Home
Q-Ramadaanta

   Barashada Quraanka

  Maxamed Sidiiq Al-Mashaawi
1.Jus Qadsamic
2.Jus Qadsamic
3.Jus Tabaarik
4.Jus Tabaarik
5.Jus Camma
6.Jus Camma
Maxamuud Khaliil Xusari
1.Jus Daariyaat
2.Jus Daariyaat
3.Jus Daariyaat
4.Jus Qadsamic
5.Jus Qadsamic
6.Jus Qadsamic
7.Jus Tabaarik
8.Jus Tabaarik
9.Jus Tabaarik
10.Jus Camma
11.Jus Camma
12.Jus Camma

   Su'aalo iyo Jawaabo

   Sh. Maxamed Cumar Dirir
1. Su'aalo iyo Jawaabo
2. Su'aalo iyo Jawaabo
3. Su'aalo iyo Jawaabo
4. Su'aalo iyo Jawaabo
5. Su'aalo iyo Jawaabo
6. Su'aalo iyo Jawaabo
7. Su'aalo iyo Jawaabo
8. Su'aalo iyo Jawaabo
9. Su'aalo iyo Jawaabo
10. Su'aalo iyo Jawaabo

Codayn

Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

   Islamic Links

Altaqwaa
Aflax.Net
Anasheed
Waaniye
Muslim Kids Tajweed
Sh. Abdirashiid
Daarul Xadiith
Duruus
Golaha Imamyada
Tawfiiq Masjid
Masjid Shaafici
Boqolsoon
Khalid Masjid
Somalisunah
Qardhaawi

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
Buuga Shakhsiyadda Muslimka Ah Qaybtiisa 2aad Print E-mail
Saturday, 02 February 2008

Tukashada Shanta Salaadood:- Qofka Muslimka ahi waxa uu tukadaa shanta salaadood wakhtigooda, waayo salaadu waa tiirka diinta, qofka tukadaana waa qof diintii toosiyay, qofka ka tagaana runtii waa qof dumiyay diinta islaamka. Salaaduna waa camalada kuwa ugu fadliga badan siduu Nebigu (CSW) sheegay markii Ibnu Mascuud waydiiyay camalada kuwa ugu fadliga badan, Nebigu (CSW) waxa uu ku yidhi : (Salaad wakhtigeedi la tukaday) ka dib waxa uu waydiiyay Ibnu Mascuud waxa ku xiga. Nebigu (CSW) waxa uu yidhi (U Samo Falka Labada Waalid). Ibnu Mascuud Mar kale waxa uu waydiiyay Maxaa ku xiga, Nebigu (CSW) waxa uu yidhi: (Jihaadka Illaahay Dartii) Mutafaq.

Sidaa darteed salaadu waa xidhiidhka adoonka iyo rabigii ee uu kaga go'o mashquulka noloshka iyo in uu ka jeesto ku xidhnaanta illaahay. Salaada waxa loo gargaarsadaa hanuunka illaahayna waxa la waydiistaa in uu kugu sugo dariiqa toosan. Shaki kuma jiro Salaadu in ay tahay camalka ugu wanaagsan, waayo waa durdurka laga dhaansado cabsida illaahay, waa durdur macaan oo saafi ah kana maadhaya denbiyadaada.

 Abu Hureera waxa uu yidhi: Waxa aan maqlay Rasuulka oo leh (Ka warama haddii uu midkiin gurigiisa uu hormaro wabi oo uu maalintii shan jeer ku meedho miyay wax wasakh ahi ku hadhayaan) Asxaabtii waxay yidhaahdeen Maya. Nebigu (CSW) waxa uu yidhi: (Salaada ayaa sidaas ah, Illaahayna waxa uu ku dhaafa denbiyadii u dhaxaysay wakhtiyada salaadaha) Mutafaq.

Abu Hureera (RC) waxa uu Nebiga (CSW) ka soo weriyay (Shanta Salaadood iyo Jimce ilaa Jimce inta u dhexaysa waxa lagu dhaafa wixii denbiyo ahaa ee u dhexeeyay marka laga reebo denbiyada waa weyn) Muslim

Cismaan Binu Cafaan (RC) waxa uu Nebiga (CSW) ka weriyay in uu yidhi: (Ma jiro qof muslim ah oo tukada salaad faral ah oo wanaajiya waysadeeda, qushuucdeeda iyo rukuucdeeda, haddii uu jirana waxa laga dhaafa wixii denbi horteed galay, haddii aanu la imanina kuwa waaweyn sannadka oo dhan ayaa laga dhaafayaa) Muslim.

