|
1.Muslimka iyo Cibaada Rabigii Muuminku waa Qof soo jeeda:- Waxa ugu horeeya ee qofka muslimka ah laga doonayaa waa in uu rumeeyo illaaha xaq ah kuna kalsoonaado ku xidhnaantiisa isla markaana isaga si joogta ah u xusuusnaanaya tala saaranayana, isagoo illaahay gargaar waydiisanaya, waana in uu dareensadaada xeel dheerida baahidiisa joogta ah ee illaahay uga baahan yahay, quwadiisa, gargaarkiisa iyo Adeecidiisa mar kasta oo uu dadaal sameeyo iyo mar kasta uu sabab keeno. Muslimka xaqa ah ee dhabta ahi waa mid qalbigiisu soo jeedo oo indhihiisu furan yihiin, waa mid arkaya abuurta illaahay ee Koomka, waa mid rumaysan in illaahay ku tasarafo Koomka iyo arrimaha dadkaba, taas ayaana keenaysa in illaahay si joogta ah u xusuusnaado waxaana uu arkayaa khudrada illaahay daqiiqad kasta oo ka mid ah noloshiisa si aan xadidnayn. Aragti kasta oo uu Koomkan arkana waxa uga siyaadaya iimaan iyo xusuus illaahay. "Abuurista Samooyinka iyo Dhulku iyo is badalka Habeenkii iyo Maalintii waxa ay aayad u yihiin dadka ehlu caqliga ah, Kuwa illaahay xusaya iyagoo taagan iyagoo fadhiya iyagoo dhinac u jiifa oo ka fikiraya abuurista Samada iyo Dhulka, Rabiyow umaad abuuran kan baadil adaa xumaan ka nasahane xumaanta inaga dheere" Suuratul Al Cimraan-190} Inuu Adeeco Amarka Rabigii:-Waxa lagama maarmaan ah qofka muslimka dhabta ah in uu adeeco awaamiirta illaahay (SW) oo dhan isagoo waafajinaya xuduudeeda, isla markaana raacaya amarkiisa xitaa haddii ay khilaafto dhaqankiisa. Iimaanka qofka muslimka ahi waa mid u hogaansan amarka illaahay (SW) iyo Rasuulkiisa (CSW). (Midkiin imuu rumayn ilaa hawadiisu raacdo waxa aan la imid) Nawawi "Rabi Naftiisa ayuu ku dhaartay in aanay Nebiga rumaynay ilaa aad ku xukunto dhexdooda ka dibna aanay dhibsanin shaygii aad xukuntay oo ay u hogaansamaan hogaansamid" {Suuratul Nisaa-65} Waa in si dhamaystiran loo raaco shareecada islaamka, taa la'aanteed iimaan ma jirayo islaanimana lama xaqiijin karo, waxa ka reeban nolosha qofka muslimka ah wixii khilaafsan kitaabka quraanka iyo sunnaha rasuulka (CSW), haddii ay noqoto maamulka naftiisa ama qoyskiisa iyo dhamaan dadka kale ee uu masuulka ka yahay. Dareenka Masuuliyada :-Dhamaan wixii ah dhayalsi ama ka gaabin ee xaga illaahay ah ee uu la yimaado qof ka mid ah qoyska muslimka ah waxa la waydiinayaa cida ka masuulka ah. (Dhamaantiin waxaad tihiin raaci mid kastaana wuxuu ka masuul yahay cida uu xil ka saaran yahay) Mutafaq Masuuliyadani waa mid uu dareemayo qofka muslimka ahi isagoo saxaya wixii khaladaad ah ee ka yimaada cida uu masuul ka yahay, sidoo kale isagoo aan u adkaysanayn eegashadeeda, isla markaana u deg degaya xaliteeda natiijo kastaba ha ka soo baxdee. Haddaba qofka ka aamusa waa qof iimaankiisa iyo raganimadiisu daciif tahay. Waa in uu Raali Ka Ahaada Illaahay (SW) Qadarkiisa:-Qofka muslimka ahi waxa uu raalli uga yahay si joogta ah illaahay qadarkiisa sida ku sugan xadiiska Rasuulka (CSW) ( Waxa la yaab leh arinka qofka muslimka ah oo arinkiisa oo dhami khayr yahay, haddii uu barwaaqo helo illaahay ayuu ku mahadinayaa khayr baanay u