Home
Q-Ramadaanta

   Barashada Quraanka

  Maxamed Sidiiq Al-Mashaawi
1.Jus Qadsamic
2.Jus Qadsamic
3.Jus Tabaarik
4.Jus Tabaarik
5.Jus Camma
6.Jus Camma
Maxamuud Khaliil Xusari
1.Jus Daariyaat
2.Jus Daariyaat
3.Jus Daariyaat
4.Jus Qadsamic
5.Jus Qadsamic
6.Jus Qadsamic
7.Jus Tabaarik
8.Jus Tabaarik
9.Jus Tabaarik
10.Jus Camma
11.Jus Camma
12.Jus Camma

   Su'aalo iyo Jawaabo

   Sh. Maxamed Cumar Dirir
1. Su'aalo iyo Jawaabo
2. Su'aalo iyo Jawaabo
3. Su'aalo iyo Jawaabo
4. Su'aalo iyo Jawaabo
5. Su'aalo iyo Jawaabo
6. Su'aalo iyo Jawaabo
7. Su'aalo iyo Jawaabo
8. Su'aalo iyo Jawaabo
9. Su'aalo iyo Jawaabo
10. Su'aalo iyo Jawaabo

Codayn

Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

   Islamic Links

Altaqwaa
Aflax.Net
Anasheed
Waaniye
Muslim Kids Tajweed
Sh. Abdirashiid
Daarul Xadiith
Duruus
Golaha Imamyada
Tawfiiq Masjid
Masjid Shaafici
Boqolsoon
Khalid Masjid
Somalisunah
Qardhaawi

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
Hordhaca Buuga Shakhsiyadda Muslimka Ah Print E-mail
Saturday, 02 February 2008

                                              Dr. Maxamed Ali Haashimi

Hordhac

Intaa ka dib ahmiyada mawduucan waa mid lagu iftiiminayo Shakhsiyada muslimka ah sida laga doonayo, waxay igu qaadatay sannado badan si aan daraasad ugu samaynayay, markaan  dhinacyo badan ka eegayna waxa aan arkay iyagoo dhinac ku dadaalaya dadku dhinaca kalena dhayalsanaya.

Tusaale ahaan waxaaad arkaysaa qof qushuucsan oo ku dadaalaya cibaada illaahay, laakiin aad uga gaabinaya xidhiidhinta ehelkiisa (Riximkiisa), waxaad arkaysaa qof ku dadaalaya barashada cilmiga iyo cibaadada laakiin ka gaabinaya tarbiyada caruurtiisa isagoo ka war hayn waxa ay bartaan iyo cida ay la saaxiibo yihiin. Waxaad arkaysaa nin caruurtiisa si fiican u tarbiyadaynaya laakiin waalidki si xun ula dhaqmaya. Waxa aad arkaysaa qof waalidkii u samo-falaya laakiin xumaynaya gabadha uu qabo iyo ehelkeeda, sidoo kale waxaad arkaysaa qof ku wanaagsan Gabadha uu qabo laakiin jaarkiisa xumaynaya.

Waxaad arkaysaa qof ku dadaalaya danihiisa gaarka ah iyo wixii isaga anfacaya, laakiin aad uga gaabinaya xidhiidh uu ummada islaamka iyo is kaashigeeda. Waxaad arkaysaa qof haysta diinta islaamka laakiin dhayalsanaya eedaabta islaamka ee salaan, wax cunida, cabida, la hadalka dadka iyo la sheekooyinkiisa iyo kuwa kale oo badan.

Waxa wax lala yaabo ah in nusqaamahan lagu arko kuwo daaciyiin ah oo iyagu ah hormoodkii islaamka iyo kuwa iyagu dadka tilmaami lahaa, waana kuwa loo baahan yahay in ay si xeel dheer u fahmaan axkaamta islaamka, eedaamteeda iyo qiimaheeda si ay umada ugu hogaamiyaan dariiqa saxda ah. Laakiin waxa mashquuliya in badan dhayalsiga iyagoo dareensan ama aan dareensanayn.