Axaadiista iyo raadadka wararka ee cadaynaya fadliga Salaada ahmiyada iyo khayr ay u leedahay kuwa tukanaya way faro badan yihiin wayna kala duwan yihiin kumana soo koobi karayno xaashiyahan aanu wax ku qorayno.

Salaada Jamaca iyo Masaajidka:- Qofka Muslimka ahi ee Alle ka cabsanaya waxa lagu hubaa in uu Masaajidka safkiisa hore aan laga waayin inta awoodiisa ah. Nebigu (CSW) waxa uu yidhi: (Salaada Jamacu waxay ka fadli badan tahay salaada qofku keligii tukado 27 darajo) Mutafaq.

Nebigu (CSW) waxa uu ka waramay qofka muslimka ahi (Marka uu u waysaysto si wanaagsan ee uu u baxo Masaajidka isagoo u baxayn Salaad mooyaane wax kale, talaabo kasta oo uu qaado waxa kor loogu qaada darajo waxaana laga dhaafa denbi, marka uu soo tukadana waxa ku saliya Malaa'igta inta aanay waysadu ka jabin iyago leh "Illaahayow nabadgelyo sii oo u naxariiso ilaa inta uu sugayo salaada kale") Mutafaq.

Nebigu (CSW) waxa uu ugu bushaareeyay Jannada Muslimiinta ku dadaala Jamaca Salaada. Sidaa darteed Asxaabta (RC) waxay ku dadaali jireen salaada Jamaca ah. C/laahi Binu Mascuud waxa uu odhan jiray "Ninka doonaya in uu bari la kulmo illaahay isagoo muslim ahow ku dadaal shanta wakhti halkii lagu dhawaaqaba, illaahay waxa uu u sharciyeeyay Nebigiina sunnihi hanuunka, haddii aad guryihiina ku tukataana sida kuwa jamaca dib uga dhaca waxa aydun ka tagaysaan sunnihii nebigiina, haddii aad ka tagtaan sunnaha nebigiinana waad halaabaysaan, waxaynu ognahay in aanu jamaca ka habsaamin munaafaqa mooyaane, waa ninkaa lugaha jiidaya ee isagoo aad moodo in uu daalan yahay safka denbe soo galaya".

Nebigu (CSW) waxa uu gaadhsiiyay ahmiyad ay leedahay Salaada Jamaca'ihi in uu ku hamiyo gubista guryaha ay ku jiraan kuwa ka habsaamay Salaada Jamaca si aan cudur daar lahayn. Waxa la yaab leh in aynu helno dad ah sida Siciid Binu Musayb oo 30 sanno Masaajid ku tukanayay safkiisa hore, isagoo weliba u diyaar garoobi jiray Salaada eedaanka hortii. Siciid oo kale way ku badan yihiin taariikhda islaamka.

Kala fogaanshaha guryaha asxaabta iyo masaajidku dhib kumay lahayn ka qaybgalka salaada mar kasta oo ay eedaanka maqlaan, waayo ahmiyada uu jamacu leeyahay ayay naftoodu gaadhsiisnayd. waxayna u lugayn jireen guryahooga oo ka fog Masaajidka si talaabo kasta oo ay qaadanba xasanaad loogu qoro.

Abi Kacab waxa laga soo weriyay in uu yidhi:- Waxa jiray nin Ansaari ah oo gurigiisu aad uga fogaa Masaajidka Salaad kastana la tukan jiray Jamaca, waxaana lagu yidhi Ansaariga maad iibsatid Dameer aad ka korto madowga habeenkii iyo kuleelka maalintii, waxa uu yidhi:- "Iigamay sahlanaateen gurigayga oo Masaajidka agtiisa ahi ee waxa aan doonayaa intaa aan soo lugaynayo in aan xasanaad ku helo". Nebiguna (CSW) waxa uu ku yidhi: (Illaahay ha ku siiyo labadaba) Muslim

Sunnaha Nebigu (CSW) iyo ku dayashadiisu waxay ahayd mid ay Asxaabta ay guryahoogu ka fogyihiin Masaajidka ayna u soo guurin Masaajidka agtiisa, waxaana uu Nebigu (CSW) ku adkeeyay in talaabada ay soo qaadayan ay xasanaad ay ku helayaan.

