We have 48 guests online
Maxaad ka xiiseysaa webkaan Al Hidaaya?
 

Login Form

Ogaysiis Mihiim ah:- wax alla wixii ku jira webkan waa mamnuuc in aad ka ganacsataan, wixii ka soo hadhay intaasi fasax ayaad u tihiin Baarakallaahu Fiikum
Siiradii Rasuulka CSW Qaybtii 3aad Print E-mail
Sunday, 03 February 2008

Markuu Cabdul Muddalib Ceelka Zamzamka qodayay ee ay Qureeshi kula murantay ayuu Nidar ku galay in haddii toban wiil u dhashaan oo uu qaan gadhkooda nolol ku gaadho uu mid Kacbada ku bireeyo. Toban wiil markay u dhasheen ee ay hub qaad noqdeen, ayuu u sheegay nidarkiisii, wuxuu ka codsaday inay nidarkaa oofiyaan. Way ka yeeleen, waxay yidhaahdeen: maxaad naga dooneysa eenu yeelnaa? Wuxuu yidhi: mid waliba ha ii keeno qori magaciisu ku qoran yahay, way u keeneen, wuxuu ula galay Sanam Hubal oo yaal ceel Kacbada dhexdeeda ah, ceelkaa ayaa la gayn jiray wixii Kacbada loola niyoodo.

Read more...
 
Siiradii Rasuulka CSW Qaybtii 2aad Print E-mail
Sunday, 03 February 2008

Nizaar ina Macad wuxuu dhalay saddex: Mudar, Rabiic iyo Anmaar. Mudar wuxu dhalay laba: Ilyaas iyo Caylaan. Ilyaas wuxuu dhalay laba: Mudrika, Daabikh iyo Qamaca. Mudrika wuxu dhalay laba: Kuzayma iyo Hudayl. Khuzayma wuxu dhalay afar: Kinaama, Asad, Aasada, huun. Kinaana wuxuu dhalay afar: Nadir, Maalik, cabdi Manaat iyo Milkaan

Read more...
 
Siiradii Rasuulka Qaybtii 1aad Print E-mail
Sunday, 03 February 2008

Rasuulku waa: Muxamad ina Cabdillaahi, ina Cabdi Mudaliba (Sheybah), ina Haashim (Cumar), ina Cabdi Manaf (Al Muqiirah), ina Qusay (Zeyd), ina Kilaaf, ina Murrah, ina Kacab, ina Lu'ay, Ina Qaalib, ina, Fihir, ina Maalik, ina Nadar, ina Kinaana, inaa khuzayma, ina Cadnaan, ina Udd, ina Muqawim, ina Naaxuur, ina Tayrax, ina Yacrub, ina Yashjub, ina Naabit, inaa Nebi Ismaaciil, ina Nebi Ibraahim, ina Taarix (Aazar), ina Naaxuur, ina Saaruuq, ina Raacuu, ina Faalikh, ina Lamak, ina Mutawashlax, ina Akhnuukh, (Nebi Idiris), ina Yard, ina Mahlaa'iil, ina Qaayin, ina Anuusha, ina Shayth, ina Nebi Aadam.

Read more...
 
Taariikhda Rasuulka Meelaha Laga Helo Print E-mail
Sunday, 03 February 2008

Asalka u weyn una kalsuoni badan ee taariikhda Rasuulka laga heli karaa waa Quraanka Alle soo dejiyay een baadil iyo beeni u iman karin. Quraanku wuxuu ka sheekeeyaa noloshii Rasuulka, intii aan waxyigu ku soo degin, agoon-nimadiisi, sabool-nimadiisi, rajay-nimadiisi, iyo sidii waxyigu ugu soo degay, siduu dadka u gaadhsiiyay, sidii cirka loo korsiiyay, sidii loo colaadiyay, sidii Makka looga saraay (Hijradii), dagaalladii uu gaalada la galay, akhlaaqdiisa. Quraanku si tafatiran oo cad ayuu arrimahas uga hadlay, taasuna waxay ina tusaysaa in aanu taariikhda soo marin nin sidaas oo kale Taariikhdiisu u caddahay oo ay kalsooni u tahay.

Read more...
 
Hordhaca Muxammad Cafiif Zufiif Zucbi ( oo ah ninka soo koobay kitaabkan) Print E-mail
Sunday, 03 February 2008

Waxaynu ognahay qof kasta noloshiisa, in kasta ooy taariikhdu sugto, oo laga weriyo dad lagu kalsoon yahay, haddana dadku kuma dayan karo haddaanu ahayn mid ku sifooba dhammi aan dhinnana lahayn. Qofna ceeb iyo gaf kama reebbanaan karo haddan noloshiisa oo dhan dadku wada ogeyn oon laga dheregsaneyn horrayso iyo dambayso. Nolosha Muxammadna (Nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato e)

Read more...
 
Hordhaca Turjumaha Print E-mail
Sunday, 03 February 2008

Haddaba qofka doonaya inuu nabadgalo Aduunka iyo Aakhiroba, waa inuu raacaa oo ku daydaa Nebi Maxamed (CSW) waayo waxa laga helayaa noloshiisa iyo taariikhdiisa hanuun iyo nuur dhinac kasta oo ka mid ah dhinacyada nolosha, ha ahaato xagga siyaasadda, dhinaca xukunka iyo maamulka, maalka (Xoolaha), ganacsiga, dhaqaalaha, bulshada, xidhiidhka ummadaha, akhlaaqda. Muslimiintu maanta waxa ay moodaan in cisi iyo horumar iyo liibaani ku jiraan waddada ay hayaan cadowgoodu, kuwaas oo ay isku dayaan inay tallaabo tallaabo iyo taako taako ula socdaan hab dhaqankooda nololeed.

Read more...
 
set as your home page

Qormooyinka Todobaadkan

Weedh Qaaliya

 Diin walbaaba waxay leedahay akhlaaq, akhlaaqda Islaamkuna waa xishoodka.

        Ma ogtahay In

Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).

Akhri Oo Ku Dayo

Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.

Saddexlay

Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:

1.Joogtaynta shaqada

2.Ku celcelinta isku dayga

3.Sixida khaladka

Hal Xidhaale

1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?

2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?

3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah  (الله)?

4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?

5. Waxaad sheegtaa taariikhda Miilaadigu intay ahayd markii uu dhashay Rasuulka CSW?

Jawaabaha ku soo hagaaji emailka This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

Jawaabaha Su'aalihii Hore

1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina? Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina

2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)? Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله) waxay ku jirtaa 282

3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban  tahay 3481 kelmadood

4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay? Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf

5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira? Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.

أسماء النار:- الْجَحِيمُ‏، ‏الْحُطَمَةُ‏، ‏السَّعِيرُ‏، ‏السَّمُومٌ‏، ‏النَّارُ‏، ‏جَهَنَّمُ‏، ‏سِجِّينٌ‏، ‏سَقَرٌ‏، ‏هَاوِيَة
@copyright (C) 2008-2009 Al Hidaaya.info