We have 64 guests online
Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
AllVideos Reloaded for Joomla 1.0
Fadliga Bisha Ramadaan Print E-mail
Monday, 01 September 2008

Walaalayaal waxa bilaabmatay Bishii Ramadaan, waana bil weyn oo illaahay (SW) uu u labanlaabo cidii wanaag la timaada ajarka, albaabada khayrkana loo furo,

Bisha Ramadaan waa tii la soo dejiyay Quraanka oo dadka u ah hanuun iyo hanuunka oo loo cadaynayo iyo xaqa iyo baadilka oo la kala saarayo, ka idinka mid ah ee bisha arkaa ha soomo, qofka bukaana ama safarka ahi ayaamo kale ha soomo illaahay waxa uu idinla doonayaa fudeyd idinlama doonayo culus si aad tirada u dhamaystirtaan oo illaahay u weynaysaan sida la idin hanuuniyay, waa in illaahay aad ku mahadisaan” [Suratul Baqra 185].

Bisha Ramadaan waa raxmad iyo denbi dhaaf iyo naarta oo la iska xoreeyo, tobanka hore waa raxmad, tobanka dhexena waa denbi dhaaf, tobanka denbena waa muuminiinta oo naarta laga xoreeyo, fadligeeduna waa mid aan inaga qarsoonayn oo leh raadad waaweyn sida ku sugan xadiisyada.

Abu Hureera (RC) waxa uu Nebiga (CSW) ka soo weriyay marka ay timaado bisha ramadaan (Waxa la furaa albaabada janada kuwa naartana waa la xidhaa shayaadiintana waa la xidhaa), waxa loo furaa albaabada Janada bishan camalka wanaagsan ay la imanayaan muumiintu, waxaana loo xidhay albaabada naarta xumaanta ku yar muuminiinta, shayaadiintana waxa loo xidhaa xumaanta ay la dhex jooga dadka.

Abu Hureera (RC) waxa laga soo weriyay in uu Nebigu (CSW) yidhi:- (Umadayda waxa la siiyay shan arimood oo aan la siin ummadihii ka horeeyay, 1, Luunka ka muuqda qofka sooman afkiisa illaahay agtiisa waxay ka udgoontay miskiga, 2 Malaa’iigtuna ilaa inta ay afurka gaadhayso illaahay ayay denbi dhaaf u weydiiyaan, 3 illaahay maalin kasta waxa uu qurxiyaa janada waxaana uu ku yidhaa “adoomadayda wanaagsan dhibaato ayay soo marayaan si ay ku soo gaadhan”, 4 waxaana la xidhaa shayaadiinta oo iyagu marna aan deyn xumaanta, 5 habeenka ugu denbeeyana waa loo denbi dhaafa waxa lagu yidhi Rasuulkii illaahay ma laylatul qadrigaa? waxa uu yidhi maya laakiin qofka camal wanaagsan la yimaada wax loo kordhiyaa ajarkiisa marka uu camalkiisa dhameeyo).

Walaalayaal shantan arimood ee illaahay (SW) ina siiyay ee bisha ramadaan khaaska inooga dhigay ee umadii kale ee inaga horeeyay la siin, illaahayna uu inagu galaday si uu inoogu dhamaystiro nimcadiisa, imisa ayuu illaahay nimco iyo fadli ina siiyay? “Waxaad tihiin umadii ugu khayrka badnayd ee dadka loo soo saaro waanaaga ayaad is faraysaan xumaantana waad iska hor joogsanaysaan illaahayna waad rumaynaysaan, ehlu kitaabku haddii ay illaahay rumeeyaan khayr ayay u ahaan lahayd badhkood waa muuminiin badankoodna waa faasuqiin” [Suratul Cimraan-110].

Koowad: Qofka sooman Luunka ka muuqda qofka sooman afkiisa urta miskiga way ka wanaagsan tahay illaahay agtiisa waxaana is badalaysa urta marka cuntadu ka dhamaato caloosh, dhinaca dadku waa mid karaahiyo leh laakiin illaahay agtiisa waxay ka wanaagsan tahay miskiga waxaanay keentay u hogaansanan iyo cibaada illaahay. D dhamaan shay kasta oo cibaadada illaahay iyo adeecidiisa ah illaahay wuu jecel yahay, waxaana uu u gargaara qofka la yimaada wax ka khayr iyo fadli badan, miyaydaan arag Shahiidka u dagaalama illaahay dartii ee doonaya in ay kelmada illaahay sarayso waxa uu yimaada Qiyaamaha halka uu ka dhaawacmay kiiyo dhiigu ka da’ayo oo ay leedahay urta miskiga oo kale, Xajkana dadka taagan illaahay (SW) waxa uu ku yidhaahdaa Malaa’igta “Eega kuwaasi waa adoomadaydi oo icaabudaya iyagoo daal iyo boodh ka muuqdo” waxay u soo galeen dhibaatadan jacayl ay illaahay u qabaan waxaana ay furfurcooni gelinaysaa illaahay adeecidiisa waxaanay ka dheeranayaan waxyaabaha loo diiday.