Jaabir waxa laga soo weriyay in uu yidhi:- Waxa la baneeyay Bogcado Masaajidka hareerihiisa ah si ay reer Binu Salima ay u soo degaan Masaajidka agtiisa, arrintaas ayaana Nebiga (CSW) gaadhay waxaana uu ku yidhi: (Waxa i soo gaadhay in aad doonaysaan in aad u soo guurtaan Masaajidka agtiisa) waxay yidhaahdeen:- Haa Rasuulkii illaahayow, runtii waanu doonay arrinkaa (Bani Salmow guryihiina jooga raadadkiina ayaa la qorayaa, guryihiina ku eekaada raadadkiina ayaa la qorayaaye) Bukhaari

Abu Muusa waxa laga soo weriyay in uu yidhi: Nebigu (CSW) waxa uu yidhi: (Dadka waxa ugu ajar weyn dhinaca salaada ka ugu meel durugsan marka loo lugaynayo Masaajidka ee salaada suga inta uu la tukanayo iimaamka.....) Muslim.

Cismaan Binu Cafaan (RC) waxa uu Nebiga (CSW) ka soo weriyay in uu yidhi: (Qofka Salaada Cishaa'i jamaca la tukadaa waxa uu la mid yahay qof habeenka badhkii cibaadaysanayay, qofka Salaada Subax jamaca la tukadaana waxa uu la mid yahay qof habeenkii oo dhan cibaadaysanayay) Muslim.

Abu Hureera (RC) waxa uu Nebiga (CSW) ka soo weriyay in uu yidhi: (Ma jirto salaad kaga culus munaafiqiinta Salaada Subaxa iyo Cishaa'iga, haddii ay og yihiin waxa ku sugan way iman lahaayeen iyagoo xadhig qabsanayana) Mutafaq.

Tukashada Sunnaha:- Qofka Muslimka ahi waxa uu ku dadaala tukashada sunnaha si uu ugu liibaano aakhiro habeen iyo maalinba, tukashada sunnaha adoonku waxa uu ugu dhowaada rabigii waxaana ku jeclaada illaahay oo raali ka noqda, qofkuna marka uu gaadho heer uu illaahay jeclaado waxa uu siiya awood.

Illaahay (SW) waxa uu ku yidhi Xadiisul Qudus "Adoonkaygu ka suuli maayo in uu ugu soo dhowaado sunnaha ilaa aan jeclaado, marka aan jeclaado waxa aan u noqonayaa dhego uu wax ku maqlo, indho uu wax ku arko , gacmo uu wax ku qabsado, lugo uu ku socdo, haddii uu wax i waydiistana waan siiya, haddii uu i magan gallona waan magan geliyaa" Bukhaari

Qofka uu illaahay jeclaado waxa uu gaadha in ay jeclaadaan Khalqiga cirka iyo dhulka, waxaanu ku rumaysanaynaa xadiiskii Nebiga (CSW) (Illaahay marka uu jeclaado adoon waxa uu u yeedha jibriil isagoo ku leh "waxa aan jecelahay hebel ee jeclow" Jibriilna wuu jeclaanayaa isagoo u dhawaaqaya ehelka samada ayuu odhanayaa "Illaahay waxa uu jecel yahay hebel ee idinkuna jeclaada" marka ay  jeclaadaan samada ehelkeedu ... ayaa dhulkana laga jeclaanayaa, marka adoon illaahay u cadhoodo waxa loo yeedhaya jibriil, illaahayna waxa uu ku odhanayaa "Anigu waxa aan u cadhooday hebel ee adiguna u cadhoo" jirbiilna wuu u cadhoonayaa waxaana uu u dhawaaqayaa ehelka samada isagoo ku wergelinaya in illaahay u cadhooday adoonkaa si ay iyaguna ugu cadhoodaan, wayna u cadhoonayaan ka dibna cadhadii ayaa dhulka loo soo dejinayaan si ay iyaguna ugu cadhoodaan) Bukhaari

Nebigu (CSW) waxa uu tukan jiray habeenkii ilaa ay gomadihiisu bararaan, hooyadii muumininta ayaa waydiisay oo tidhi "Maxaad sidan u yeelaysaa denbigaagi hore iyo kaagi denbaba waa la dhaafaye" Nebiguna (CSW) waxa uu ugu jawaabay (Miyaanan ahayn adoon illaahay u mahadiya). Bukhaari iyo Muslim.

