Home
Q-Ramadaanta

   Barashada Quraanka

  Maxamed Sidiiq Al-Mashaawi
1.Jus Qadsamic
2.Jus Qadsamic
3.Jus Tabaarik
4.Jus Tabaarik
5.Jus Camma
6.Jus Camma
Maxamuud Khaliil Xusari
1.Jus Daariyaat
2.Jus Daariyaat
3.Jus Daariyaat
4.Jus Qadsamic
5.Jus Qadsamic
6.Jus Qadsamic
7.Jus Tabaarik
8.Jus Tabaarik
9.Jus Tabaarik
10.Jus Camma
11.Jus Camma
12.Jus Camma

   Su'aalo iyo Jawaabo

   Sh. Maxamed Cumar Dirir
1. Su'aalo iyo Jawaabo
2. Su'aalo iyo Jawaabo
3. Su'aalo iyo Jawaabo
4. Su'aalo iyo Jawaabo
5. Su'aalo iyo Jawaabo
6. Su'aalo iyo Jawaabo
7. Su'aalo iyo Jawaabo
8. Su'aalo iyo Jawaabo
9. Su'aalo iyo Jawaabo
10. Su'aalo iyo Jawaabo

Codayn

Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

   Islamic Links

Altaqwaa
Aflax.Net
Anasheed
Waaniye
Muslim Kids Tajweed
Sh. Abdirashiid
Daarul Xadiith
Duruus
Golaha Imamyada
Tawfiiq Masjid
Masjid Shaafici
Boqolsoon
Khalid Masjid
Somalisunah
Qardhaawi

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
Manhajka iyo Dariiqa Webka Al Hidaaya Print E-mail
Tuesday, 25 December 2007