Ahmiyada iftiimintan shakhsiyada muslimka ahi waa mid raacaysa kuna xidhiidhsan dadnimada jiheenteeda, haddaba si aan u soo hordhigo mushtamaca islaamka gaar ahaan kuwa ka shaqaynaya diinta waxa aan sameeyay daraasad waafi ah oo dhamaystiran oo ay aad uga muuqanayso shakhsiyada muslimka ah dhaqamada iyo edaabta looga baahan yahay si ay u noqdaan iftiin ay soo eegtan kuwa ka gaabiyay dhinaco ka mid ah.

Waxa ii muuqda farqiga u dhaxeeya waxa laga doonayo qofka muslimka ah iyo sida ay yihiin kuwa maanta muslimka sheeganaya in yar oo ka mid ah mooyane. Kuwa ay caqiidadoodu saxan tahay ee islaanimadoodu wanaagsan tahay quluubtooduna ay saafiga tahay ee hamigooguna firfircoon yahay waa kuwa u qaata si dhab ah diinta islaamka.

Waxa inoogu filan tusaale iyo hanuun kitaabka quraanka ah iyo sunnaha rasuulka oo si cad inoogu iftiiminaya dhamaan qadiyadaha adoomada ku xidhiidhinaya rabigooda iyo macamilaadka dhexdooda ah, dhamaantood tilmaamahani waxa ay dhismo u yihiin Shakhsiyada qofka muslimka ah si loo soo celiyo nolosha qofka iyo mushtamaca islaamka oo ah tusaale fiican.

Waxaynu ka bilaabaynaa waxyaabaha laga doonayo qofka muslimka ah ee ku sugan daliilka oo ah in uu noqdo qof ummad ku xidhan isla markaana anfaca. Shakhsiyadaas oo ku dhisan akhlaaqada kuwa ugu fiican ee ay ka hadleen aayadaha quraanka iyo axaadista rasuulka (CSW). Taas oo noqonaysa diin oo qofku ilaashado isagoo illaahayna ajar iyo wanaag ka rajaynaya

Waxaan ka soo uruuriyay  kitaabka iyo xadiiska waxaana ka dhigay mowduucyo, taas oo ii fududaysay in si nidaamsan ay iigu dhamaato baadhitaankii Shakhsiyada Muslimka ah waxana u nidaamiyay sidan:-

1. Muslimka iyo Cibaadada Rabigii

2. Muslimka iyo Naftiisa

3. Muslimka iyo Waalidkiisa

4. Muslimka iyo Xaaskiisa

5. Muslimka iyo Caruurtiisa

6. Muslimka iyo Ehelkiisa

7. Muslimka iyo Jaarkiisa

8. Muslimka iyo Walaaladii iyo Saaxiibadii

9. Muslimka iyo Mujtamaciisa

Raxmada illaahay (SW) ku galaday adoomadiisa waa mid balaadhan marku u kala cadeeyay hanuunka iyo halowga ee uu darajeeyay hanuunka ee uu u soo diray rasuul, una soo jeediyay risaalad iyo shareeco si ay dadku u helaan xujooyin cadcad ee ay ku kala baxaan markasta oo ayna ugu halaabin mugdiyada.

Dadku waxay aad ugu baahan yihiin hanuun iyo tarbiyad iyo edaab wey si ay u helaan awood ay ku ilaashadaan dadnimadooda una qaataan kaalintooda nololayd ee illaahay ugu tala galay. marka laga tago tarbiyada iyo hanuunka rabaaniga ah, waxa lama huraan ah in ay timaado ama dhacdo iska hor imaadyo iyo burbur, xaasidnimo, dulmi iyo dhamaan cadooyinka iyo dhaqamada xun xun ee burburiya dadnimada.