Hagaajinta Gudashada Salaada:- Waxa uu ku dadaala qofka muslimka ahi in uu si dhamaystiran u tukado salaadiisa isagoo buuxinaya shuruudaheeda haddii ay sujuud tahay iyo haddii ay rukuuc tahayba. Marka uu tukanayo salaada kagama mashquulo turuufaha nololeed ee ku xeeran, marka uu dhamaysto salaadana waxa uu galaa tasbiix iyo xuska illaahay waxaana uu illaahay waydiistaa khayrka aduunyo iyo ka aakhiroba.

Salaada sida dhamayska tiran loo tukadaa waxay nadiifisaa ruuxda waxaana jilcisaa qalbiga waxaana ay daahirisaa nafta, Nebigu (CSW) isagoo waxaas oo dhan tilmaamaya waxa uu yidhi: (Salaada waxa laga dhigay mid aan ku indho qabowsado) Nisaa'i. Kuwa sida dhabta ah u tukanaya iyagoo khusuuqsan waxay ku jiraan ilaalin illaahay mana argagaxaan haddii uu taagbo shar.

Gudashada Sakada laga bixinayo Maalka:- Waxa uu ka bixinayaa sakada maalka marka uu gaadho heerkii ay sakadu ku waajibaysay in uu ka bixiyo maalkiisa, maalka uu bixinayo waxa  uu u soo koobayaa sil xeer dheer oo amaano iyo alle ka cabsi ku jiro si uu u guto faralkan, haddii ay gaadho qiyaasta sakada ku waajibta ee uu bixinayaa Malaayiin wuu bixinayaa isagoo aan ka werwersanayn.

Sakadu waa faral ku waajibay hantida waana cibaado xadidan, umana banaana qofka muslimka ahi in uu dhayalsado ama uu fudeedsado waana in uu u bixiyaa si dhamaystiran. Waxaana inagu filan in aynu ogaano in qofka diida sako bixinta in ay waajib tahay in la dilo, ilaa uu u bixiyo sida ay axkaamta diintu dhigayso.

Abu Bakor Sidiiq (RC) waxa uu yidhi isagoo la hadlaya kuwii diinta ka noqday "Illaahay baan ku dhaartee waan la dagaalami doonaa qofka kala saara salaada iyo sakada" Abu Bakar waxa uu si xeel dheer u fahansanaa dabeecada diintan ee dhamayska tiran iyo isku xidhnaanta adag ee ka dhaxaysa sakada iyo salaada, taas oo ah mid laga dhex arkayo aayadaha quraanka ah.

"Kuwa salaada tukada sakadana bixiya"{ Suuratul Maa'ida-55}. "Tukashada Salaada iyo Bixinta Sakada" {Suuratul Al Baqra-32}

Xuquuqda Buugan Shakhsiyadda Muslimka Ah ee Turjumida waxa iska leh Shabakada Al Hidaaya.info

 
set as your home page

Tafsiirka Quraanka

Sh. Maxamed Sh.Cumar Dirir
Sh. Cismaan Cali Xuseen
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Maxamed Cabdi Umal

Arbiciin

Sh.Maxamed  Ismaaciil

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Arbiciin

Sh.Cumar Faaruuq

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Casharka 4aad
Casharka 5aad
Casharka 6aad
Casharka 7aad
Casharka 8aad
Casharka 9aad
Casharka 10aad
Casharka 11aad
Casharka 12aad
Casharka 13aad

Muxaadaro Cusub

Maxamed Cumar Dirir

  Doorashada Saaxiibka Wanaagsan

Sh. Almis  Sh. Yaxye

Kibirka Iyo Isla Weynida

Sh.Ina Cali Gadhle

Qaybo ka mid ah Iimaanka

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008 Al Hidaaya.info