Manhajka webkan iyo sees dhigiisu waxaan kusoo koobeynaa ereyadan :-
1- Meesha aanu kasoo qaadaneyno diinta iyo tacliinteenu waa inta waafaqsan Kitaabka Allaah iyo Sunnada Rasuulka (Sallallaahu caleyhi wassalam), intaa waxa soo raaca waa Ijmaacada ummadan ee salafkoodii saalixa ahaa, waxaanu iska tureynaa wixii ka hor imanaya ama garab socda ee kasoo hor jeeda fahankaas iyo dariiqaasi.
2- Cid laga hor marin karaa ma jirto Kitaabka iyo Sunnada, ciddey doonto ha ahaatee, qiimaha iyo intuu doono ha weynaado qofkaasi.
3- Qolku wuxuu u raacayaa arrintaa soo gudbinta iyo fududeynta Duruustii loo mari lahaa, Duruustaas oo sahleysa kana soo burqaneysa fahanka salafkaasi Suuban.
4- Inaan dadka u soo ban-dhigno dariiqa loo mari karo Cilmigaasi iyo weyneynta Culumada.
5- Weyneynta iyo kor u qaadida dadkii kor u qaadey Kitaabka iyo Sunnada Rasuulka (scw) ku dayashadooda iyo daba galkoodu ayaa ah dariiqa badbaadaada.
6- Siduu Allaah inooga dhigey ummada dhexe oo dhexdhexaada aynu u dhaxaynaa dadka ku talax tagey ama ka gaabiyey fahanka iyo ku dhaqanka Diinta islaamka.
7- Waxaanu si cad oo caad ku jirin uuga bari nahay, dhammaan fahanka ka soo hor jeeda ahlusunah waljamaacah, inta bidcada iyo khuraafaadka diinta ku soo dartay, sidoo kalana kuwa aan raacin manhajkaasi badbaadada ee Salafka.
8- Xagga kalana waxaanu ka fog-nahay isku adkeynta iyo fahanka cidhiidhiga ah ee dadka kala fogeynaya ama diinta sidey u arkaan uu ku miisaamaya dadka iyo Ducaada.
9- Webkan looguma baaqi karo ama dadka looguma yeedhi karo khilaafka, kala tagga iyo dagaalada aan Culumada raasikhiinta ah ka soo fulin ee hareeraha laga alifayo.
10- Muslimiinta oo loo gargaaro, hadal iyo hugunba, hiil iyo hooba, waa dariiqa muslimiinta, hammigooda iyo warwarkoodana lala qaybsado, oo aan bustaha hoosta laga huwan, balse hadal iyo iclaamba in lagu difaaco intii la awoodo.
11- U Nasteexaynta Muslimiinta iyo Usuulka Nasiixada –xaakim iyo maxkuumba- waa dariiqa lagu badbaadayo, taas oo aan cidna looga baqan xaqa in loo caddeeyo.
12- Is caawinta Muslimiinta dhexdooda, wada shaqeyntooda iyo isku duubnidoodu waa dariiqa looga hor tagi karo cadawgooda, ahna dariiqa loogu gargaari karo diinta Allaah, kala tagga iyo firqooyinka kooxiba meel isku xidhateyna waa dariiqa jajabinta iyo kala tagga ee u horseedeysa ummada burburka iyo guul-darrada.
13- Muwaalaatka –xidhiidhinta iyo soo dhaweynta waxa isku leh Muslimiinta, goynta iyo la colleytankana gaalada iyo wixii cago ku qaato. Dadka Muslimiinta ah waxaan soo dhaweyneynaa intey Allaah u dhow yihiin, waxaana loo goynayaa intey Manhajka asleynka ka fog yihiin.
14- Jamaacaad, xizbiyo iyo fikrado kala duwanaadey ama culumada oo arrin isku khilaafey ama kala jecleysi iyo dad badsi layskumana goynayo layskumana colaadinayo.
15- Mahajka Salafku ma aha mid dad gaari gooni u leeyihiin, waase dariiq cad oo dadkoo dhan u dhexeeya inta raacdey ee u abtirsaneysa ayaanu la jirnaa, inta colaadineysa ama cilladeyneysana waanu khilaafsan nahay, dadkana uma qaybineyno bidaaqad cas iyo buluug ee Allaah ayaa kala xisaabtamaya qof kastaaba wuxuu sameeyey, waxa ina saarina waa dacwad iyo gaadhsiin dariiqa saxda ah raacitaankiisa iyo caddeyntiisa, xukunkooda iyo gaaleysiintooduse laynama saarin.
16- Haddii arrin laysku qabto-sida qodobka 1aad tilmaamey-waxaanu isla noqoneynaa Kitaabka iyo sunnada, kadibna fahanka salafka, haddii ay ku kala duwan yihiinna inta daliilka u dhaw, haddii ay isku martabad yihiin, martabadda ijtihaadkana gaadheen waxaan qaadeynaa dariiqa tarjiixa ee culumada ku bayaamiyeen usuusha.
17- Xamaasad iyo kacdoon aan meel gaadhsiisneyn kuma gaadheyno yoolka aan higsaneyno, waxase loo baahan yahay inaan mar kasta ka ag dhawaano culumadeena kuwaas oo ayaguna u sii dhawaanaya inta kasii cilmi iyo fahan saraysa, halkaas oo silsiladda is maqalka iyo islaaxu ku hir gali karto.
18- Ugu danbeyn: manhajku, ma aha , mid qof loo tiirin karo, dejintiisa iyo qoridiisaba, waana ballaadhan yahay , muggiisuna waa weyn yahay, qof laysku duro, ama jamaaco laysku imtaxaanana wuu ka sarreeyaa, wuxuuna u baahan yahay soo dhiraandhirin iyo hoos u dhaadhac culuumta waxyiga laga shidaal qaato.


Allaah hanaga dhigo kuwo ku dhaqma waxay sheeganayaan, hanoona dhaafo gafafka iyo turunturooyinka, isagaa ceeb astura ah, danbi dhaafkiisana aaney cidi hor joogansan karine, haynagu hanuuniyo tubta toosan iyo talada teeda saxan. Aamiin

Fadlan, khaasatan culumada, haddii ay jiraan qallooc ku yimid tilmaamidda manhajka, hanoo soo tabiyaan si aanu uga saxno meesha qaloocu kaga jiro.


Wabbillaahi Tawfiiq.

 
set as your home page

Tafsiirka Quraanka

Sh. Maxamed Sh.Cumar Dirir
Sh. Cismaan Cali Xuseen
Sh. Cumar Faaruuq
Sh. Maxamed Cabdi Umal

Arbiciin

Sh.Maxamed  Ismaaciil

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Arbiciin

Sh.Cumar Faaruuq

  Casharka 1aad

Casharka 2aad

Casharka 3aad

Casharka 4aad
Casharka 5aad
Casharka 6aad
Casharka 7aad
Casharka 8aad
Casharka 9aad
Casharka 10aad
Casharka 11aad
Casharka 12aad
Casharka 13aad

Muxaadaro Cusub

Maxamed Cumar Dirir

  Doorashada Saaxiibka Wanaagsan

Sh. Almis  Sh. Yaxye

Kibirka Iyo Isla Weynida

Sh.Ina Cali Gadhle

Qaybo ka mid ah Iimaanka

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008 Al Hidaaya.info