) Mutafaq.

Ibnu Cabaas (RC) waxa uu soo weriyay (In Nebigu soomay maalinta cashuura muslimiintana uu amray in la soomo) Muslim. Ibnu Cabaas waxa kale uu soo weriyay in uu Nebigu (CSW) yidhi (Haddii aan gaadho sannadka soo socda waan soomi doona maalinta sagaalad (Taasuca) ) Muslim.

Sidoo kale soonka lixda maalmood ee Shuwaal ayuu Nebigu (CSW) inoo cadeeyay fadligeeda (Qofka sooma bisha ramadaan ee raaciya lixda shubaalka waxa uu la mid yahay qof sannadka oo dhan soomanaa) Muslim.

Waxa wanaagsan qofka muslimka ahi in uu bishii soomo saddex maalmood, Abu Hureera (RC) waxa uu yidhi: (Saaxiibkay (Nebiga CSW) waxa uu igula dardaarmay saddex arrimood, 1. In aan bil walba saddex maalmood ka soomo, 2.In aan tukado salaatul duxa iyo in aan widriga tukado intaanan seexan habeenkii) Mutafaq.

C/laahi Binu Cumar (RC) waxa uu soo weriyay in uu Nebigu (CSW) yidhi (Qofka Bil walba saddex maalmood ka sooma waa qof sannadka oo dhan soomanaa) Mutafaq. Waxa ku soo aruurtay daliilada in la lagu xadiday saddexdan  maalmood oo ah maalinta saddex iyo tobnaad, shan iyo tobnaad iyo afar iyo tobnaad waxaana la yidhaa Ayaamul Bayd (Maalmaha Cadada).

Mucaada Al Cadwiya ayaa Caa'isha waydiisay Nebigu (CSW) in uu bil walba saddex maalmood ka soomi jiray 'Waxay tidhi Caa'isha wuu soomi jiray" Mucaada waxay tidhi: bishee ayuu saddex maalmood ka soomi jiray, waxay tidhi Caa'isha "Bilna umuu aabo yeeli jirin" Muslim.

U Xajitaanka Guriga Illaahay (SW):-Qofka Muslimka ah ee ku toosan diintiisa waxa ku waajib ah in uu xajo haddii uu karo, oo uu safar iyo socdaal ku tago Guriga Illaahay isagoo raacaya axkaamta xajka kana tagin mid yar iyo mid weynba, marka ay gaadho wakhtiga Xajka uu si dhamaystiran u guto isagoo si xeel dheer u fahansan faralnimadeeda. Qofkaasi waxa uu dareemaya xasilooni iyo deganaansho uu ku iloobo safarkii iyo dhibaatadii, waxa uu dareemaya farxad, naftiisana waxa gelaya kalgacalka iyo isku xidhnaanta islaamka, intaa ka dib waxa uu ehelkiisa ku soo noqonayaa isagoo laga aqbalay Xajkii, dunuubtiisina la dhaafay. Waxa kale oo uu  dareemayaa weynida ay diintani leedahay iyo faro badnida dadka ay kulmisay.

Hadaba Xajku waa kulan umadeed waana mid dowladeed, isla markaana adduunka kama dhaco kulan kan oo kale ahi. Xujaajtu waxay ku kala duwan yihiin midabadooda, jinsigooga iyo luqadooda, waxaana kulmiya towxiidka iyo Islaanimada ee ay ku walaaloobeen.

Cimrada:-Waxaanu iloobin qofka Muslimka ah ee illaahay adeeca in uu soo cimraysto wakhtiyada kale ee aan ahayn Xajka, haddii ay u sahlanaato sababteedu marka laga reebo Ramadaanta, waayo cimrada ramadaantu waxay u dhigantaa adiga oo la Xajay Rasuulkii illaahay (CSW) sida ku sugan Xadiiska uu weriyay Bukhaari.

Ibnu Cabaas waxa laga soo weriyay Nebigu (CSW) in uu (Markuu ka soo noqday Xajka uu ku yidhi Umu Sanaan (oo ansaariyad ahayd) Maxaad u soo Xaji wayday? waxay ku tidhi: Hebel Aabihiiba (Iyada oo u jeeda ninkeeda) waxa uu leeyahay laba dumar ah oo qurux badan, mid ahaanbaana Xajka u raacday tii kalena beeraha ayay sii wareebinaysaa Nebigu (CSW) waxa uu yidhi (Cimrada Ramadaantu waxay la mid tahay qof aniga ila xajay oo kale) Bukhaari.

Xuquuqda Buugan Shakhsiyadda Muslimka Ah ee Turjumida waxa iska leh Shabakada Al Hidaaya.info

 
set as your home page

Tafsiirka Quraanka

Sh. Maxamed Sh.Cumar Dirir
Sh. Cismaan Cali Xuseen
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Maxamed Cabdi Umal

Arbiciin

Sh.Maxamed  Ismaaciil

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Arbiciin

Sh.Cumar Faaruuq

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Casharka 4aad
Casharka 5aad
Casharka 6aad
Casharka 7aad
Casharka 8aad
Casharka 9aad
Casharka 10aad
Casharka 11aad
Casharka 12aad
Casharka 13aad

Muxaadaro Cusub

Maxamed Cumar Dirir

  Doorashada Saaxiibka Wanaagsan

Sh. Almis  Sh. Yaxye

Kibirka Iyo Isla Weynida

Sh.Ina Cali Gadhle

Qaybo ka mid ah Iimaanka

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008 Al Hidaaya.info