|
Walaalayaal waxa bilaabmatay Bishii Ramadaan, waana bil weyn oo illaahay (SW) uu u labanlaabo cidii wanaag la timaada ajarka, albaabada khayrkana loo furo, “Bisha Ramadaan waa tii la soo dejiyay Quraanka oo dadka u ah hanuun iyo hanuunka oo loo cadaynayo iyo xaqa iyo baadilka oo la kala saarayo, ka idinka mid ah ee bisha arkaa ha soomo, qofka bukaana ama safarka ahi ayaamo kale ha soomo illaahay waxa uu idinla doonayaa fudeyd idinlama doonayo culus si aad tirada u dhamaystirtaan oo illaahay u weynaysaan sida la idin hanuuniyay, waa in illaahay aad ku mahadisaan” [Suratul Baqra 185]. Bisha Ramadaan waa raxmad iyo denbi dhaaf iyo naarta oo la iska xoreeyo, tobanka hore waa raxmad, tobanka dhexena waa denbi dhaaf, tobanka denbena waa muuminiinta oo naarta laga xoreeyo, fadligeeduna waa mid aan inaga qarsoonayn oo leh raadad waaweyn sida ku sugan xadiisyada. Abu Hureera (RC) waxa uu Nebiga (CSW) ka soo weriyay marka ay timaado bisha ramadaan (Waxa la furaa albaabada janada kuwa naartana waa la xidhaa shayaadiintana waa la xidhaa), waxa loo furaa albaabada Janada bishan camalka wanaagsan ay la imanayaan muumiintu, waxaana loo xidhay albaabada naarta xumaanta ku yar muuminiinta, shayaadiintana waxa loo xidhaa xumaanta ay la dhex jooga dadka. Abu Hureera (RC) waxa laga soo weriyay in uu Nebigu (CSW) yidhi:- (Umadayda waxa la siiyay shan arimood oo aan la siin ummadihii ka horeeyay, 1, Luunka ka muuqda qofka sooman afkiisa illaahay agtiisa waxay ka udgoontay miskiga, 2 Malaa’iigtuna ilaa inta ay afurka gaadhayso illaahay ayay denbi dhaaf u weydiiyaan, 3 illaahay maalin kasta waxa uu qurxiyaa janada waxaana uu ku yidhaa “adoomadayda wanaagsan dhibaato ayay soo marayaan si ay ku soo gaadhan”, 4 waxaana la xidhaa shayaadiinta oo iyagu marna aan deyn xumaanta, 5 habeenka ugu denbeeyana waa loo denbi dhaafa waxa lagu yidhi Rasuulkii illaahay ma laylatul qadrigaa? waxa uu yidhi maya laakiin qofka camal wanaagsan la yimaada wax loo kordhiyaa ajarkiisa marka uu camalkiisa dhameeyo). Walaalayaal shantan arimood ee illaahay (SW) ina siiyay ee bisha ramadaan khaaska inooga dhigay ee umadii kale ee inaga horeeyay la siin, illaahayna uu inagu galaday si uu inoogu dhamaystiro nimcadiisa, imisa ayuu illaahay nimco iyo fadli ina siiyay? “Waxaad tihiin umadii ugu khayrka badnayd ee dadka loo soo saaro waanaaga ayaad is faraysaan xumaantana waad iska hor joogsanaysaan illaahayna waad rumaynaysaan, ehlu kitaabku haddii ay illaahay rumeeyaan khayr ayay u ahaan lahayd badhkood waa muuminiin badankoodna waa faasuqiin” [Suratul Cimraan-110]. Koowad: Qofka sooman Luunka ka muuqda qofka sooman afkiisa urta miskiga way ka wanaagsan tahay illaahay agtiisa waxaana is badalaysa urta marka cuntadu ka dhamaato caloosh, dhinaca dadku waa mid karaahiyo leh laakiin illaahay agtiisa waxay ka wanaagsan tahay miskiga waxaanay keentay u hogaansanan iyo cibaada illaahay. D dhamaan shay kasta oo cibaadada illaahay iyo adeecidiisa ah illaahay wuu jecel yahay, waxaana uu u gargaara qofka la yimaada wax ka khayr iyo fadli badan, miyaydaan arag Shahiidka u dagaalama illaahay dartii ee doonaya in ay kelmada illaahay sarayso waxa uu yimaada Qiyaamaha halka uu ka dhaawacmay kiiyo dhiigu ka da’ayo oo ay leedahay urta miskiga oo kale, Xajkana dadka taagan illaahay (SW) waxa uu ku yidhaahdaa Malaa’igta “Eega kuwaasi waa adoomadaydi oo icaabudaya iyagoo daal iyo boodh ka muuqdo” waxay u soo galeen dhibaatadan jacayl ay illaahay u qabaan waxaana ay furfurcooni gelinaysaa illaahay adeecidiisa waxaanay ka dheeranayaan waxyaabaha loo diiday. Labaad: Malaa’igta oo denbi dhaaf u waydiisa Saa’imiinta ilaa inta ay afurayaan, Malaa’igtu waa adoomo illaahay agtiisa karaamo ku leh “Ma caasiyaan waxa