Rasuulku waa: Muxamad ina Cabdillaahi, ina Cabdi Mudaliba (Sheybah), ina Haashim (Cumar), ina Cabdi Manaf (Al Muqiirah), ina Qusay (Zeyd), ina Kilaaf, ina Murrah, ina Kacab, ina Lu'ay, Ina Qaalib, ina, Fihir, ina Maalik, ina Nadar, ina Kinaana, inaa khuzayma, ina Cadnaan, ina Udd, ina Muqawim, ina Naaxuur, ina Tayrax, ina Yacrub, ina Yashjub, ina Naabit, inaa Nebi Ismaaciil, ina Nebi Ibraahim, ina Taarix (Aazar), ina Naaxuur, ina Saaruuq, ina Raacuu, ina Faalikh, ina Lamak, ina Mutawashlax, ina Akhnuukh, (Nebi Idiris), ina Yard, ina Mahlaa'iil, ina Qaayin, ina Anuusha, ina Shayth, ina Nebi Aadam.
Asalka u weyn una kalsuoni badan ee taariikhda Rasuulka laga heli karaa waa Quraanka Alle soo dejiyay een baadil iyo beeni u iman karin. Quraanku wuxuu ka sheekeeyaa noloshii Rasuulka, intii aan waxyigu ku soo degin, agoon-nimadiisi, sabool-nimadiisi, rajay-nimadiisi, iyo sidii waxyigu ugu soo degay, siduu dadka u gaadhsiiyay, sidii cirka loo korsiiyay, sidii loo colaadiyay, sidii Makka looga saraay (Hijradii), dagaalladii uu gaalada la galay, akhlaaqdiisa. Quraanku si tafatiran oo cad ayuu arrimahas uga hadlay, taasuna waxay ina tusaysaa in aanu taariikhda soo marin nin sidaas oo kale Taariikhdiisu u caddahay oo ay kalsooni u tahay.
Waxaynu ognahay qof kasta noloshiisa, in kasta ooy taariikhdu sugto, oo laga weriyo dad lagu kalsoon yahay, haddana dadku kuma dayan karo haddaanu ahayn mid ku sifooba dhammi aan dhinnana lahayn. Qofna ceeb iyo gaf kama reebbanaan karo haddan noloshiisa oo dhan dadku wada ogeyn oon laga dheregsaneyn horrayso iyo dambayso. Nolosha Muxammadna (Nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaato e)
Suuratu Al-malik ay u shafeeco qaadeyso qofka akhriya maalinta qiyaamaha, sida ku sugnaatay xadiis saxeex ah oo laga weriyey Nebiga (CSW).
Akhri Oo Ku Dayo
Amiirkii Muslimiinta ee la odhan jiray Haaruun Al-Rashiid ayaa markii sakaaraadkii geeridu qabtay ayuu u dhawaaqay hogaamiyayaashiisii waxaanu ku amray in ay ciidankiisii soo tubaan. Waxaa goobtii la keenay dhammaan ciidankiisii oo ku gaashaaman saanadoodii oo dhan. Haaruun Al-Rashiid inta uu aad u ooyey ayuu yidhi, “ Ka aanu mulkigiisu taginow u naxariiso ka mulkigiisii tagay”. Waxa uu halkii ka sii waday oohintii ilaa naftu ka baxday.
Saddexlay
Saddex QUDHAANJADA kaga dayo:
1.Joogtaynta shaqada
2.Ku celcelinta isku dayga
3.Sixida khaladka
Hal Xidhaale
1.Kumuu ahaa Asxaabigii mar kasta oo uu ducaysto illaahay ka aqbali jiray ducadiisa?
2.Dawladii Cabaasiya maxaa loogu bixiyay magacaa?
3. Sheeg Suurada Aayad kasta oo ka mid ahi uu ku jiro kelmada allaah(الله)?
4.Waxa aad sheegta tirada Sujuudaha Quraanka ku jira iyo suuradaha ay ku jiraan?
1.Waxaad sheegtaa shanta suuradood ee quraanka ugu horeeya ee Al Faatixa, Al Baqra, Al Cimraan,Nisaa iyo Maa'ida siday u soo kala hor degeen iyo halkay ku soo degeen Maka ama Madiina?Jawaab: Waxay u soo kala hor degeen sida ay u kala horeeyaan oo suuratu Faatixa waxay ahayd suuradii 5aad waxaanay ku soo degtay Makka ,suuratu Baqrana waxay ahayd suuradii 87 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Al Cimraan waxay ahayd suuradii 92 waxaanay ku soo degtay Madiina, suuratu Maa'ida waxay ahayd suuradii 112 waxaanay ku soo degtay madiina
2.Waxaad Sheegtaa Suuratu Baqra inta jeer ee ay ku jiro kalmada Allaah (الله)?Jawaab: Suuratu Al Baqra kelmada (الله)waxay ku jirtaa 282
3. Waxa aad sheegtaa Suuratu Al Cimraan inta kelmadood ee ay ka kooban tahay?Jawaab: Suuratu Al Cimraan waxay ka kooban tahay 3481 kelmadood
4.Waxa aad sheegtaa Suuratu Maa'ida inta xaraf ee ay ka kooban tahay?Jawaab: Suuratu Maa'ida waxay ka kooban tahay 12032 xaraf
5.Waxa aad sheegtaa tirada magacyada Naarta ee Quraanka ku jira?Jawaab: Tirada Magacyada Naarta ee ku jira Quraanku waa 9 magac, kala ah Jaxiima, Xudama, Saciira, Samuum, Naar, Jahanama, Saqara, Sijiin iyo Haawiya.