tahay, haddii ay dhibaato ku dhacdo wuu u samrayaa iyana khayr ayay u tahay) Iimaamul Bukhaari Qofka Muslimka ahi waxa uu si xeel dheer u aaminsan yahay qadarku in uu yahay rukunka mid ah arkaamta iimaanka wixii ku dhacaana inta uu nool yahay aanu ahayn khalad uu sameeyay laakiin uu yahay qadar illaahay oo cidina ka joojiseen. Qofka oo ku samra qadarka illaahayna waxa uu helayaa xasanaad. Towbada:-Waxa daboolaysa nafta qofka muuminka ah saamayn ay ku yeelato iska war hayn la'aantu oo u daadagaysa ilaa gumadihiisa ama waxa ku dhacaysa ka gaabin mana karo qofka muuminka ahi in uu eegto arrimahan, laakiin waxa uu u deg degayaa sidii uu uga baraarugi lahaa qafladan ugana towbad keeni lahaa waajibaadka uu ka gaabiyay, isla markaana isagoo murugaysan ayuu illaahay (SW) waydiisanayaa denbi dhaaf. "Kuwa illaahay ka cabsada marka ay taabtaan koox shaydaan ahi illaahay ayay xasuustaan markaas ayay iska arkaan" {Suuratul Acraaf-201} Qoflada laguma arko kuma dhacdo qalbiga qofka muuminka ah, laakiin waxa lagu arkaa quluubta ka jeesatay amarka iyo hanuunka illaahay (SW). Qalbiga qofka Muslimka dhabta ahi waa mid joogta ah u foojigan dhinaca towbada iyo denbi dhaaf uu illaahay waydiisto, waana mid ku raaxaysanaya adeecida illaahay. Hamigiisu waa Raali Gelinta Rabigiisa:-Muslimka dhabta ah waxa la gudboon in uu dhamaan camaladiisa u qabto illaahay dartii hamigiisuna ahaado raali gelinta illaahay, talaabo kasta oo u qaadayana waa in ayna noqon mid uu dadka ku raali gelinayo ama uu magac kaga doonayo. Waxana dhici karta in ay dad iska horyimaadan raali gelinta illaahay siduu Nebigu (CSW) uu yidhi: (Qofka raalli ahaansha illaahay dhaafsada cadhada dadka illaahay ayaa kaga filnaada) Tarmiidi Qofka Muslimka ahi camaladiisa waxa lagu miisamaya raali ahaansha illaahay (SW), haddii uu raali ahaanshahaasi bato waa laga aqbalayaa haddii aanu jirina lagama aqbalayo waana shayga lagu qiyaaso camalka. Waxaana u cadaanaysa sidii u garan lahaa dariiqa toosan. Kuwa aad arkayso ee ku tukanaya masaajidada iyagoo khushuucsan hadana aad suuga ku arkayso iyagoo ribada uruursanaya ama aad arkayso guryaha ama wadooyinka ama meelaha la isku yimaado iyagoo ku samaynaya dhaqamo aan wanaagsanayn. Kuwaasi maxay ku canaanan dumarka ay qabaan iyo caruurtooda, kuwaasi iyagaa gacan ka siinaya khaladaadka iyo nusqaanta kaga imanaysa fahanka ama muuqaalka dhabta ah ee xaqiiqada Islaamka. Isla markaa waxa loo baahan yahay qofka muslimka ahi in uu ku dhaqo noloshiisa iyo cida la xidhiidha xaqiiqada islaamka oo ah raali gelinta illaahay, howl kastana uu ku miisaamo raali gelinta illaahay. Waxa jirta maanta dad muslim sheeganaya oo hadana magaca islaanimo mooyaane ay ka maqan tahay dhaqankii islaamku, kuwaasina waa kuwa ugu khatarsan ee lagu ibtileeyay muslimiinta sabankan. Gudashada Faralka iyo Arkaanta iyo Sunayaasha: Muslimka dhabta ahi waa mid guta faralka islaamka isagoo raacinaya arkaanteeda oo dhamaystiran, sidoo kale aanan fudaysanay dhamaystirka shuruudeeda. Xuquuqda Buugan Shakhsiyadda Muslimka Ah ee Turjumida waxa iska leh Shabakada Al Hidaaya.info |