Labaad: Malaa’igta oo denbi dhaaf u waydiisa Saa’imiinta ilaa inta ay afurayaan, Malaa’igtu waa adoomo illaahay agtiisa karaamo ku leh “Ma caasiyaan waxa illaahay ku amray waanay fuliyaan waxa lagu amro”[Suratul-Taxriib-6], illaahayna wuu ka aqbalaa wixii ay waydiistaan iyaguna waxay illaahay denbi dhaaf u weydiiyaan adoomada sooman, denbi dhaafkaas oo ah in dunuubto muumiinta illaahay asturo aduunyo iyo aakhiroba, waana u jeedada uu ugu jecel yahay adoonkasta oo khaldamaa in la asturo ceebtiisa.

Sadexaad:-Illaahay (SW) maalin kasta waxa uu qurxiyaa Jannada si loogu soo dhoweeyo adoomada muuminiinta iyagoo lagu dhiiri gelinayo sidii ay u gaadhi lahaayeen Janada oo ay ka sokayso dhibaato iyo howl adag, taas oo ah camalka wanaagsan ay samaynayaan aduunyada akhirona ay ku gaadhayaan Jannada.

Afraad:- Shayaadiinta oo lagu xidh-xidho silsilado si aanay ula soo gaadhin adoomada wanaagsan halaynta ay xaqa ka luminayaan si ay khayrka ugu sugnaadaan, taasina waa gargaar illaahay markii uu ka xidhi-xidhay cadhowgoodi doonayay in ay noqdaan xusbigiisa cadaabtana ula galaan, sidaas ayayna dadka wanaagsani ku jeclanayaan khayrka bisha ramadaan iyo inbadan oo kaleba.

Shanaad:- Illaahay (SW) waxa uu u denbi dhaafa umada Nebi Maxamed (CSW) habeenka ugu denbeeya bisha ramadaan marka ay soo gabogabeeyaan waajibaadkii bisha ramadaan, cibaadada habeenada ugu denbeeya waxa loo labanlaaba ajarkooga marka ay soo gabo-gabaynayaan camaladooda, waayo qofka hawl hayaa waa loo labanlaaba abaalmarintiisa.

Fadliga iyo Ajarka Illaahay (SW) Adoomadiisa siiyay waa Sadex Waji

1. Illaahay (SW) waxa uu ku waajibiyay in ay la yimaadaan camal wanaagsan oo sabab u noqonaya denbi dhaaf ay helaan iyo darajadooda oo kor loogu qaado, haddii illaahay arrinkaa waajibin illaahay lama caabudeen, cibaadada lagama soo qaato meel aan ahayn waxyiga illaahay ku soo dejiyay Rasusha, sidaas ayuu illaahay u diiday cid aan isaga ahayn oo sharci samaysa cida kale ee sharci samaysaana ay u noqdeen kuwa mushrikiin ah, “Ma waxa u sugnaaday kuwa kale oo sharci u dejiyay iyaga oo aanu illaahay u ogalaan, haddii ay jirto kalmad wax kala saaraysa way ku kala bixi lahaayeen, daalimiinta waxa u sugnaaday cadaab qadhaadh” [Shuraa-21]

2. Illaahay (SW) waxa uu waafajiyay muuminiinta  camalka wanaagsan ee ay ka tageen in badan oo dadka ka mid ah, haddii aanu illaahay waafajina lamay yimaadeen taasina waa fadli illaahay ku manaystay, “Way kugu mano sheeganayaan in ay islaameen, ku dheh ha igu mano sheeganina islaanimadiina illaahay ayaa idinku manaystay in uu idinku hadeeyo iimaan haddii aad tihiin kuwa run sheegaya”[Xujraad-17]

3. Illaahay waxa uu ku fadilay ajar faro badan qofka wanaag la yimaada toban jeer ayaa loo labanlaaba ilaa 700 boqol oo jeer waana fadli illaahay, qofka camal wanaagsan la yimaada abaalmarinta la siinayo illaahay baana mahadaa leh.

Walaalayaal: Qofka gaadha Bisha Ramadaan nimco weyn ayuu la kulmay waana qofka xaqeeda guta ee ka taga xumaanta badiyana xuska illaahay lana yimaada toobad, hadaba qofkii denbi iyo xumaan samaynayo illaahay ha u toobad keeno hana badiyo akhriska quraanka, kordhina dadaalkaaga iyo tasbiixda akhriskeeda.

Imisaad garanaysaa oo soomay sannadadii hore? Ama aan soo gaadhin ramadaanta oo uu moodku ka soo gaadhay, illaahayow naga baraaruji mugdiyada qaflada oo na waafaji cabsidaada intaanan qabriga gelin, illaahayow nagu arsaaq ka faa’iidaysiga wakhtiga marka muhmalka, illaahayow denbigayaga dhaaf iyo kii waalidiintayadaba iyo dhammaan umada muslimka ah, illaahayow raxmadaada ayaan ku weydiisanaynaa cid naxariisata adiga ayaa ugu naxariis badan, N.N.K.H Nabigeeni Maxamed isaga iyo ehelkiisi iyo asxaabtiisi iyo dhamaan cidii wanaaga ku raacda ilaa maalinta qiyaamaha. 

Wa Bilaahi Towfiiq

Waxa idin soo diyaariyay Walaalaha Shabakada Al Hidaaya www.alhidaaya.info xuquuqda qoraalkana iyaga ayay u dhowran tahay. 

 
set as your home page

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008-2009 Al Hidaaya.info