Waxaynu u arkaynaa si dhab ah dhaqanka caruurta marka ay hortaagan yihiin waalidkood waxay ku dadaalaan in ay u dhaqmaan si wanaagsan, iyagoo wixii ceeb iyo xumaan ah ku riixa walaaladooda kale, taasi waxay muujinaysaa in asal ahaan qofku jecel yahay in uu muujiyo jiritaankiisa wanaagsan

Hadaba halkan waxa ah arrin mihiim ah oo loo baahan yahay oo la gudboon dadka wax garadka ah ama aqoonta leh in ay ku baraarug sanaadan toosnaanta diinta islaamka iyo ku dhaqankeeda dadkana ay gaarsiiyan si loogu daydo iyaga si ay u noqdaan muuqal qurux badan oo ah nolosha wanaagsan ee quruxda iyo raaxada badan ee illaahay (SW) ugu tala galay adoomadiisa.

Illaahay (SW) diintan ugamuu soo dejin toddobada samo dusheeda in ay ahaato aragti caqliyadu ku raaxaystaan oo laga doodo ama in ay noqoto hadal muqadas ah oo ay dadku ka barakaystaan akhriskiisa, iyagoo fahansanayn hanuunkiisa isla markaana aanan garanayn macnihiisa, laakiin waxa uu u soo dejiyay illaahay (SW) in lagu xukumo nolosha shakhsiga, in lagu nidaamiyo nolosha qoyska laguna hogaamiyo nolosha ummada, si ay u noqoto nuur iftiiminaya dariiqa dadka oo ka saaraya mugdiga una saaraya iftiinka

"Xaqiiqdii waxa idinka yimid xaga illaahay nuur iyo kitaab cad oo illaahay ku hanuuninayo ka raaca raalli ahaanshihiisa dariiqa nabadgelyada, oo idinka saaraya mugdiyo idina saaraya iftiin ogolaanshiisa, idinkuna hanuuninaya dariiqa toosan" Suuratul Maa'id-14-16}

Inta lagu jiro hanuunkan ayay noloshu wanaagsanaataa, wanaaga iyo quruxda ka muuqata Shakhsiyada Muslimka ah ee dhabta ah ayaa ah mid soo jiidata dadka intiisa kale. Dadku markay arkaan waxay arkeen Islaam, wayna la dhaqmayaan waxana uga  kordhaya Iimaan.

Waa sidii uu Nebigu (CSW) u dhisay ummada islaamka, talaabooyinkii ugu horeeyay ee uu qaaday waxa ka mid ahaa in uu sameeyay rag ku walaaloobay islaanimada oo aad moodo kitaab lugaynaya dhulka isla markaana ay ku fideen aduunyada inteeda kale. Dadkuna ay u arkeen kuwa ku dayasho mudan, waxayna tusaale u ahaayeen Manhajka nolosha. iyagoo dadka intoo kalena markay arkeen dhaqankii iyo akhlaaqdii islaamka ay diinta u galeen koox koox.

Dadnimada maanta  waxay aad ugu baahan tahay weliba muslimiinta gaar ahaan in Manhajkan Nolosha lagu dhaqo laguna hogaamiyo, kaas oo la'aantii noloshu aanay hagaageen. Waxan illaahay waydiisanayaa in uu iga aqbalo kana dhigo mid illaahay dartii ah, kaas oo i anfaca maalinta aan maal iyo ubad aanay waxba qabanayn qof illaahay ula yimaada qalbi wanaagsan mooyane.

Xuquuqda Buugan Shakhsiyadda Muslimka Ah ee Turjumida waxa iska leh Shabakada Al Hidaaya.info

 
set as your home page

Tafsiirka Quraanka

Sh. Maxamed Sh.Cumar Dirir
Sh. Cismaan Cali Xuseen
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Maxamed Cabdi Umal

Arbiciin

Sh.Maxamed  Ismaaciil

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Arbiciin

Sh.Cumar Faaruuq

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Casharka 4aad
Casharka 5aad
Casharka 6aad
Casharka 7aad
Casharka 8aad
Casharka 9aad
Casharka 10aad
Casharka 11aad
Casharka 12aad
Casharka 13aad

Muxaadaro Cusub

Maxamed Cumar Dirir

  Doorashada Saaxiibka Wanaagsan

Sh. Almis  Sh. Yaxye

Kibirka Iyo Isla Weynida

Sh.Ina Cali Gadhle

Qaybo ka mid ah Iimaanka

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008 Al Hidaaya.info