illaahay ku amray waanay fuliyaan waxa lagu amro”[Suratul-Taxriib-6], illaahayna wuu ka aqbalaa wixii ay waydiistaan iyaguna waxay illaahay denbi dhaaf u weydiiyaan adoomada sooman, denbi dhaafkaas oo ah in dunuubto muumiinta illaahay asturo aduunyo iyo aakhiroba, waana u jeedada uu ugu jecel yahay adoonkasta oo khaldamaa in la asturo ceebtiisa. Sadexaad:-Illaahay (SW) maalin kasta waxa uu qurxiyaa Jannada si loogu soo dhoweeyo adoomada muuminiinta iyagoo lagu dhiiri gelinayo sidii ay u gaadhi lahaayeen Janada oo ay ka sokayso dhibaato iyo howl adag, taas oo ah camalka wanaagsan ay samaynayaan aduunyada akhirona ay ku gaadhayaan Jannada. Afraad:- Shayaadiinta oo lagu xidh-xidho silsilado si aanay ula soo gaadhin adoomada wanaagsan halaynta ay xaqa ka luminayaan si ay khayrka ugu sugnaadaan, taasina waa gargaar illaahay markii uu ka xidhi-xidhay cadhowgoodi doonayay in ay noqdaan xusbigiisa cadaabtana ula galaan, sidaas ayayna dadka wanaagsani ku jeclanayaan khayrka bisha ramadaan iyo inbadan oo kaleba. Shanaad:- Illaahay (SW) waxa uu u denbi dhaafa umada Nebi Maxamed (CSW) habeenka ugu denbeeya bisha ramadaan marka ay soo gabogabeeyaan waajibaadkii bisha ramadaan, cibaadada habeenada ugu denbeeya waxa loo labanlaaba ajarkooga marka ay soo gabo-gabaynayaan camaladooda, waayo qofka hawl hayaa waa loo labanlaaba abaalmarintiisa. Fadliga iyo Ajarka Illaahay (SW) Adoomadiisa siiyay waa Sadex Waji 1. Illaahay (SW) waxa uu ku waajibiyay in ay la yimaadaan camal wanaagsan oo sabab u noqonaya denbi dhaaf ay helaan iyo darajadooda oo kor loogu qaado, haddii illaahay arrinkaa waajibin illaahay lama caabudeen, cibaadada lagama soo qaato meel aan ahayn waxyiga illaahay ku soo dejiyay Rasusha, sidaas ayuu illaahay u diiday cid aan isaga ahayn oo sharci samaysa cida kale ee sharci samaysaana ay u noqdeen kuwa mushrikiin ah, “Ma waxa u sugnaaday kuwa kale oo sharci u dejiyay iyaga oo aanu illaahay u ogalaan, haddii ay jirto kalmad wax kala saaraysa way ku kala bixi lahaayeen, daalimiinta waxa u sugnaaday cadaab qadhaadh” [Shuraa-21] 2. Illaahay (SW) waxa uu waafajiyay muuminiinta camalka wanaagsan ee ay ka tageen in badan oo dadka ka mid ah, haddii aanu illaahay waafajina lamay yimaadeen taasina waa fadli illaahay ku manaystay, “Way kugu mano sheeganayaan in ay islaameen, ku dheh ha igu mano sheeganina islaanimadiina illaahay ayaa idinku manaystay in uu idinku hadeeyo iimaan haddii aad tihiin kuwa run sheegaya”[Xujraad-17] 3. Illaahay waxa uu ku fadilay ajar faro badan qofka wanaag la yimaada toban jeer ayaa loo labanlaaba ilaa 700 boqol oo jeer waana fadli illaahay, qofka camal wanaagsan la yimaada abaalmarinta la siinayo illaahay baana mahadaa leh. Walaalayaal: Qofka gaadha Bisha Ramadaan nimco weyn ayuu la kulmay waana qofka xaqeeda guta ee ka taga xumaanta badiyana xuska illaahay lana yimaada toobad, hadaba qofkii denbi iyo xumaan samaynayo illaahay ha u toobad keeno hana badiyo akhriska quraanka, kordhina dadaalkaaga iyo tasbiixda akhriskeeda. Imisaad garanaysaa oo soomay sannadadii hore? Ama aan soo gaadhin ramadaanta oo uu moodku ka soo gaadhay, illaahayow naga baraaruji mugdiyada qaflada oo na waafaji cabsidaada intaanan qabriga gelin, illaahayow nagu arsaaq ka faa’iidaysiga wakhtiga marka muhmalka, illaahayow denbigayaga dhaaf iyo kii waalidiintayadaba iyo dhammaan umada muslimka ah, illaahayow raxmadaada ayaan ku weydiisanaynaa cid naxariisata adiga ayaa ugu naxariis badan, N.N.K.H Nabigeeni Maxamed isaga iyo ehelkiisi iyo asxaabtiisi iyo dhamaan cidii wanaaga ku raacda ilaa maalinta qiyaamaha. Wa Bilaahi Towfiiq Waxa idin soo diyaariyay Walaalaha Shabakada Al Hidaaya www.alhidaaya.info xuquuqda qoraalkana iyaga ayay u dhowran tahay. |